Araweelo News Network.

Booqashadii Madaxwene Biixi Iyo Kulankii Conakry ee Alpha Conde,

Guinea (ANN)-Madaxweynihii Dalka Jamhuuriyadda Guinea oo kulaalaya Badweynta Atlantic ee dhaca galbeedka qaarada  Afrika, Alpha Conde, ayaa xukunka laga tuuray, kaddib inqilaaq aan dhiig ku daadan oo kaga yimi Millateriga dalkaa.

Muuqaal Fiidiyow ah oo laga soo duubay qasriga

Madaxtooyadda, ayaa la arkayay cutubyo ka askarta tirsan oo ciidamada gaarka ah oo Madaxweyne Alpha Conde weydiisanaya inuu xaqiijiyo in aannay waxba gaadhin, laakiin sida muuqata wuxuu diiday inuu ka jawaabo, wallow la sheegay in aannay waxba soo gaadhin Madaxwyenaha.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo la xidhiidha xaaladda ka taagan dalka, waxaana sidoo la arkayay Wasiirka Gaashaandhiga oo ka muuqday muuqaal Fiidyow ah, isaga oo gacanta ku haya askar, kuwaas oo sheegay in ay afgambi sameeyeen.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa laga soo xigtay in la isku dayay in lala wareego xukunka, mana buxin faahfaahin dheeri ah, waxayna arrintan daba socotaa rasaas xooggan oo saacado badan socotay agagaarka xarunta madaxtooyadda ee caasimadda Conakry.
Buundada keliya ee isku xidha dalka iyo gacanka Kaloum, oo ay ku yaalaan inta badan xarumaha wasaaraddaha iyo madaxtooyadda, ayaa la xidhay, waxaana la dhigay ciidamo badan oo qaarkood aad u hubeysan yihiin agagaarka qasriga sida ilo wareedyo milateri ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xaalad bunati la’aan ah ay ka jirto dalka, iyadoo Askar aad u hubaysan ay gaaf wareegayaan jidadka kale ee cidlada ah ee badhtamaha magaalada Conakry.
Dadka cabsida qaba ee ku nool badhtamaha degmada Kaloum, ayaa dhegeystay amarrada Askarta ee ah inay guryahooda joogaan, waxayna aqbaleen amarka ciidamadda, iyadoo dhammaan xudduudaha dalka oo dhan la amray in la xidho ilaa amar danbe oo aannay jirin cid ka baxay dalka iyo cid oo gelay.
Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in saddex askari la dilay, waxaase ka xaqiijiyay keliya in rasaas waaweyn iyo madaafiic la maqlayay, balse ma jiraan warar si madaxbanaan u xaqiijinaya xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka Kaloum.

“Haddii Alpha Conde runtii laga xayuubiyay awoodda dalka Guinea, waxay u badan tahay inay ka dhalatay ixtiraam la’aantiisa xad-dhaafka ah ee shuruudaha dastuurka oo sii xoojinaya oggolaanshaha siii kordhaya ee ku aaddan afgembiga gobolka,

Sidaa waxa yidhi, Judd Devermont gaasimaha Xarunta Istiraatiiyada iyo Daraasaadka Caalamiga ah (Center for Strategic and International Studies) ee CSIS.

Madaxweyne Condé, ayaa mar labaad loo doortay, waxa si weyn murran uga dhashay inuu markii saddexaad hungureeyo tallada dalka, isagoo Bishii Oct, 2020, sidaa ku fuulay kursiga waxaana jiray muran siyaasadeed ka taagnaa joogitaankiisa xafiiska, taas oo sababtay mudaaharaadyo rabshado watay oo dalka ka dhacay sannadkii hore, kuwaas oo sababay in dhimasho dad shacab ah iyo in boqolaal kale la xidho.

Aloha Conde, waa 83, da’adiisu, wuxuuna dalkaa xukumayay tobban sannadood iyo dheeraad, isagoo markii u horaysay xukunka la wareegay 2021, isla markaana 2015 dib loo doortay, balse murran ayaa ka dhashay in markii saddexaad uu xafiiiska sii haysto.

Jamhuuriyadda Guinea Conakry, kulaalaya Badweynta Atlantic ee galbeedka qaarada Afrika waxay xoriyadeedaka qaadatay dalka Faransiiska, 1958, wuxuuna dhaqaale ahaan leeyahay khayraad dhanka Macdanta ah, balse wuxuu ka mid yahay dalalka Afrika ee caanka ku ah inqilaabka Millateri iyo musuqmaasuqa, wuxuuna leeyahay Jiziirado badan oo ku yaal Bada Atlantic, kuwaas oo qayb ka ah ilaha dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, wuxuu leeyahay saddex-meelood meel kaydadka bauxite-ka adduunka, hanti badan oo ka mid ah macdanta birta, iyo dheyman iyo kayd dahab ah oo aad u badan. Qaybta macdanta ayaa dhab ahaantii soo saarta in ka badan 90 boqolkiiba dhoofinta Guinea.

In kasta oo ay caan ku tahay Guinea khayraadkaa, haddana, waxa muuqata oo keliya 17 boqolkiiba dakhliga canshuuraha ee Guinea iyo 2.6 boqolkiiba shaqaalaynta. Beeraha ayaa ku badan shaqo abuurka, oo ah 52 boqolkiiba wadarta shaqaalaha, waxayna dhammaan arrimahaasi muujinayaan in aannay is waafaqayn khayraadka dalka iyo faqriga oo loo nisbeeyo musuqmaasuq.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo wasiirkii arrimaha Dibedda xilligaa Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo masuuliyiin kale weheliyaan ayaa booqdat dalkaa July 2019, waxayna kulan la yeesheen Maadxweyne Alpha iyo masuuliyiin kale.
Ma jirin, ama lama ogayn xidhiidh ay Somaliland la lahayd oo hore iyo ahmiyada uu u leeyhay inay Somaliland oo dunida aqoonsi ka raadinaysaa waqti iyo juhdi geliso Guinea, laakiin safarkaa oo aan si dhab ah loo ogayn ujeedadiisa ahaa kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Somaliland ah ku tago dalkaa tan iyo markii ay Somaliland lasoo noqotay Madaxbanaanideeda 18 May 1991, balse waxa keliya oo muuqatay in uu ahaa mid xukuumadda Federaalka Somalia ka cadhaysiiyay, isla markaana sababay in ay ku dhawaaqdo Villa Somalia in ay xidhiidhka diblamaasiyadeed u jartay dalka Guinea Conakry.

Labada Madaxweyne Ee Somaliland Iyo Guinea Oo Kulan Muhiim ah Yeeshay

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com