Published On: Mon, Dec 15th, 2014

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Wefdi Uu Hogaaminayo Oo La kulmay Dhigiisa Ethiopia iyo Dublamaasiyiin

Smiley face

wasiiradda arrimaha gudaha Ethiopia iyo SomalilandAddis ababa(ANN)WeWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed waran-cade iyo wefdi uu hogaaminayo oo socdaal ku joogay Dalka Kanya, ayaa kulamo la yeeshay Dublamaasiyiin u dhashay Dalalka Maraykanka iyo Britain.
Wasiirka iyo wefdiga uu hogaaminayo, ayaa markaa ka dib usoo kicitimay dhinaca Caasimada ethiopia ee Addis-ababa, waxayna kulamo la yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Ethiopia iyo Maayarka Caasimada Addis-ababa. sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo Ayaanle Salaad Diiriye oo ah Wakiilka somaliland ee Adid-ababa Ethiopia.

 

qoraalsa xaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed warancade oo ay ku wehelinayaan Taliyaha sirdoonka Somaliland, Jaamac maxamed Botan, ayaa soo gaadhay magaalada madaxda Addis Ababa Ethiopia, iyaga oo ka soo kicitimay wadanka kenya magaalo madaxdiisa Nairobi, halkaasi oo ay ku tageen safar shaqo kulamana kula qaateen safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska iyo madax kale.

 

Wasiirka iyo weftigiisu intii ay ku sugnaayeen Addis -baba waxay kulamo gooni gooniya la yeesheen madax sarsare oo ka tirsan xukuumada Ethiopia, sida wasiirka arrimaha gudaha iyo federal ka Dr. Shiferaw Teklemariam, Taliyaha guud ee cidamada Ethiopia, Gen samora yenus iyo maayirka Caasimada Addis Ababa mayor kuma demksa.

kulamadan oo ahaa kuwo hore loo sii qorsheeyey waxaa lagu qaadadhigay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo somaliland sida nabadgelyada, horumarka, iskaashiga Kulamadan oo qaatay saacado badan waxaa si buuxda Laysula qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal meelna looga soo wada jeedo wixii wax u dhimaya nabadgelyada iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ee Ethiopia iyo somaliland iyo ta geeskaba” ayaa lagu yidhi qoraalka.wasiiradda arrimaha gudaha Ethiopia iyo Somaliland

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face