Share this:

" />
Published On: Sun, Dec 7th, 2014

Xukuumadda Somaliland Oo Iska Fogaysay Ku Lug-lahaanshaha Rabshado Hadheeyay Xaflad Ka Socotay Hargeysa

Smiley face

cali gadheer

Hargeysa(ANM)Xukuumadda Somalilamd, ayaa iska fogaysay eeddo lagula xidhidhiyay rabshado Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacday Huteelka Crawn ee Magaalada Hargeysa. Kadib markii Koox dhalinyaro ah weerareen xaflad ka socotay halkaa oo Xisbiga WADDANI lahaa.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddahaa, wuxuuna sidoo kale meesha ka saaray in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Ciidammada Boolisku aanay wax gurmad ah ka geysan Rabshada ka dhacday Huteel Crawn oo dhalinyaro ku dhagax-tuureen Masuuliyiin iyo Taageerayaal ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Wasiir Ku xigeenka Amniga Cali Gadh-dheer, wuxuu sidaa ku sheegay xalay mar uu Khadka Taleefanka ugu warramay Shabakada Wararka ee Waayeelnews , isagoo sidoo kale sheegay in aanay jirin wax cabasho ah oo ka soo gaadhay Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, balse ay warbaahinta uun ka arkayaan eedaymo loogu jeedinayo Wasaaradda iyo Booliska, wuxuuna ku dooday inay Booliska Saldhigga Jigjiga-yar iyo Taliyaha Qaybta Galbeedka Hargeysa u soo gurmadeen markii rabshadahaasi Huteel Crawn ka dhaceen Khamiistii.

“Waxaannu aragnay caawa (Xalay) Wasaaradda iyo Booliska oo uu eedaynayo Cismaan-Hindi oo rabshaddii maalintii dhawayd Huteelkiisa ka dhacday ku eedaynaya inaanay u soo gurman, warkaasi waa waxba kama jiraan, sal iyo raad toona malaha, ee Ciidamma Boolisku way u gurmadeen, Taliyaha qaybta Galbeedka iyo Saldhigga Booliska ee Jigjiga-yar ayaa u soo gurmaday, waajibkoodii baanay ka guteen oo iyayagu haddaanay u soo gurman waxaan qabaa in wax intan ka badani dhici lahaa, markaa Boolisku waajibkiisii waa gutay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirk ku-xigeenka Amniga ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi.

Cali Maxamed Cilmi, waxa uu sheegay inaanay jirin wax dacwad ah oo Xibiga WADDANI, usoo gudbiyey oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay rabshaddaas khamiistii ka dhacday barxadda hore ee Huteel Crawn, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,“Xisbiga WADDANI cid nooga soo ashkatootay iyo wax qoraal ah oo naga soo gaadhay oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay rabshaddaas ma jirto. Qofkuna markay wax gaadhaan sida caadada ah waxa waajib ah inuu la xidhiidho Hay’adaha ay khusayso isagoo qoraal ku geynaya cabashadiisa, cidda u geysatay iyo waxa gaadhayba,taasina nagama soo gaadhin hadal iyo qoraal, keliya Warbaahintaa aannu eedaynta ka arkayno mooyaane.”

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo ka jawaabayay inay jirto cid loo qabtay rabshaddaas, waxa uu yidhi; “Boolisku arrintaas iyo dadkii geystay waajibkiisa ayuu ka gutay, kollay Taliyaha ayaa xaqiiqada cidda ay qabteen haya” ayuu yidhi Cali Gadh-dheer.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

About the Author

-

Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor.

2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance.

contact:
Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

+ 252 63 442 5380

+ 252 63 4764409

+ 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face