Araweelo News Network

Wasiir Hinda Gaani

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay aragtideeda qorshe dawladda Qatar ee ay xidhiidhka u jartay dalka gudihiisa kaga qoranayso dhallinyaro muwaaddiniin ah oo ay doonayso inay ka dhigato ciidan.

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay halista ka dhalan karta in dawladda Qadar dalka gudihiisa ka qoroto dhallinyaro reer Somaliland ah si ay uga dhigato Askar dalkeeda difaaca.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska marwo Hinda Jaamac Xirsi oo warbaahinta kula hadashay xafiiskeeda , ayaa muujisay mowqifkeeda ku wajahan qorshahaas oo ay ku tilmaamtay arrin aad u qaldan oo khatarteeda leh.

Wasiirka oo laga weydiiyey siday u aragto in dawladda Qadar dhallinyarada reer Somaliland dalka gudihiisa ka urursato oo ay ka dhigato Askar, waxa ay tidhi; “Marka koowaad wuxu haddii ay yihiin wax dibad la xidhiidha waxaan qabaa cidda ka hadalkeeda leh waa Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo awood u leh, haddii wuxu dalka soo gelayaanna waxa awood u leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha, marka qofka dalka gudihiisa shaqo la’aan kaga dhacdana waxa xaq u leh inay ka hadasho Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta, haddii ay tayda ka raaco dadkani dalka ayey dibadda uga baxayaan oo waxay ku baxayaan fiise, fiisuhuna dibad ayuu inooga yimaaddaa, cidda xaqa u leh fiisahaasi muxuu ku salaysan yahay, yaa soo diray, sababtee ayaa loo dalbaday, dadku miyey shaqo waayeen, miyey shaqo haystaan, cidba may weydiin ayaan qabaa.” “Runtii, aniga oo aan dhaleecaynayn waxaan qabaa waa door ay laheyd Wasaaradda Arrimaha Dibaddu oo ma jirto wasaarad ahaan door aannu ku leenahay oo fiisayaal ma bixinno, ismana aragno,” ayey sii raacisay.
Intaa kadib, Wasiir Hinda oo la weydiiyey sida ay u aragto in dhallinyaradaas u dhoofaan dalka Qadar oo askar u noqdaan, waxa ay ku jawaabtay, “Wallaahi, waxaan u arkaa arrin aan munaasib aheyn, waayo maahmaah ayaa tidhaa nin geel ka tegay oo geel kale u tegay wuxuu korodhsaday hashaa magaceed! Inanka dhallinyarada ah ee doonaya inuu Qadar ciidan u noqdo iyadoo dalkiisii ciidan u baahan yahay, waxaan u arkaa inuu lunsan yahay oo waxa igala qalad badan waalidiinta ambabixinaysa ee ku taakuleynaysa.”

“Dhallinyaradu haka fiirsato oo yaanay ku degdegin safarkaas, waxaanan u arkaa qalad, Madaxweynahana waxaan ku boorrinayaa oo uu hore uga dhawaajiyey oo aan soo dhaweynayaa in dhammaan ardayda dhammaysatay dugsiga sare iyo jaamacadaha in loo furo tababbar ciidan, dabadeedna la siiyo derajada oo ay noqdaan saraakiil iyo ku-xigeenno ciidanka qaranka ka mid ah oo kolleyba sidaasi ayaan qabaa haddii ay noqonayaan askar,” ayuu tidhi Wasiirka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo farriin dardaaran ah u dirtay bulshada iyo Madaxweynaha Somaliland.