Share this:

" />
Published On: Sat, Jul 4th, 2015

Weedho Kasoo Yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Oo Khilaaf Ka Abuuray Xukuumadda Xasan Sheekh Iyo Baarlamaanka Somalia

Smiley face

cabdisalaan hadliyeMuqdisho(ANN)Weedho kasoo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Marwo Aamina Mahamed, ayaa khilaaf hor leh ka dhex abuuray Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Baarlamaanka Somalia.kaddib markii Haweenayda Dawlada Kenya u qaabilsan Arrimaha Dibedda Marwo Aamina sheegtay inay khilaafkii dhinaca xadka Badda ee ka taagnaa labada dal ay wadahadal ku dhamaynayaan.

Arrintan ayaa sababtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia Cabdislaan Hadliye looga yeedho Baarlamaanka si wax looga weydiiyo shaki hadheeyay arrimaha ay dawlada Kenya ka hadashay, iyadoo ay dareenka shaki ee laga bixiyay hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya sii xoojisay hadal qoraal nah oo Wasiir hadliye kasoo saaray arrintaa, kaas oo sababay in Xildhibaanada Baarlamaanku ka cadhodaan, isla markaana dalbaan inuu Baarlamaanka hor yimaado si wax looga weydiiyo arrimahaa iyo kuwo kale oo mugdi baddan ku jiro.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia Cabdisalaan Hadliye, ayaa la filayaa inuu baarlamaanka hortago maalinta Sabtida 4 July 2015, waxayna arrimahan kusoo beegmeen iyadoo hore ay dawlada taagta daran ee Somalia iyo kenya isku maandhaafeen gidaar ay dawlada Kenya sheegtay inay ka dhisay xadka u dhexeeya labada dal, kaas oo si weyn loogu canbaareeyay Kenya, isla markaana laga cabsi qabo inuu noqodo qorshe ay Kenya ku doonay inay ku boobto dhulka Soomaalida, iyadoo uu hore u jiray muran dhinaca xadka Badda oo tan iyo markii ay bur-burtay dawladii Somalia isa soo tarayay.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face