Share this:

" />
Published On: Sat, Oct 18th, 2014

Xusuusta 1988: Gen. Gacantiisa Isku Toogtay Markii Uu Garwaaqsan Waayay Guul-darada Uu Kala kulmay Gulufkii Dagaal Ee SNM. By. Carraale M. Jama

Smiley face

Dhamaadkii bishii hore ee May waxay ku beegnayd sanad guuradii 26aad ee kasoo wareegtay markii ay xoogagii jabhadii SNM, si lama filaan ah usoo galeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay xiliggaa gacanta ku hayeen Ciidamadii Taliskii Milateriga ahaa ee Maxamed Siyaad Bare.

Inta aynaan u gelin dhacdada taariikhiga ah, waxaynu sharaxaad kooban ka bixinaynaa Qaybtii 26aad ee ciidamadii xiligaa deganaa Woqooyi galbeed, kuwaas oo ahaa kuwa ugu awooda iyo cudada weynaa xoogagii jamhuuriyadii Somalia oo ay Somaliland ka mid ahayd.

Qaybta 26aad waxay ka koobnayd Sadex Gaas oo u kala baxayay Gaaska 1aad oo fadhigiisu ahaa Boorama iyo xeebta Galbeedka, Gaaska 2aad oo fadhigiisu ahaa Hargeysa, Gaaska 3aad oo fadhigiisu ahaa Burco iyo Gaaska 12aad oo ka koobnaa Guutada fadhigeedu ahaa Cadaadley oo ciidamadda kamaandowsta, Guutada Taangiyada ee fadhigeedu ahaa Dararweyne oo 60 Km dhinaca Bari kaga beegan Hargeysa.

Gaaska 12aad wuxuu ahaa kuwa ugu awooda badan oo ka baxsana sadexda Gaas ee ay ka koobnaayeen qaybtii 26aad ee Ciidamadii Milateriga ee Dawladii Somalia xiligaa.

General Kaahiye wuxuu ahaa sarkaal ka mid ahaa saraakiishii Ciidamadda ee tababarada u tegey dalka Rashia oo xiligaa saraakiisha Milateriga Somalia intooda badan tababaro kusoo qaateen, balse mar kale ayaa loo diray dalka Maraykanka si uu waxbarasho Jaamacadeed oo dhinaca aqoonta Milateriga iyo hogaaminta Ciidamada ugu soo qaato Sandigo oo ka mid ah Jaamacaddaha ugu caansan dhinaca Milateriga ee dalka Maraykanka.

Sida ay ka sheekheeyeen Saarkiil Milateri oo ka mid ahaa Taliskii Ciidamada Somalia ee waqtigaa, isla markaana ahaa kuwii hogaaminayay ciidamada xiligii ay Jabhadii hubaysnayd ee SNM, oo si lama filaan ah madax madax iyo miidaamo isugu soo tuurtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togadheer 27 May 1988, wuxuuna weerarkaasi sababay in xeryaha loogu daato ciidamadii Milateriga ee fadhiisimaha ku lahaa magaalada Burco.
Inkasta oo weerarka SNM ahaa mid miidaamo ah oo aan bar yarna kaga dhacayn quwadii ciidan ee ay soo weerareen, hadana waxay ku guulaysteen in ay saraakiishii iyo madaxdii dawlada ee dhibtaada xasuuqa, Kufsiga, xadhiga, tacadiga iyo dulmiga ku hayay shacbiga ay gacanta ku wada dhigaan, kadibna shacbiga hortooda lagu khaarajiyo, marka laga reebo saraal ka mid ah madaxdii gobolka ee taliskii Maxamed Siyaad Bare oo baxsaday, waxayna tallaabada weerarka SNM, si weyn uga yaabiyay Taliskii Maxamed Siyaad , dawladihii gobolka oo xiligaa ku hawlanaa in heshiish waara la dhex dhigo Ethiopia iyo Somalia oo dagaal colaadeed oo taariikhiyi hore u dhexmaray 11 sanadood xiligaa ka hor.

Jugtii iyo jaah-wareerkii ku dhacay taliskii iyo madaxdii Burco, ayaa sababay in ay gurmad deg deg ah ay dalbadaan, waxaana dhinaca Cadaadley laga diray hal Urur oo ka mid ah ciidamadii Makaandowsta ee fadhiyay halkaa, kuwaas oo qayb ka noqday dagaalkii ka socday magaalada Burco oo ahaa mid gamcaha laysula tegey.

29 May 1988, waxay ciidamadii SNM weerar ku qaadeen Cadaadley oo 90km kaga beegan dhinaca Bariga Magaalada Hargeysa. Saraakishii ciidanka SNM hogaaminayay, waxa ka mid ahaa Muj. Col. Xuseen Dheere iyo Maxamed Cali oo ahaa Mujaahid caan ah, kuwaas oo watay ciidanka galay Cadaadley.

General Kaahiye wuxuu ka mid ahaa saraakiisha Guutooyinka ugu awooda badan ciidanka, waxaana xusid mudan in ay jirtay Guuto (Mobiles), taas oo ahayd mid saanad kasta iyo hub kasta oo ciidan u dhamaystirnaa, isla markaana loogu tala galay in ay caawiyaan sadexda gaas ee qaybta 26aad ka koobnayd, ama guutooyinkooda marka ay timaado xaalad dagaal ee ay gurmad u baahdaan.

General Kaahiye sida aynu kasoo xusnay qoraalkan wuxuu ahaa Sarkaal waxbarasho Jaamacadeed oo dhinaca aqoonta Milateriga iyo hogaaminta Ciidamada kusoo qaatay Jaamacadda Milateriga ee Marakanka Sandigo oo ka mid ah Jaamacaddaha ugu caansan dhinaca Milateriga ee dalka Maraykanka.

Mid ka mid ah saraakiisha Ciidanka Taliskii Siyaad Barre oo ka sheekeeyay dhacdadaa, wuxuu qiray in ay ciidamadii SNM, si weyn u galalafeen Taliskii Ciidan ee cadaadley. Kadibna sarkaal ka mid ahaa saraakiisha guutooyinkaa ugu awooda badnaa gurmad loogu diray dhinaca Cadaadley, balse sida uu sheegay uu General Kaahiye oo firxad ah ay ka hor yimi intii aanay gaadhin Cadaadley.

Sarkaalka ka sheekeyay dhacdadan ayaa yidhi sida, “Markii aan gurmadka ugu baxnay Cadaadley, waxa naga hor yimi Gen. Kaahiye oo wata gaadhi Landcruser ah, wuxuu noo horgalay dhinaca cadaadley, Ciidanka aan watay ee gurmadka ah waxay wateen ilaa 120 gaadhi oo gawaadhida gaashaaman iyo saanad Milateri iyo sahay dhamaystiran. Goor casar ah ayaan galay Cadaadley oo dagaalku socdo, waxay xaaladu u ekayd mid faraha ka baxday oo u muuqatay in xataa saraakiisha ciidanku is wada khilaaftay, taas oo ay sabab u ahayd guuldaradii dagaalka.
Waxan arkay gaadiidkii Tiknikada ahaa ee aan watay oo intoodii badnayd gubanayaan iyo xaaladii oo aany waxba iska bedelin in ay kasii xumaato mooyee, marka ay noqoto jaran-jarada ciidanka wuxuu ahaa Kaahiye sarkaal wax badan noo dhexeeyeen, aniga iyo isagu isma soo gaadhneen, balse waxay u muuqtay in xaalada dagaalku sababtay in jaran-jaradii ciidan ee noo dhaxaysay aanay meesha jirin.
Gen. Kaahiye kuma qanacsanayn guuldarada soo waajahday ciidankiisa ee gurmadkayagii waxba ka tari waayay, wuxuu u lebisnaa sida Genanarada ciidamada Maraykanka, wuxuu caan ku ahaa inuu xidhto laba Bastooladood, mana uu dhigi jirin qoriga iyo Baaga ay ciidamada Maraykanku ku qaataan dhabarka, maalintaa waxba kuma ahayn in uu cida la hadasha madaxa ka toogto, wuxuuna isaga laftiisu waa Gen. Kaahiyee ridayay rasaasta, wuxu bixinayay awaamiir khaldan, isagoo toos ula hadlayay Gen. Moorgan oo ahaa Taliyihii Qaybta 26aad, warbixinta uu ku bixinayay, ayaa ahayd mid ka been sheegay xaalada dhabta ee goobta dagaalka ee aanu joognay, taas ayaa keentay in isagana awaamiir khaldan la siiyo.
Awood uma aan lahayn in aan Gen. Kaahiye kala hadlo xaalada dagaalka oo marba marka ka danbaysa ciidankayagii sii diciifayo khasaaruhuna sii badanayo dhinacayaga. Laakiin anigoo ka faa’idaysnaya meel aanu qaraabo ka ahayn iyo aqoontii aan u lahaa, waxan iska ilaabay jaran-jaradii ciidan ee noo dhaxaysay, waxaana kula taliyay inaan ciidanka inta hadhay meesha ka saaro, wuxuu aad uga cadhaysnaa jabka nagu dhacay, wuxuu ka dhega adaygay taladii aan siiyay, waxaan isku deyay in aan u caqli celiyo si uu xaalada u garwaaqsado, waxan u sheegay in waxa nala dagaalamayaa yihiin Jabhad oo ay iska tegei karaan beriba, laakiin aan xaalada dagaalka wax ka bedelo oo badbaadino ciidanka markii aan arkay in aanu dhegaysanayn sheekooyinkaa, waxaan u sheegay in aanu ku mashquulin awooda ciidan ee uu haysto iyo sida ay jabhad yar u galeen quwadii uu watay, sidoo kale waxaan hoga tusaaleeyay in haddii uu isagu Gen. Kaahiye kasoo baxay Sandigo ay ragga ciidanka wataa yihiin Col. Xuseen Dheere oo kasoo baxay Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst), oo ah jaamacada Britain oo mid ah kuwa ugu caansan Milateriga, isla markaana ay deegaankoodii ku dagaalamayaan.
Gen. Kaahiye waxaas oo dhan muu dhegaysan, wuxuuna ku jawaabay aniga ayaa difaacaya, isagoo cadho weyni ka muuqato, balse markii danbe waxa khasab noqotay in aan ciidankii meesha ka saaro, isagana garbaha soo qabano oo gaadhigiisa khasab ku saaro, markii aan goobtii ka baxnay si loo tiriyo ciidanka, isla markaana dhaawacii iyo wixii maqan loo ogaado waxaan istaagnay meel.

Gen. Kaahiye, wuxuu ka degay gaadhigiisa, wuxuu dhabarka u jiifsaday geed aan sidaa uga fogayn goobta aan ku nasanay, wuxuu isaka furay Baaggii dhabarka oo uu barkaday, weysadii Biyaha ahayd ayuu madaxa iskaga shibayay. Mid ka mid ah saraakiisha yaryar ee ciidanka ayaa ii keenay shaxdii uu raashinka ku qaybinayay si aan u saxeexo, mar keliya ayaan maqlay rasaas geedkii uu Gen. Kaahiye jiifay ka dhacday, waan kusoo cararnay, wuxuu khaarajiyay naftiisa, isagoo qorigii uu sitay intuu labada lugood dhexgashay beerka u jiifa, isla markaana dhuunta iskaga qabtay sidaana ku khaarajiyay naftiisa, waxay nagu noqtay naxdin iyo amankaag, balse waan filayay sida uu u fekerayo iyo jabkii nagu dhacay inuu go’aan khaldan qaadanayo, ka dib markii uu garwaaqsan waayay guuldaradii dagaalka.

Maydkiisa ayaan usoo qaadnay dhinaca Magaalada Hargeysa si loo geeyo Taliska qaybta 26aad, Raadiyaha ayaa layga weydiiyay, waxan ku jawaabay xaggiina ayuu kusoo naqanyahay Genankii, sababtoo ah haddaan ku jawaabo wuu seexday oo macne ahaan noqonay wuu dhintay, waxan ka cabsi qabay in ay SNM-tu fahmaan, maadaama ay Raadiyaha iyo isgaadhsiinta nala dhegaysan jireen.” Ayuu yidhi Saraalka ka sheekeeyay dhacdadaa, wuxuuna xusay in Maydka Gen. Kaahiye la keenay Qaybta si loogu qaado dhinaca Magaalada Muqdisho oo aas qaran loogu sameeyo sida qorshuhu ahaa, balse nasiibdaro habeenkii maydkiisa la Keenay, waxa subaxdii 31 May 1988, soo galay Hargeysa ciidamadii Jabhada SNM, waxaana suurta gal noqon weyday in Maydka Gen. kaahiye iyo saraakiil dhaawac ah loo qaado Muqdisho.
Sarkaalka ka sheekeeyay dhacdadan, wuxuu ku sifeeyay in Gen. Kaahiye is dilo laba arrimood oo uu sheegay in ay sabab u ahaayeen sida uu rumaysnaa, kuwaas oo kala ahaa Culuunta Milateriga ee uu soo bartay oo sarkaalka marka sidan oo kale la jebiyo ciidankiisa lagula xisaabtamo, taas oo ay suurta gal tahay in maxkamad Milateri la geeyo iyo arrinta labaad oo ahayd inuu qaadan waayo quwadii ciidanka ee uu watay iyo guuldarada ay koox yar oo jabhad ah u xanbaariyeen. Labadaa arrimood ayuu ku sifeeyay sababta Gen. Kaahiye u khaarajiyay naftiisa.

By. Carraale M. Jama

jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face