Araweelo News Network

General Berhanu Tsegaye

Addis -Ababa(ANN)-Xukuumadda Dalka Ethiopia  ee uu Hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmef, ayaa shaqada ka eriday shan ka mid ah saraakiisha xabsiyada Dalka ugu waaweyn maamulayay.

 

Sida ay sheegeen Warar shebekadda Araweelo News Network heshay Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia ayaa sheegay in xilalkii ay hayeen uu ka qaaday in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed  shanta sarkaal ee u sareeya xabsiyada dalkaa, kuwaas oo uu  ku baddalay saraakiil cusub oo hoggaamin doonamaamulka xabsiyada Ethiopia.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Ethiopia  General Berhanu Tsegaye wuxuu sheegay in saraakiisha shaqada laga eryay kadib markii ay gudan waayeen waajibkooda shaqo.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia General Berhanu Tsegaye, wuxuu  sheegay in maxaabiista ku Jira xabsiyada dalkaa aanay helin daryeel islamarkaana  aan xabsiyada Dalka laga tixgelin qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha, sidaa awgeed ay talaabadani qayb ka tahay isbedelada uu dalka ka wado Ra’isal wasaare Abiy Axmed, isbedeladaa oo lagu sameynayo siyaasadaaha dowladda Ethiopia.