Araweelo News Network

Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho(ANN)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka hadashay sababta loo xidhay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kadib markii ciidanka Ammaanka Muqdisho Xabsiga u taxaabeen.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo xeer illaaliyaha guud ee dawladda Federaalka Soomaaliya Axmed Daahir ayaa laga akhriyay war qoraal ah oo lagu faahfaahinayo sababta xadhiga Cabdiraxman Cabdishakuur.

Cabdicasiis Cali Ibraahim oo ah afhayeenka wasaaradda amniga oo warqada akhriyay ayaa yidhi, “Hay’addaha Amniga iyaga oo gudanaya waajibaadkooda iyo awaamiirta madaxda ayay abaaro 11kii iyo badhkii habeenimo xalay ay tageen guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyo, muwaadiniintii guriga joogtay waxa ay u hoggaansami waayeen amarkii la siiyay, iyadoo la waday warqadihii ruqsada baadhista, guriga waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah shaqsigii ruqsada loo qaatay, wuxuu si cad uga horyimi  awaamiirta, kadibna ciidammada illaalada u ahaa waxa ay rasaas ku fureen ciidammadii ka socday hay’adaha amniga”.

Sarkaalka, ayaa  intaa ku daray in ay ku guuleysteen in ay soo xidhaan Cabdiraxmaan, islamarkaasna sharciga la marin doono.

 

 

Sida ku cad qoraalka dowladda kasoo baxay, dambiyada lagu eedeeyay Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in ay yihiin ‘ Khiyaamo qaran, khal-khal gelin iyo burburin nidaam dowladnimo iyo weliba u adeegis dano dowladdo shisheeye’ balse lama sheegin kuwa ay yihiin dalalka shisheeye ee danahooda uu u adeegayo siyaasiga la xidhay.

Wasiir Isloow oo ka hadlay dhankiisa shaaciyay amar cusub oo ku saabsan shirarka lagu qabto Muqdisho “Waxaan rabnaa in aan halkan ka caddayno in goobaha lagu shiro aan lagu shiri karin iyada oo aan fasax la heysanin, horeyna waan u caddaynay, waxan rabnaa in marka la shirayo fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir”.

Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa sheegay in aanay jirin cid sharciga ka saraysa, islamarkaasna socoto baadhis daah furnaan ah oo “ay cid kasta ku qanci doonto”

 

 

Sida ayba dowladda qirtay hawlgalka waxa uu ahaa mid rasaas la’isku weeydaarsaday, waxaana jira warar ka hadlaya in ay dad ku dhinteen, balse mas’uuliyiintu kama  hadlin cid dhimatay ama dhaawacanta hawlgalkaa oo ay qireen in rasaas laysu adeegsaday.