Share this:

" />
Published On: Tue, Mar 15th, 2016

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dil Ka Dhacay Burco

Smiley face

Araweelo News Network

saylici1saylici1liciHargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ayaa cambaareeyey dilkii shalay ka dhacay magaalada Burco ee lagu fuliyay Marxuum Yuusuf Muuse Cawil oo ahaa ganacsade kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle oo gacan ka gardarani disha. kadib markii tacshiirad rasaas ah lala beegsaday.

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, wuxuu ku tilmaamay dhacdadaa wax laga xumaado, wuxuuna tacsi u diray Madaxweyne ku xigeenku qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu bogaadiyey ciidamada amniga ee gobolka togdheer oo si degdeg ah markiiba gacanta ugu soo dhigay kooxdii gacan ku dhiiglayaasha ahayd ee dishay marxuumka. kuwaas oo isku deyey inay baxsadaan, balse dedaalka ciidanka awgii aanay u suurobin inay ka baxsadaan goobta dilku ka dhacay.

sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wuxuu ku boogaadiyay maamulka gobolka Togdheer, isagoo tilmaamay inay waajibkooda qaran guteen markii dilku dhacay, “soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha oo cadayn u ah in aan cidina ka carari karin gacanta amniga dalka, sharcigana lala tiigsan doono cidka kasta oo qaranka danbi ka gashay.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face