Share this:

" />
Published On: Sun, Jan 17th, 2016

Xildhibaan Siciidaw Wax ka Barro Shareecadda Islaamka iyo Dastuurka Qaranka

Smiley face

qoraalAniga oo ah Deeq Aw Muxumed Xuseen waxa aan halkan kaga jawaab celinayaa hadalo xajiimaysan oo been iyo deel-qaaf ah oo xil.dhibaan siciid cilmi rooble kula dul -kufay bangiyada islaamiga ah ee wadanka oo mid yahay, isagoo sidoo kalana eedayamo xaqiiqada ka fog u geystay dhinacyo badan oo sharaf iyo karaamo muddan oo ay culimada wadanku ka kaw tahay.

Waxyaabaha aan sinaba loo aqbali karin ee beenta iyo waxba kama jiraanka ah ee ka soo yeedhay mudanaha xilkiisii gabay waxaa ka mida:

Dastuurka Qaranka:

Qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland , faqradihiisa 1aad iyo 2aad ayaa waxa ay u kala dhigan yihiin sidatan:

1. Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.

2. Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

Sharciyadda bangiyadda;

Waxa uu sheegay In bangiyada islaamiga ahi ee wadanku ay hortaagan yihiin xeerka bangiyada ganacsiga ee la sheegay in aanu shareecadda waafaqsanayn.

Haddaba su’aashu waxay tahay sidee ayay u dhici kartaa in shirkad gaar loo leeyahay ay is hortaagto sharci xukuumad qaran iyo golayaal sharci dejinineed iyo hay’ado dawladeed.

Hadii mudanuhu sharci soo saarayo, waxaa jirta inka badan 25 sharci maaliyadeed iyo bangi oo dalku u baahan yahay oo laga sugayo , waxaa jira xeerar ka soo gudbay hay’adahii qaran ee soo diyaariyay iyo xukuumadda labadaba oo golaha siciid ka tirsan yahay horyaalla ee maxaa haysta ? WAXAANA KA MIDA XEERKA XAWAALADAHA SOMALILAND IYO KA MAAMULKA LACAGAHA OO BAAHIDA LOO QABO LA OG YAHAY.

Kootada bangiyada:

Been abuurka siciid waxaa ka mida in laba bangi dalka ku haystaan KOOTO, taasoo oo waaqaca jira ka fog, bal isagu ha keeno meesha labadaa bangi suuqa bangiyada loogu xidhay, waxaa la ogyahay in bangiga dhexe leeyahay awoodda bixinta lisanada bangiyada , iyada oo dasruurka dalkuna dhigayo in la dhiiri – galiyo bangiyada gaarka loo leeyahay malaha xildhibaanku maba yaqaan shuruucda wadanka. Waxaa la ogyahay in bangiyo tiro ahi bangiga dhexe u soo gudbiyeen codsiyadoodii waxa kale oo jira in bangiyo ajaanib ah wakiilo ay wadanka u joogaan oo ka shaqeeyaan.

Shaqadda bangiyadda dalka:

3. waxa uu si aqoondaro ka muuqato u tilmaamay shaqadda bangiyada islaamiga ah, iyada oo la ogyahay in bagiyada islaamiga ahi ay qabtaan inta badan adeeg -yada bangi looga baahnaa sida:

i. FURISTA XISAABAADKA MACAAMIISHA EE KALA DUWAN oo ay ku jiraan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

ii. SAMAYNTA DHIGAALADA KALA DUWAN oo ay ku jiraan kuwa ardayda, haweenka, shaqaalaha, ganacsatada iwm.

iii. DIRSITA KEENISTA XAWAALADAHA GUDAHA IYO DIBADA LABADABA:

Oo ay ku jiraan kuwa ay soo diraan qurba joogta, waxa kale oo ka mida malaayiin doolar oo ah lacagta xoolaheena DIBADA LOO DHOOFIYO. Ka soo noqota.

iv. SOO SAARITA DAMAANADAHA BANGI: oo ay ku jiraan kuwa loo sameeyo hay’adaha caalamiga ah ee wax maal-galiya sida

o HAY’AD KUWAT FUND oo bangiga dahabshIil u sameey BANK GUARATEE oo aan la’aanteed ayna suurta gasheen inla dhiso MADAARADDA CAAMIGA AH EE EGAL INTERNATIONAL AIRPORT IYO MADAARAKA CAALAMIGA AH EE BERBERA.

o SOMALILAND DEVELPOMENT FUND: bangiga dahabshiil waxa uu muwaadinka kasta oo qandaraas ka hela sanduuqa horumarinta Somaliland u sameeyaa marka uu ka soo codsado bank guarantee.
o Horumarita lacagaha maal-gelinta mashaariicda maal-gelinta wadanka:

o Laamaha bangiga ee berbera, burco , boorama , boosaaso muqdisho waxa ay fuliyaan wixii adeega ee macaamiishu uga baahato.

GANACSIGA IYO HAL BAW- LAYAASHA DHAQAALE:

Bangiyada wadanku waxay ka qayb-qaataan sidii loo hirgalin lahaa maal-gelinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka, sida wadooyinka, madaaradda iyo dekadaha.

Waxa kale oo ay ka qayb ka qaataan MAAL-GELINTA BALAADHINTA BIYAHA

LA DAGAALANKA SICIR BARARKA:
Bangiyada dalku waxa ay gacan buuxda ku siiyaan bangiga dhexe la dagaalanka sicir barbarka, Iyada oo hadh iyo habeen ay fuliyaan wixii talaabo ah ee dhinaca bangiga dhexe uga yimaada sidii qiimaha shilinka wadanka kor loogu qaadi lahaa sicir bararkana loo jabin lahaa, si qiimaha maceeshadu hoos ugu dhaco.

HAWLAHA-MAAL GELINTA GUUD:

Waxa ay bangiyadu maal-gelin u sameeyaa ganacsatada kala duwan, shaqaalaha , ardayda, haweenka, beeralayda farsamo -yaqaanda iyo dhamaan noocyada kala duwan ee bulshada iyada oo ay jirto in bangiyada qaar kood qayb –gaara u sameeyay dadka dakhligoodu hooseeyo,taas oo sanadkii gaadhaysa malaayiin doolar.

Tusaale ahaan BARNAAMIIKA MICRO-DAHAB FMI oo Bangiga dahabshiil ku maal-geliyo dadka dhakhli-goodu hooseeyo ayaa sanadkii ina soo dhaafay maal-geliyay dad tiradoodu gaadhayso kumanaan qof. Jooga dhamaan goblada dalka.

Dhamaan adeegyadan ayaa ah qaar la waafajiyay nidaamka shareecada islaamka ee qiimaha badan . iyada oo bangiyadani curdin yihiin isla markaana aanay jirin meel ay taageero maaliyadeed ka helaan waxa ay bangiyadani qayb laxaadle kaga jiraan horumarinta dalka taas oo ay marqaati ka tahay cid kasta oo indho-caafimaad qabta iyo qalbi fayaw ku eegtaa.

MALAA XIL-DHIBAANKU WADANKA KAMA WAR –HAYO OO HADUU SOO TOOSAY?
Shaqaalaysiinta aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha:
Banigiyada dalka ka jira, sida DahabshiilBank International, kaalin laxaad leh ayay kaga jiraan shaqaalaysiinta da’yarta, aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha. Kuwaas oo gaadhaya boqolaal gabdho iyo wiilal ba leh. Kuwii aanu wax baray ee jaamacadaha ka soo saaray ayaa maamulayaal iyo maareeyayaal – SOMALILAND NEW GENERATION BANKERS- ka ah BANGIGA DHEXE, DAARASAAM BANK IYO DAHABSHIL BANK INTERNATIONAL iyo waliba hay’adaha kale ee faraha badan ee dalka.

Waa laga wada dheregsan yahay Bangiyada iyo laamaha Dahabshiil ee dhulalka Soomaalida oo dhan ka jira xaddiga shaqaale ee ay leeyihiin, iyo inta qoys eek u tiirsan dhinaca maceeshadeed, dhinac waxbarasho iyo dhinac caafimaadba, iyada oo risiq xalaal oo aqoontooda iyo maskaxdoodu u goysey ka kasbada.

Siciid ayuu shaqaalaysiiyey? Yuu waxbaray?
Xildhibaanka xoglaawaaha ahi ma innoo sheegay inta kun ee qof ee isagu uu u yeedhayo magacyada meelaha uu ugu yeedhay? Ma se u shaqeeyaan hadda? Yaa Xildhibaanka soo qanjiidhiyey oo diiddan dhaqanka iyo asluubta Islaamiga ah ee aanu fahmin.

BANGIYADU WAXAY DHAWRAAN SHAREECADA ISLAAMKA:

BANGIYADA DALKU WAXAY KU SHAQEEYAA HAB-SHAREECADA ISLAAMKA WAAFAQSAN OO CULIMADA WAAWAYN EE CAALAMKA ISLAAMKU DEJIYEEN , waxa kale oo ay leeyihiin gole culimo oo aqoon sare u leh arimaha shareecada , dhaqaalaha iyo qawaaniinta oo ilaalisa in shaqada bagiga loo qabtay hab waafaqsan shareecada islaamka warbixinna ka soo saara sanad kasta.

Bangiyadda waxaa ka reeban inay sameeyaan macaamil ribo ah gudaha iyo dibada dalka.

Sidaa darteed siciid waxaa looga fadhiyaa inuu caddeeyo sida bangiyadu ula sameeyaan macaamil ribaha bangiyada caalamka, hadii taa la waayo siciid waxa kuwajahan qodobo sharci oo uu waajihi doono.

Bangiyada islaamiga ahi waxay leeyihiin nidaam sharci oo loogu adeegi karo dhamaan macaamiisha gudaha iyo dibada, hay’adaha maal-gelinta ee caalamka si waafaqsan xeerarka maal-gashiga , ganacsiga iyo maaliyada.

Sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in dadka ummadda xilka u hayaa aanay noqon kuwo fidno iyo khalal ummadda u keena ee waxaa wanaagsan inay gutaan xilka iyo waajibaadka loo igmaday.

DAHABSHIIL MA QAADO MACAASH 13% SANADKII AH:

Waxa fajaciso ah meesh uu ka keenay sheekadda ah DAHABSHIIL 13 % macaasha ayuu qaadaa sannadkii , anaga oo xogogaal u bangigan ma jirto waa been cad, ha keeno halmacmiil, mid kaliya macmiil qudha oo sanadkii ina dhaafay macaashka iibka muraabaxadu ahaa 13%. {sanadkii p.a}

GARDARADDA CULIMADA LOO GAYSTAY:

Waxaan aad uga xunayahay culimada karaamada iyo sharafta mudan ee habeen iyo dharaar umaddooda wax baraysa ee waxa wanaagsan u sheegaysa ee xumaanta ka waaninaya ee afkooda iyo adinkoda laga nabad -galay, ee caalamka oo dhami taa qirayo in af lagaado iyo waxaan qaban loo geysto.

Xil.dhibaanku miyaanu waligii diinta wax ka maqal dhibaatada ay been abuurku leeyahay in qof –muslim ah loo gaysto iska daa dadka ilaahay karaamada huwiyay ee xataa qofka caadiga ah.

Siciidaw inta sheikh dirir iyo culimada la midka ahi joogto adiga diin ka hadal kuuma bannaana, waxaa lagaaga baahanyahay oo lagaaga fadhiyaa RAALI-GELIN buuxda oo culimada , dawladda , shacabka iyo dadka aad wax ka sheegtayaba siiso.

Waa inta goori –goortahy. Waa laguu hawn-waynaa oo waxan lagaama filayne.

Islamic banking consultant

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face