Share this:

" />
Published On: Wed, Oct 28th, 2015

Weli Qaranku Waa Dhaawac!

Smiley face

qoraal
W/Qoray: Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)
Hal tebinta erayga waa dhaawac, waxa aan ula jeedaa dawladnimada qarankan Soomaalilaand uu samaystay way dheeliyantay. Haa, ma dhama oo umay dhismin sidii loo baahnaa. Bal maxaan ula jeedaa; ila dhugo qormadan kooban adigoo akhriste raalliya.
Kama hadli doono qarankan, sidii loo askumay, ciddii askumtay iyo taariikh tagto ah. Waxaan jeclahay inaan cabbirka saaro micnaha dawladnimo, midnimada umadeed iyo qiimaha qaran intaasi samayso. Intaas oo aan isku saloolay ayaan rabaa inaad ila wadaagtaan macnaha iyo ujeedka aan uga qasday qoraal koobanahan yar.
Aan ku horreeyo inaan qeexid idiin saaro macnaha erayada dawladnimo, midnimo bulsheed iyo qiimaha qaran.
· Dawladnimo, waa hab amma nidaam dhisan oo leh sharci, fulin iyo maamul daadejin. Waa hab ay umadi u samaysato cid maamusha, wixii lagu maamuli lahaa iyo xisaabtankii maamulidda.
· Midnimo bulsheed/umadeed, waa qaab ay ku midaysan yihiin dad meel wada degan oo leh dano gaar ah oo ka dhexeeya, isla markaana isu bahasatay meel marinta danta ka dhaxaysa iyadoon loo fiirinahayn si goonni goonniya se ujeed iyo qasad gaara lawada leeyahay.
· Qaran, waa kulmiye ay wada leedahay bulsho, qowmiyad amma dad is bahaystay oo ay ku ilaashadaan sharaf ay wada leeyihiin, hanti, dhaqan iyo mabda’ ay samaysteen. Kaas oo lagu tixgeliyo hal sawir amma raajo oo ah calan iyo sharci qeexaya inaan lagu xad gudbin habkaas lawada leeyahay ee aan bulsho qayb ah u af duubnayn.
Markaan ka soo gudbo inaynu qeexno saddexdan qodob ee u baahan isdul taagga iyo kala sooridda, aan u imaaddo hab maamuleedka qarankan la magac baxay Soomaalilaand.
Soomaalilaand waa qaran leh dhammaan nidaam guud wixii looga baahdo qaran. Waa qaran loo yagleelay ilaalinta, kobcinta, kaalimaynta, hagidda iyo habsami u wadidda ummad leh qaran mideeya iyo qaanuun distuuri ah oo ay samaysteen. Waa qaran leh saddexda dhardhaar ee shida nidaam dawladeed. Waa qaran leh aqoonsi sinjiyadeed iyo dhaqaale buuxa oo soo saaristiisa iyo ka kobcintiisu ay kafayn karto dhammaan ummadda ku midowday. Waa qaran leh masiir ummadeed iyo maslaxo siyaasadeed oo qaatay nidaamka dunida badankeeda haga ee dimuqraadiyada. Waa qaran leh saddex xisbi qaran iyo goleyaal siyaasadeed oo ka talin kara danta bulshada haddii la raaco wadadeeda oo aan laga leexin sida distuurku dhigaayo. Intaas oo keliya maahee waa qaran leh dhammaan wax kasta oo qaran lagu qiimeeyo, laguna qabyo-tiro.
Haddaba marka laga yimaaddo qarannimada iyo inay jirto inay Soomaalilaand tahay qaran jira oo lagu xisaabtamo. Aynu u nimaadno heerkeeda dawladeed intay jirtay iyo waxa laga yaabi lahaa inay u qabsoomaan haddii ay heli lahayd hage tolmoon iyo hanti dhawrayaal halgama.
Qaranka Soomaalilaand waxa uu jiray muddo 24 sannadood ah. Mudadaas uu jiray waxaa soo kala maray maraaxiil kala geddisan oo siyaasiya iyo dawlado dhawr ah oo saamayntooda lahaa. Markii dawladdii u horraysay ee la doortay 1991kii – ku meel gaadhna ahayd laba sanno – ay xukunka dalka qabatay illaa iyo tii ugu dambeysay oo hadda haysaa 2010kana la doortay. Waxa ay siyaasaddu taagnayd hadba heer iyo hab wax loo doorto iyo mid wax loo fuliyaba. Tusaale : Dawladdii u horraysay ujeedkeeda iyo meeqaamkeeda siyaasadeed wuxuu ahaa in waddanka laga dhigo mid ay ka curato dawlad la wada leeyahay oo u dhex ah guud ahaan dadka ku dhaqan dalkan Soomaalilaand. Waana la hirgeliyay iyadoo dawladdaasi samaysay lacag Soomaalilaand u gaar ah iyo baasaaboor aan wax aqoonsi ah caalamka ka helin intii ay jirtay. Tii ka dambeysay waxa ay xoogga saaraysay in jabhadii iyo dhammaan dadkii hubaysnaa ee colaadda laga soo dabbaalay hubka laga dhigo, isla markaana la baro laguna baxnaaniyo dawladnimada. In ummadda la tuso dano ka dhexeeya iyo dal ay wada leeyihiin. Iyadoo aan qorshaheedii dawladdaas dhamaystirin ayuu madaxwaynaheedii dhintay – Alle haw naxariistee – isla markaasna waxaa dhalatay dawlad cusub 2005tii oo Iyana sii haysata wadadii ay tii ka horraysay ku taagnayd ee ahaa qori ka dhigista jabhadda iyo xoogaa aqoonsi raadis ah oo markaas la hadal hayay. Ugu dambayntii markii la doortay dawladdan hadda jirta 2010kii may keenin wax qorsheyaal ah oo kuwii hore lagu doorin karo amma ay kaga duwanaan karaan. Waxaana ay carrabka ku sii xoojiyeen dhaqdhaqaaq siyaasina u galeen sidii aqoonsi raadiska waji cusub loogu samayn lahaa, iyagoo ka bilaabay sidii hawshaasi u saxmi lahayd ka raadinta dawladdii aynu kala go’nay ee Soomaaliya. Walina aan wax qanaaco ah laga soo saarin.
Siday doontaba ha ahaatee, hirgelinta nidaamyo horumarineed oo ah wax-soo-saar dalku yeesho sida beero, kobcinta dhaqaale ee cashuuraha, dhoofinta, beddelashada alaabta caydhiin iyo wax lamid ah toona looma dhaqaaqin. Waxaad mooddaa nidaamka dawladeedna in loo fahmay ku fushi hawl shakhsi wato isagoo adeegsanaya awoodda kursi dawladeed. Taasina waxay dhalisay inaan wax midho dhal ah laga gaadhin muddo ay jirtay 24 sanno dawladdu rejooyin ay ku xisaabtami karaan dawlado ka dambeeyaa amma mustaqbal ay ummaddu ku taami kartona aan loo yeelin.
Maanta marka laga fikiro maxaa mustaqbal u ah bulshada reer Soomaalilaand, karti dhaqaale, waxqabad horumarineed iyo kaabayaal ay wax ku qabsan karaan. Way yartay oo ugu yaraan maba hayaan masiir dawladeed iyo nidaam ay wax ku beddeshaan horena ugu sii socon karaan. Waayo waxaa lagu tuntay rejadii mustaqbal ee ay lahaan lahayd dawladii la soo dhisay ee intaa lagu soo waday meel la gaadhsiiyo.
Maanta ma haysanno han siyaasadeed oo wax lagu hagi karo. Ma haysanno kaabayaal dhaqaale oo wax lagu dhisi karo. Ma haysanno bulsho baraarugsan oo ku qanacsan inay helaan maamul iyo midayntay rabeen. Ma haysanno hoggaamiye dhab ay ka tahay hagidda ummaddani. Taasi waata keenaysa cabsi iyo walwal laga qaado sida ay siyaasadda maantu u socoto waddankan Soomaalilaand.
Waxba hadalka yaan ku dheeraane waxaan ku soo afmeeri, waddankan Soomaalilaand wuxuu u baahan yahay gurmad siyaasadeed, mid mabda’ iyo han cusub oo loo yagleelo. Uma baahna fawdo, jabhadayn, sheegasho awood reereed iyo qabiil laga soo gudbay, looma baahna baanid laabta lagu tunto tollaay yaa reer hebelaay. Soomaalilaand uma baahna jihayn la’aan iyo cid aan ka fikirayn 24 sanno wax loo qaban waayay oo ay maanta tebayso in loo qabto hirgelinteed. Soomaalilaand waxaa jira dad ku taama oo nabad iyo nimcaba ku haysta oo qaskeeda jecel iyo dad nabad ku haysta oo nimcadaas uun ugu dhinta kuwaasna waxaa kala abaalin quluubtooda dalka iyo siduu abaal ugu galo. Ilaahayna tiisu waa meel. Uma baahna qaranku siyaasi qabiil cay ah, midna amaana oo laabta saara, se wuxuu u baahan yahay nin han sare leh oo qabiilka jeebka dambe geliya qarankana laabta sudha.
Guntii iyo gebagebadii waxaan kusoo geba-gebaynayaa maqaalkan ciwaankiisu yahay weli qaranku waa dhaawac :
Anna waxaan go’aansaday inaan, lay gaboodfaline.
Garawshiiyo jeeraan ka helo, gaanka dunidayda
Jeeraan galaa baxo arlada, gooddi iyo gooddi
Jeeraan gufaacada ku tago, meelo geriyaada
Gaaliyo Islaamkaba ilaa, taydu wada gaadho
Barigiyo Galbeedkaba ilaa, laygu gacan qaado
Gurey iyo Islow iyo Hurrow, gabaygu waa beene

Godadleysan maayee tashiga, waan guddoonsadaye
Waxba yaan indhaha laygu gubin, gaabsi ma aqaanne.
Gudcur laga tallaabsaday ilays, baadi lagu goobtay,
Gamas iishay, gaashaan burburay, gawrac laga maarmay,
Dunidoo giblada iidsanoo, gacal walaalowdey
Gudboonaanta xeerkeeda iyo, garasho nuurkeed dheh.
Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)

Wabillaahi tawafiiq
Qalinkii : Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face