Araweelo News Network.

 

Addis Ababa(ANN)-Dagaalada ka socda Ethiopia, ayaa galay xaalad miidaamo ah, iyadoo ciidamadda dawladda ee huwanta doonayaan in ay hajiyaan dagaalyahanka Tigray ee TDF, kuwaas oo dagaal kulul oo deegaamo kala duwan ku dhexmaryo labadii bilood ee  danbeeyay.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka xisbiga talada haya ee gobolka Tigray, TPLF (TPLF), ayaa wakaaladda Reuters telefoonka ugu sheegay sida ay ay xaaladdu tahay. “Waxaa jira madaafiic waxaana la adeegsanayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”.ayuu yidhi.

Afhayeenka, ayaa sheegay in duqeymo badan oo cirka ah ay bilaabeen khamiistii, kuwaas oo sii xoogeystay Jimcihii, iyagoo ciidankoodu  isku urursaday ilaa saddex aag: meel u dhow magaalooyinka Wurgessa, iyo Wegel Tena iyo bariga, wadada isku xidhaa gobolka Canfarta iyo Amxaarada oo xilligan dagaalada ugu xun ka dhacayaan.

Ilo diblumaasiyadeed ayaa u xaqiijiyay Reuters in duqaymo xagga cirka ah ay ka dhaceen agagaarka Wurgessa. Balse Reuters waxay sheegtay in aannay awooddin inay si madaxbannaan u xaqiijiso duqeymaha xagga cirka ah ee meelaha kale, maadaama ay adagtahay in la oggado xaaladda dhabta ah ee gobolka.

Dhinaca kale, Khamiistii, af -hayeenka Amxaarada Gizachew Muluneh ayaa bartiisa Twitter ku soo qoray, “Si loo xoreeyo dadkeena ku dhibaataysan kooxda argagaxisada ah ee TPLF, waxaa laga yaabaa inay jiraan hawlgallo aan laga soo kaban karin dhinac walba, waqti kasta iyo saacad kasta.”

Hadalkiisa, ayaa u muuqaday mid iftiiminaya in ay jiraan xaaladdo is miidaamin ah oo aan loo aabba yeelin, balse ujeedadu tahay oo keliya in ay ciidamadda Tigray ee TDF, ka saaraan deegaamada ay qabsadeen, isla markaana hakiyaan si aannay ugu soo durkin magaalooyinka muhiimka ah ee ay muddooyinkan ku dagaalamayeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.

 

 

Duqaymaha ka dhanka ah ciidamada Tigray lala beegsanayo ee gobolka Axmaarada ee woqooyiga Ethiopia, ayaa sii xoogaystay, afhayeen u hadlay ciidamada Tigray,  ayaa sheegay sidaa Jimcihii, kaas oo si cad u shegay in ay ka hortegi karaan ciidamadda dhulka oo aannay waxba u arkayn ciidamadda Ethiopia  ee dawladda iyo xulufadooda, marka laga hadlayo dagaalka dhulka.

Milatariga Ethiopia iyo xulufadiisa oo ay ka mid yihiin ciidamadda Ereteria iyo weliba Amxaarada iyo malayshiyaadka qowmiyado kale, ayaa 11 bilood dagaal kula jira xoogaga ka soo jeeda gobolka woqooyi ee Tigray, baslse Ciidamadda Tigray ayaa bishii July ee sannadkan u riixay gobolka Amxaarada, oo ciidamadoodu ay ka barbar dagaalamayeen  kuwa dowladda.

Tan iyo markii ciidammadda Tigau ay u riixeen gobollada deriska la ah Tigray, Amxaarada iyo Canfarta, waxa jiray boqolaal kun oo qof oo halkaas deggan oo ay khasab ku noqotay inay ka qaxaan guryahoodii, kuwaas oo qiyaastii 1.7 milyan oo qof ay ku tiirsan yihiin gargaar cunto.

 

Dagaallada tan iyo bishii November ee la soo dhaafay waxay barakiciyeen malaayiin qof waxayna boqolaal kun oo Tigray ah, kuwaas oo ay asiibtay macluul – xaalad ay Qaramada Midoobay ku eedeysay xannibaadda dowladda, kaddib markii xukuumadda Abiy didiay marinada gargaarka ee gobolka. Dowladda ayaa beenisay inay hor istaagto gargaarka,

Marar bddan waxa meel mar noqon waayay heshiiska qaramada Midoobay ee arrimaha gargaarka iyo xukuumadda Abiy, iyadoo toddobaadyadii lasoo dhaafay Addis Ababa lag caydhiyay saraakiil qaramada midoobay ah iyo kuwo kale oo ka shaqaynayay hawlaha gargaarka, waxaana arrintaa isku maandhaafay xukuumadda Abiy iyo qaramada Midoobay, iyadoo beesha caalamku ku kala qaybsanatay arrintaa. Laakiin ra’iisal wasaare Abiy, wuxuu waajahay siyaasad ka go’doomisay aduunka, isla markaana dagaalka, ayaa saamayn xun ku yeeshay guud ahaan Ethiopia.

Diblomaasiyiinta ayaa ka baqaya in dagaallada sii faafaya ay khalkhal ku ridaan Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika iyo awood gobol oo muhiim ah.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.