Mr. Chuck HagelWashington(ANN)Xoghayihii Gaashaandhiga Maraykanka Mr. Chuck Hagel, ayaa si lama filaan ah isaga casilay xilkii uu hayay, Madaxweyne Obama waxay ku noqotay layaab markii uu ku war helau iscasilaada Xoghayaha, balse wuxuu sheegay inuu soo dhowaynayo is casilaada Xoghayaha Difaaca Maraykanka.

Mr. Chuck Hagel, waxa uu ahaa 69 jir kasoo qayb qaatay dagaalkii vietnam, wuxuuna markii uu Madaxweyne Obama u magcaabay xilka weydiiyay ma jira dagaalkii Vietnam oo kale Xisbiga Republicanku qaadayo, wuxuuna kasoo jeedaa Bulshada tirada yar ee ugu awooda baddan Maraykanka, kuwaas oo saamayn balaadhan ku leh siyaasada iyo hoggaaminta dalka Maraykanka oo ku baddan Xisbiga Republican.

Is Casilaada Mr. Chuck Hagel, ayaa timi maalmo ka dib kulan ay Madaxweyne Obama dhexmaray jimcihii, kaas oo wararka la xidhiidhaa sheegayan in ay kaga wada hadleen dagaalada iyo qalalaasaha ka socda meelo baddan oo dunida ah iyo dagaalada ay ku jiraan Maraykanka iyo xulufadiisu.

xoghayaha Difaaca Maraykanka, ayaa is casilaadiisa lala xidhiidhiyay dagaalada ka socda Ciraaq, Syria ee Maraykanku hormoodka u yahay, kuwaas oo lagula jiro Islaamiyiinta ISIS iyo kooxaha kale ee jihaadiyiinta ka dagaalama dacalada dunida oo wax guul ah laga gaadhiwaayay. sidoo kale waxa is casilaada Mr. Chuck Hage lala xidhiidhiyay qalalaasaha ka socda Ukraine iyo Crimea, kuwaas oo lagaga guulaystay maraykanka iyo xulufadiisa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com