Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)– Shir gaar ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo shir gaar ah maanta yeeshay, ayaa ka hadlay doorashada madaxtooyadda Somaliland ee qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017 ee shalay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia, waxa kaloo Shirkaa oo uu guddoominayay Ra’iisal wasaare Khayre laga hadlay miisaaniyada xukuumadda oo lagu ansixiyay.

Qoraal saxaafadeedka oo soo gaadhay shebekada Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

“Shirka uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda 2018, Isla  markaasna hambalyo loo direy doorashooyinka Somaliland.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay guddi heer wasiir ah oo daraasad ku soo sameeyey dardargelinta xasilinta dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Guddiga ayaa warbixin dheer ka dib ay soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in amniga caasimada la deegaameeyo oo barnaamijka dariseynta la dhaqangeliyo, in la diiwaangeliyo gaadiidka iyo guryaha, in taariko gaar ah loo sameeyo caasimada si gaadiidka soo galaya loo ogaado, in aaladaha casriga loo isticmaalo amniga iyo in wacyigelin buuxda bulshada loo sameeya si ay amniga kaalin buuxda uga qaataan.

Golaha ayaa ka dooday oo su’aalo weydiiyey guddida, ka dibna isku raacay in waxii tallooyin dheeri ah loo soo gudbiyo hay’addaha amniga si loo dardargeliyo barnaamijka xasilinta dalka.

Wasiirka Maaliyada, ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyada 2018 oo faahfaahsan, isla markaana sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka. Miisaaniyadan ayaa ah mid si casri ah loo soo diyaariyey kuna timi wadatashiyo lala sameeyey dhammaan hay’addaha dawliga ah oo ay ku jiraan dawlad goboleedyada, iyadoo diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, oo weliba la qorsheynayo in Iskuulo lagu dhiso, iyadoo weliba miisaaniyad loo qoondeeyey lagu xoojinayo afka Soomaaliga oo la dhisayo xaruntii Akademiyada Afka Soomaaliga.

Sidoo kale waxaa miisaaniyadan ku jira in la dhiso Wershedda dharka ciidamada, dhismaha hay’addaha horumarinta dhaqaalaha iyo miisaaniyad loo qoondooyey la dagaalanka musuqmaasuqa.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey miisaaniyada 2018 oo dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan Iyo kow dollar).

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada, ayaa dhageystay warbixin la xidhiidha doorashooyinka ka socda deegaanada Somaliland iyo ololahii ballaadhnaa ee doorashadii shalay ka horeysey. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxay aad u ammaaneen, Isla  markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican wadamada galbeedka qaarkood.

Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo.

–DHAMMAAD—-