Araweelo News Network.

 

 

London(AlNN)- Allah ha naxariistee  Dr. Maxamed Daahir Afrax  oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo qoraa ka mid ahaa haldoorka Bulshada Soomaalida ee kobcinta suugaanta iyo dhaqanka, ayaa ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Marxuumka ayaa sida ay sheegeen warar la xidhiidha sababta geeridiisa oo shebekaddaha Araweelo News Network heshay, wuxuu maalmihii u danbeeyay ku jiray xaalad caafimaad, kaddib markii uu soo waajahay xanuun markii dambe  sababay geeridiisa.

Dr. Maxamed Daahir Afrax, wuxuu ka mid ahaa halyeeyada Aqoonyahanka Soomaalida ee caanka ah, wuxuuna qoray Buuggaag iyo sheekooyin qaarkood si weyn u tisqaadeen, isagoo mudda dheer oo qiyaastii nus-qari ah, kusoo jiray doorkiisa kobcinta suugaanta iyo afka Soomaaliga.

Sidoo kale, wuxuu kasoo qaybqaatay aasaaskii Ururka Qorayaasha Soomaaliyeed ee (Pen) oo xilal uu kasoo qabtay, isagoo sannadihii u danbeeyay ahaa guddoomiyihii Akadeemiyad gobolleedka AGA.

Dr Afrax waxaa uu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ku qora afafka Soomaaliga, luqadaha Carabiga iyo Ingriiska, dad baddan oo ka mid ah Bulshadda Soomaalida ayaa si weyn ugu xusuusta mid ka mid ah Sheekooyinka ugu xasuusta dheer ee uu qoray, taas oo ahayd, “ Maana Faay “, taas oo ahayd mid aad u xiiso badan.

Xaamud Jaamac Xuseen Xeeldheere Xusuus Mudan. W/Q: Dr. Maxamed Daahir Afrax

Waxa hubaal ah in Geerida Allah haw naxariistee, Dr. Maxamed Dahir Afrax si murrga ah uga nixinay Bulshada  geiyaga Soomaalida, gaar ahaan aqoonyahanka iyo qorayaasha kobcinta suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida, sidaa awgeed Tafaftirayaasha, qorayaasha iyo dhammaan hawlwadeenada shebekaddaha Araweelo News Network, waxay si naxariis ah uga tacsiyaynayaan geeridaa, qoyskii, Ehelkii Asxaabtii, Bahda Aqoonyahanka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed iyo dhammaan Bulshada Soomaalida, waxayna marxuumka Allah uga baryayaan denbi-dhaaf iyo inuu naxariistiisa ugu deeqo samir iyo iimaan saadiqana dhammaanteen inaga siiyo.

  Taariikhada Marxuum Dr. Maxamed Daahir Afrax, waxaan isku deyaynaa inaan soo gudbino Insha Allah.

 

.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.