Share this:

" />
Published On: Fri, Apr 10th, 2015

Wed Baan Dul Sabbaynayaa!! W/Q Amal M.M Kastan

Smiley face

AmalkastamNoloshu waa madawdahay,

Marin seegan baa yaal,

Mahadhooyin baa yaal

Iyo maado farabadan.

 

Erayadaasi waxay ka mid ahaayeen Maansadii Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ee Mayal dheer. Ummaddaha iyo quraamaha kala duwan ee Ilaahay ku uumay dunida guudkeeda Soomaaliduna kamid ka tahay ee ku nool aduunyada mid walbaa wuxuu leeyahay waxyaabo kala duwan dhaqan ahaan, luuqad ama lahjado kala gedisan iyo shuruuc kala nooc ah oo mid-ba midka kale la yaabo ama ay ku adkaato inuu la qabsado, laakiin waddan aadan aqoon wax ku dhaqan iyo tabta ay u nool yihiin ummadda ku dhaqan waxa kaa soo wajaha dhacdooyin ku cusub noloshaada iyo waxyaabo kaa yaabiya.

 

Akhristayaal sheekada qalinkeena maanta waxaynu ku eegaynaa ama diirada ku saaraynaa dhacdooyinka fajacisada ku noqda ama ka yaabiya xasuusta badana ku reeba dadka Soommaalida ah markay tagaan Yurub iyo mushkiladaha ay kala kulmaan goorta ay isu dhiibaan qaxoonti ahaan dawladdaha waddamada yurub, gaar ahaan dalka Holland, maxaa soo food saara noloshooda ama ma helaan mid ka wacan tii dhulkooda Hooyo ay ku haysteen.?

 

 

Ubax waa inan dhawr iyo labaatan jir ah oo kamid ah dadka soomaalida ah ee ku xaraysan xerada qaxoontiga ee Teraabul ee ku taal dalka Holland, waxaanay ka soo boqooshay magaalada Ceerigaabo ee dalka Somaliland. Ubax waxay dalka Holland ku timi baasaboor uu lahaa qof ay isku eeg yihiin oo uu ku soo kaxeeyay mukhalas ku shaqaysta tahriibinta dadka, kadib dawlada Holland oo ay isu-dhiibtay waxay geysay xerada Teraabul oo lagu xareeyo ajaanibka kala duwan ee qaxoonti ahaan kusoo gala dalkan, isla markaana Ubax intii ay ku soo guda jirtay safarkii dheeraa ilaa magaalada Ceerigaabo iyo Holland u dhaxaysay waxay soo martay dhibaatooyin , duruufo adag iyo waayo xannuun badan oo ay kala soo kulantay dalalkiii ay soo maraysay oo ay ka mid ahaayeen turkiga iyo Giriiga.

 

Waqtigu waa curashada sannadka cusub ee 2015-ka, waxa dhamaan la fasaxay jaamacaddaha dalka Holland, qof kastaana wuxuu isu diyaarinayaa dabaal dega sannadka cusub,maaha sannadkii muslimiinta laakiin quraamaha kale ee gaalada weeye, way faraxsan yihiin . Mid walba wuxuu saaxiibkii iyo saaxiibadeed ku leeyahay sannad cusub, sannad cusub, balse aniga iyo hablo saaxiibaday ah ayaa waxaanu booqasho ku tagnay xerada qaxoontiga ee Teraabul si aan u soo indho indhayno duruufaha soomaalida bilaa sharciga ah ku haysta halkaas.

 

Ubax markii ay isu dhiibtay dawlada Holland waxa lagu bilaabay oo la baadhay faraheeda,waxaana laga waayey inay iska soo dhiibtay dalal kale, kadib ayaa mid ka mid ah madaxda maamusha xerada Teraabul ee qaxoontiga Holland waxay Ubax gacanta ka saareen inta gudaha loo galiyey qol kamid ah guri ku yaal xeradaas waraaq ay ku qoran tahay qoraal af-Holandiis ah oo qof kale oo ah turjumaan ayaa afsoomaali ugu akhriyey Ubax, waxaana loogu sheegay inuu qolkan ay dhex-taagan yihiin yahay goobta ay degayso oo sariir iyada dhaafsiisnayn, barkin iyo bustahaas saaran ay ku leedahay qolkan oo kaliya, iyadoo la faray inay dhaafin sariirtaa loo calaamadiyay dhawrtana sharciga u yaala goobtan, dheegana waxa ku haya oo qolka kula jira afar qof oo kale oo sariiro iyo hugaas ay hawanayaan u dulsaaran yahay, Balse Ubax waxay wallaal , ehel iyo qaraabo la noqotay dad kala duwan oo waayaha adduun isu-keenay oo xeradaas beholyawga waayaha kula wadaagaysaa maanta.

 

Sidoo kale , waxa loo sheegay inay xeradan ku leedahay Cunto saddex waqti, waxaana loo galaa safaf dhaadheer, subax walba iyo maalin walba markii Ubax subixii u horeeyay gacanta loo galiyey iyadoo la baraayo waayaha nolosha cusub ee ay ku soo biirtay siday u eegtay koob caag ah oo yar oo caano iyo xabad roodhi ah oo qarax ah safrada isaga jabiso, duhurkiina waslad-yar oo Hilib ah, looguna sheegay inuu yahay hilib Faras ayaa la siiyaa habeenkiina Baasto yar ama Bariis-yar, laakiin Ubax markii ay maqashay Hilibka Faraska hunqaaco ayay la jeesatay…farta ha is galiso oo ha iska mantajiso…Caa..caa…caa (Cajab), waxa nafteedii hadheeyay Wis-wis waxaanay cagta saartay waayo adag oo qadhaadh, qaracan oohin ah ayaa u beryay, laakiin dadka kalee kula nool iyagu way soo dhadhamiyeen waayaha bad weynta murugada oo ma jirto cid ka naxasaysa meeshu waa Yurub ee maaha meel ehel iyo qaraabo laga isticmaalo. Waxyaabaha ka yaabiyey waxa meesha ku yaala xafiis yar oo xerada dhexdeeda ah maalin walba qof ayaa loo yeedhaa, kadib dadka ayaa kugu soo yaacaya waxayna ku weydiinayaan kalmada ah ma negatif baa lagu siiyey mise boosatif (-.+), oo u dhiganta miyaa laguu ogolaaday sharciga waddankan mise waxa aad heshay diidmo, laakiin waagii berya iyo gabalkii dhacaba waa u naxdin iyo wel-wel aan dhamaanayn oo dhexda ugu maran.

 

Ubax waxa mar walba ay ka qoomamaysaa, ilaa maantana qalbigeeda ka bixin xasuusta iyo noloshii wanaagsanayd ee ay ku haysatay magaalada Ceerigaabo oo ay ku barbaartay kuna dhamaysatay dugsiga dhexe, quruxda buurtii Daalo ee cagaarka ahayd, isla markaana Lahashada nafteeda iyo qalbigeeda lulaaya noloshii barwaaqada iyo nimcada ahayd xoriyadana ugu nooleed ee meelkasta ay ku maraysay dalkeeda maantana bilaa xoriyada xero xabsi ah ugu jirta, boqolka maro ee looga xidhay qobawga daran, lagana soocday dadka ku nool dalkaas ayay ka seexan kari la’dahay, kamana muuqato farxad oo mar walba xaalado murugo ah ayaa ka muuqda oogada dusha jidhkeeda qofkastana wuu dareemayaa in culays iyo dhibaatooyin haystaan ciilna danbarsato fartana dhexda ka qaniinto.

 

Aniga iyo arday Soomaali ah oo xeradaas booqday waxa Ubax na dhex-martay sheekadan oo u dhacday sidan:- “ Dhalanteedkii shalay markii aan joogay dalkaygii hooyo waxaan u haysanay qaarada yurub meel barwaaqo iyo nolol raaxo leh taalo, laakiin himiladii iyo rajadii aan ka qabay waxaan ka danbarsaday silic iyo saxariir oo haraadkii, gaajadii iyo hoy la’aantii aan u soo maray Yurub waxaan ka dhaxlay qolkan-yar ee cidhiidhiga ah ee la ii mitiriyay halkaan dhinaca dhigayo oo aan lahayn hal taako oo kale. Faankii iyo sheekooyinkii aan ku odhan jiray hablihii saaxiibka ahayn ee Iskuulka wada dhigan jirnay, anigu waan dhoofayaa…waxaanu u haysanay nolol sare oo khatar ayaanu moodaynay dadka dibadda ka yimaada maanta oohin, naxdin iyo murugo mustaqbal madaw ayaan ku haystaa Yurub, waxaan u dhaqmayaa sida qof dhaga la’a oo kale, ma garanaayo luuqad aan ahayn afsoomaaliga oo afarta qof ee aanu ku wada noolnahay qolkan-yar madaxa uun-baan isku ruxnaa anagoon is fahmayn oo wed baan dul sabaynayaa, ma helaysaa sharciga mise waxba kuma yaalan”?!.

 

Weedhahaas iyo qaar kale oo badan ayaa Ubax ka soo burqanaayey wajigeedana waxa ka muuqday murugo iyo ilmo ka daadanaysa Indhaheeda oo dhabanadeeda qoysay, isla markaana maalintu waxay u tahay sannad oo kale waxaana xasuus qalbigeeda ku reebay sheekooyinkii saaxiibadeed iyo mahadhooyinkii.

 

Hase yeeshee Ubax Waagii beryaba habeen iyo maalin kasta oo timaada waxay hiifaysaa nafteedii waxaana dhalan rogay nolosha adag ee qodxaha leh ee Yurub ay kala kulantay, balse iyadoo ku dhex-jirta noloshaa darxumada leh oo sharcina haysan waxa la soo hadashay maalin maalmaha kamid ah Hooyadeed oo lagu magacaabo Luul waxaana dhex-martay sheekadan: “Hooyo Ii Waran, sidaad tahay Ubax?…”Hooyo macaan waan wacanahay ee sideed tihiin?, Aabo iyo carruutiina ka waran?

Hooyo Luul: “Ubax Hooyo waa la caafimaad qabaa…miyaanad lacag noo soo direen.?”, Ubax “Hooyo maxaan lacag soo diraa meeshan Beraf iyo qabaw ayaa i waalay oo immikadaa aan dhex lugaynayaa oo balanbal baan ku jiraaye.”

Luul “Hooyo Ubax anaga xaggayaga barafku waa nagu lacag oo waxa nalaga siiyaa shan-boqol oo Shilin Soomaali ahee idinkaaba mid bilash ah dhex lugeeya.” Erayadaas ayaa ka mid ahaa wixii kala qabsaday Ubax iyo hooyadeed oo hore ugu soo xaraashtay hantidii yarayd ee jagooyin iyo guryo ay lahaayeen si inanteedu ay nolosha raaxada ay u haysteen ee Yurub ugu noolaato, waxaana Ubax mar labaad holac iyo oohin indhuhu la casaadeen sida waalidkeed u eegayaan ee ay uga sugayaan inay afacdo iyo xaalada ay ku jirto oo sidaas u eeg kaaf iyo kala dheeri. Inkastoo qalinku u ducaynayo Ubax inuu Illahay ka saaro xaalada ay ku jirto, hadana waxay ku sagootisay himiladii dhalanteedka ahayd ee Yurub inay sidan u gashay nolosheedii, iyadoo ilmo aannay qarsan Karin intii sheekadaas aan la wadaagaynay aniga iyo saxiibadaydii kale, baalasha indhaheeda ku gaba-gebaysay ilmada ka soo daadanaysa oo aanay jirin jid kale oo u iftiimaaya inta ay qolkan Teraabul ku jirto.

Ma hilaac baxayaan iftiin mooday?,

Ma Uugaamo ayaan roob mooday?,

Ma Ceeryaan ayaan qiiq mooday?,

Ma riyo ayaan run mooday?,

Waa ayaan-ba ayaan, Aaffo ah allow ii sahal.

Amalkastam@hotmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face