Share this:

" />
Published On: Sun, Mar 8th, 2015

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Oo Ka Qaybgelaya Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta Iyo Qodobada Lagaga Hadlayo

Smiley face

cabdisalaan hadliyeCairo(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdisalan Hadliye Cumar ayaa maanta gaadhay Magaalada Cairo ee caasimadda dalka Masar , halkaas oo lagu wado in maalinta Isniinta 9 March uu ka furmo shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Carabta, kaas oo lagu qabanayo Xarunta Jaamacadda Carabta.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed oo lagaga hadli doono mushkiladaha iyo colaadaha ka aloosan wadamada Carabta qaarkood, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia mushkiladaha lagaga hadlayo shirka oo ay Somalia ka mid tahay ku sharixi doono waxa u qorshaysan xukuumadda Somalia iyo sida loo fulinayo qorshaha beesha caalamka u qabatay inay xukuumadda Somalia dalka gaadhsiiso mudada u hadhay hiigsiga sanadka 2016, kaas oo ah inay Somalia noqoto meel nidaam dawli ah iyo doorashooyin si dumuqraadi ah ka qabsoomaan.

Sidoo kale waxyaabaha la filayo in shirka lagaga hadlo wax ka mid ah arrimaha ka taagan wadamada, Libya , Syria , Yemen iyo Palestine, isla markaana shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta, waxa uu gogol xaadh u noqonaya shir madaxeedka wadamada Carbeed ee lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Sharmel-Sheikh ee dalka Masar 28-29 March 2015.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

-

Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor.

2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance.

contact:
Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

+ 252 63 442 5380

+ 252 63 4764409

+ 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face