Share this:

" />
Published On: Thu, Nov 5th, 2015

Wefdi Ka Socda Dawlada Britain Oo Kulamo La Yeeshay Dhinacyada Khilaafka Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Arrimaha Lagaga Hadlay

Smiley face

araweelonews-300x168Hargyeysa(ANN)Wefti ka socda Dawlada Ingiriiska oo ay hogaaminayso haweenayda safiir xigeenka u ah safaaradda Ingiriiska ee Ethiopia, isla markaana uu weheliyo masuulka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka Somaliland iyo dawlada Britain oo booqasho ku yimi Somaliland, ayaa kulamo la yeeshay dhinacyada Xisbiga KULMIYE ee ku muransan qaabka loo maamulayo shirka golaha dhexe ee loo asteeyay 10 Nov 2015.

Xubnaha Wefdiga, ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo uu weheliyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi oo kulankoodu ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Wefdiga Britain, ayaa sidoo kale la kulmay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirkii hore ee madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaasi oo ay kala hadleen sababaha ku kalifay inay xukuumadda iska casilaan iyo waxyaabaha sababay khilaafka shirka Kulmiye.

Ma jiro war kasoo baxay kulamadaa oo ahaa, kuwo aanay saxaafadu goob joog ka hayn, balse waxa jira warar hordhaca iyo tibaaxo sheegaya in kulanka Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi ay kala hadleen arrimaha Khilaafka, isla markaana ay ku war geliyeen wefdiga in guddi Madaxweynuhu u saaray arrimaha shirka ee ay dhinaca kale cabashada , isla markaana hawshaa lagu jiro oo shirku qabsoomayo xiligii loo qorsheeyay.

Halka dhinaca kale ku doodeen in aanay ku kalsoonayn guddida la magcaabay, isla markaana aanay ku qanacsanayn wixii natiijo ah ee kasoo baxa, balse ma jiraan natiijada dhabta ah ee kulanka dhinacyada iyo wefdiga Dawlada Britain.

Dhinaca kale xubnaha wefdiga, ayaa kulamo la yeeshay dhinacyada ay khusayso doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo aan la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
wixii kasoo baxa kulamadaa kala soco Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face