Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasabadda ciidul-adxada oo habeenka caawa ah ku beegan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaan shucuubta Islaamka Eebbe uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash iyo barwaaqo, isaga oo xujayda sanadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban.