Share this:

" />
Published On: Sun, Jul 26th, 2015

Xildhibaan Lagu Khaarajiyay Muqdisho Oo Al-shabaab Sheegatay

Smiley face

araweelonews-300x168Muqdisho(ANN)Dablay hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ku khaarajiyay xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Dawlada Federaalka ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya. Kadib markii tacshiirad lala beegsaday isaga ilaaladiisa.
Xildhibaanka oo lagu magcaabi jiray Cabdullaahi Xuseen, ayaa lagu dilay Degmada Dharkaynleey ee magaalada Muqdisho, waxaana isla goobtaa ku dhintay darawalkiisa iyo laba askari oo ilaala u ahaa. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa lagu khaarajiyay Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen oo ay weheliyeen dareewalkiisa iyo Ilaaladiisa, waxayna Al-shabaab sida ay ku baahisay warbaahinta ku sheegtay fuliyay weerarkaa Mujaahidiin ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidamadooda.
Xildhibaanka la toogtay ayaa noqonaya kii dhawr iyo tobnaad ee lagu dilo muqdisho, iyadoo ay Al-shabaab hore u balanqaaday inay ugaadhsanayaan madaxda Somalia, isla markaana si gaar ah u balanqaadeen inay xildhibaanada dawlada federaalka ugaadhsanayaan.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face