Published On: Thu, Nov 13th, 2014

Weerarada Qorshaysan Oo Kuusha Goostay Muqdisho Iyo Weerarkii U Danbeeyay Oo Lagu Kharajiyay Sarkaal

Smiley face

sarkaal lagu dilay MqudishoMogadishu(ANN)Dablay Hubaysan, ayaa goor dhowayd magaalada Muqdisho ku khaarajiyay Sarkaal sare oo ka tirsnaa Wasaaradda Amniga Somalia Col Daahir Bare, kaas oo lagu toogtay Weerar qorshaysan oo ka dhacay sarta, ama dhismaha loo yaqaan Saybiyaano ee Badhatamaha Magaalada Muqdisho oo lagu tiriyo goobaha amaankooda sida weyn loo ilaaliyo.

Wararka Qaar, ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay uu la xoday Wiil uu dhalay, kaas oo sida wararka hordhaca ah sheegayaan ku dhintay goobta weerarku ka dhacay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa oo ahaa kii shanaad ee ka dhaca Magaalada wax ka yar 24 saacadood, iyadoo ay dhamaan weerardaa oo isagu jiray Dilal qorshaysan iyo qaraxyo dadkii fuliyay baxsadeen, isla markaana ishaarayaan in xaalada Magaalada Muqdisho faraha kasii baxay.

Weerarada xidhiidhsan, ayaa kusoo beegmeen xili ay si weyn u ruxayso Magaalada Muqdisho xiisad ka taagan khilaafka Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo Baarlamaanku ku guuldaraystay in ay cod u qaadaan11 Sep 2014 . Kadib markii kulankaa la xidhay khilaaf gacan ka hadal ah oo dhexmaray xildhibaanada labada dhinac ee mooshinka ku kala aragti duwan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face