Araweelo News Network.

Ethiopia Dagaalkii billowday bishii November 2020, ayaa weli socda, waxaana sii kordhaya  xadgudubyada inta badan soo ifbaxayay kadib markii ay dhaceen: Dadka Tigray loo geysanayay, kuwaas oo ahaa kufsi wadareedyo, xasuuq iyo gaajo qasab ah oo ay geysteen ciidamadda federaalka iyo xulafadooda Amxaarada iyo Eritrea oo ah dalka deriska

 

 

Kumanaan qof ayaa ku dhimatay dagaalka, halka malaayiin qof ay ka qaxeen guryahooda,  in kasta oo aan si dhab ah loo ogayn wixii dhacay, maadaama dabeecadda dagaalku sababay in la jaro Igaadhsiinta iyo isku xidhnaanta gaadiidku oo ay gooyeen ciidamadda dawladda, sidoo kalena ay gebi ahaanba xidheen marinada sahayda gargaarka ee gobolka Tigray, taas macnaheedu waa qofna ma oga khasaaraha dhabta ah.

 

Balse Ciidamadda Tigray waxay dib ula wareegeen inta badan gobolkooda kaddib markii ay kasoo degeen Buuraha, waxay ku yimaadeen si la yaab leh bishii Juun, haddana dagaalku wuxuu ku faafay Amxaarada iyo deegaamo kale, Iyagoo Tigray ka cardhaysan weerarrada lagu hayo bulshadooda iyo qoysaskooda, laakiin xilligan dagaalyahanada ayaa lagu eedeeyaa inay beegsanayaan dadka rayidka ah ee ka soo jeeda qoemiyadaha dhinaca kale, gaar ahaan Amxaarada oo cadaawad taariikhi ay ka dhaxayso qowmiyada Tigray.

 

Dagaalka ay ciidamadda Tigray ku soo qaadayaan qaybaha kale ee Ethiopia, dagaalyahannada Tigray ee soo noolaaday waxay la kulmayaan eedaymo isa soo taraya oo ah, kuwaas oo ah inay ka aargoosanayaan tacaddiyadii dadkoodu kula kulmay dagaalka ee dawladdu hormoodka u ahayd.

Maraykanka oo muddo dhawr bbilood ah si cad uga hadlaayay tacaddiyada ka dhanka ah dadka Tigray, ayaa toddobaadkan dhaleeceyn kulul u jeediyay ciidamadda Tigray -ga.

 

“Deegaanka Amxaarada waxaan hadda ognahay in (ciidammada Tigray) bililiqaysteen bakhaarradii, waxay dhaceen Booyado waxayna burburin weyn ka geysteen dhammaan tuulooyinkii ay booqdeen,” sidaas waxa u sheegtay Idaacadda Ethiopia, madaxa Maraykanka Wakaaladda Horumarinta Dhaqaalaha, Sean Jones, sida ay shaacisay AP.

Sidoo kale, Wareysiyo ay la yeelatay wakaaladda wararka ee Associated Press, in ka badan dhowr iyo toban markhaati waxay sharraxaad ka bixiyeen arrinta ku saabsan in ciidamadda Tigray ay garaaceen bulshooyinka iyo goob diimeed oo madaafiic lala beegsaday, iyagoo dilay dad rayid ah, isla markaana bililiqaystay xarumihii caafimaadka iyo iskuulaadkii, iyadoo sida ay sheegtay AP. boqolaal kun oo qof la dilay dhawrkii bilood ee u danbeeyay.

Dagaalyahannada Tigray, ayuu ku tilmaamay kuwo aad u gardarro badan. USAID, oo malaayiin ku quudisa guud ahaan Ethiopia, waxay aragtay ciidamadda Tigray oo bililiqaynaya oo faaruqinaya qaar ka mid ah bakhaarradooda, ayuu yidhi.

Hase yeeshee Wareysi uu dhawaan siiyay AP, afhayeenka ciidamada Tigray Getachew Reda, wuxuu ku sheegay inay ka fogaanayaan waxyeello soo gaadha dadka rayidka ah. “Waa inaysan biqin oo aanay wax cabsi ah dareemin,” ayuu yidhi bishii hore. “Meel kasta oo aan tagno Amxaarada iyo dadka kaleba waxay noo fidinayaan soo dhaweyn aad u diiran.”

 

Basle kamuu jawaabin, waxaxyaabaha wakaaladda warar ee AP shacsiay ee  ku saabsan dhibaatooyinka cusub oo sida ay sheegtay markhaati loo hayo, laakiin wuxuu ku soo qoray bartiisa twitter-ka isagoo u jawaabaya USAID “ma xaqiijin karno dabeecad kasta oo aan la aqbali karin oo ka mid ah dagaalyahannada ka baxsan shabakadda arrimaha noocaas ah.”

 

Ciidamadda Tigray (TDF), ayaa sheegaya in duulaankoodu yahay isku day lagu doonayo in lagu jebiyo go’doominta muddo dhawr bilood ah ka jirtay gobolkooda oo ay ku noolyihiin ilaa 6 milyan oo qof, maadaama qiyaastii 400,000 ay wajahayaan xaallado macluul ah oo ka jirta qalalaasaha gaajada ee ugu xun dunida muddo toban sano ah. Xaaladda “ayaa qarka u saaran inay si aad ah uga sii darto,” sida ay sheegtay Qramada Midoobay Khamiistii.

Dagaalyahannada ayaa sidoo kale sheegaya inay ku cadaadinayaan dowladda Ethiopia inay joojiso dagaalka iyo bartilmaameedka qowmiyadeed ee lagula kacay kumanaan qof oo Tigray ah, kuwaas oo la xidhay, laga saaray ama la dhibaateeyay halka ra’iisal wasaaraha, oo ku guuleystay Nobel Peace Prize, uu adeegsaday ereyo ay ka mid yihiin “kansar” iyo “haramaha” si ay u tilmaamaan dagaalyahanada Tigrayga, waxayna ku doodayaan in aannay ka hadhayn wixii loo geystay ilaa meesha laga saaro Abiy Ahmed.

Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo kuwa kaleba waxay ku boorinayaan dhammaan dhinacyada in ay joojiyaan dagaalka oo ay fadhiistaan miiska wadahadallada, balse kuwa goobta jooga waxay rumeysan yihiin in aannay jirin nabad iman doonta. Dad badan oo Ethiopian ah oo ka baxsan Tigray, ayaa taageera dagaalka iska caabinta ee dowladda federaalka, iyadoo markii ay ciidamadda Tigray horay u socdeen, qoysas badan caruurtooda u direen qorista ciidamadda, kuwaas la siinayo tababarka milateri. Sidaa awgeed dawladda ayaa sheegaty in malaayiin ay ka jawaabeen baaqeeda. Laakiin taas waxba kama bedelin xaaladda, mana ay noqon mid hakisa ciidamadda Tigray.

“Carruurtayadu, waxay ku nool yihiin argagax. Waxaan halkan u joognaa inaan joojino tan,” sidaa waxa tidhi,  Mekdess Muluneh Asayehegn, oo ah haweenay qaadanay tababar maleeshiyo cusub oo Amxaaro ah. Iyada oo qoriga ku ridaysa jawaan caag ah oo buuxa, ayay dhulka jiiftay oo ay ku celcelisay eeg waxaan samaynayo.

Debark,  Debre Tabor iyo magaalooyin kale waxay ka mid yihiin magaalooyinka Amxaarada ee laga cararay, balse ma cadda inta qof ee Amxaarada la dilay; sheegashada dhinacyada dagaallamaya si degdeg ah looma xaqiijin karo. Mid walba wuxuu kan kale ku eedeeyay inuu ka been sheegay ama ku kacay tacadiyo ka dhan ah taageerayaasha.

 

Qowmiyadda Amxaarada, in ka badan nus malyuun oo hadda barakacay, ayaa sheegay in la dilay dad aan waxba galabsan markii ciidamada Tigray soo gelayeen maagaalooyinka.

 

“Waxaan indhahayga ku arkay markii (ciidammada Tigray) ay dileen hal qof intii aan safarka ku jirnay,” ayuu yidhi Mesfin Tadesse, oo bishii July ka cararay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Kobo. “Walaashiis ayaa ka codsanaysay markii ay dileen sabab la’aan.”sidii hore ee Tigray, dadka Amxaarada hadda waxay u daawadaan si argagax leh,  iyadoo dagaalku waxyeello u geysanayo goobo diimeed oo ka mid ah xadaaradaha Masiixiyiinta ee ugu qadiimsan dunida, waxaana la sheegayaa in Maalintii Isniinta, keniisaddii Checheho ee la dhisay qarnigii afraad ay madaafiic haleeleen oo qayb ahaan burburtay.

 

“Tani waa mid aad u arxan daran,” ayay tidhi,  Mergeta Abraraw Meles, oo halkaas ka shaqaysa waxay  aaminsan tahay  in si ula kac ah ay u beegsadeen ciidamadda Tigray. Waxay u yimaadeen si nabad ah, magaalada, laakiin way canbaareeyeen kaddib markii ay la kulmeen khasaare goobta dagaalka ah sdia ay sheegtay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com