Share this:

" />
Published On: Thu, Mar 31st, 2016

Wiil Dhalainyaro Ah Oo Kasoo Dhacay Dabaqa Saddexaad Ee Dhisme Huteel Ku Yaal Hargeysa

Smiley face

Araweelo News Network

wiilkadhaawacmayHargeysa (ANN) Muwaadin u dhashay Somaliland oo magaciisu yahay Yaasiin Axmed Cabdi, isla markaana ah wiil dhallinyaro xirfadle ku shaqaysta qalabka tiknoolajiga guryaha lagu xidho sida kamaradaha ammaanka (CCTV), ayaa dhaawac culusi kasoo gaadhay Madaxa, kadib markii uu ka soo dhacay dabaqa saddexaad ee dhismaha huteel cusub oo lagu magacaabo Sugaal Hutel, oo laga dhisay agagaarka cusibtaalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Sida ay sheegeen ehelada ninkan waxa dhaawaciisau yahay mid culus, iyadoo dhakhaatiirtu sheegeen in lafta madaxu jabtay, isla markaana uu afka iyo sankaba ka yimi dhiig badan oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka Gargaar.

Shilkan ayaa la sheegay in loo xidhay saraakiil ka mid ah shirkad magaceedu yahay LEC Company CCTV $ Alarm System oo ah shirkada uu Ninka dhaawacu soo gaadhay ee kasoo dhacay dhismaha u shaqaynayey.

Ma jiro wax war ah oo ciidanka boolisku ilaa hadda ka soo saaray shilkaa oo loo xidhay saraakiisha shirkadda qalabka Kamaradaha amaanka ku xidhaysay dhismaha.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face