Araweelo News Network.

 

Addis Ababa(ANN)-Hoggaamiyaha ugu awoodda badan Qowmiyada  Oromada ee xagjir ah oo ka tirsan Ethiopia Kumsa Diriba,  ayaa sheegay in kooxdiisu ay garaacday isbahaysi milatari oo ay la leeyihiin ciidamada xilli ay dagaalyahanka Tigrayga ay  hadda ku sii jeedaan caasimadda dalka ee Addis Ababa,

Dagaalka ka qarxay gobolka Tigray sannadkii hore 2020, ayaa xilligan ku fidday qaybaha kale ee dalka Ethiopia oo ah kan labaad ee Afrika ugu dadka badan, waxayna jabhada Tigray gacansaar iyo xulufo la samaysteen qaar ka mid ah qowmiyadaha, iyadoo ay u muuqato in aannay meel marin abaabulo maalmihii u danbeeyay la doonayay in lagu hakiyo dagaalyahanka Tigray ee TDF, kuwaas oo ay ku baaqeen ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo hoggaamiyaasha Amxaarada oo ah qowmiyada labaad ee ugu weyn dalka.

AKHRI: Ethiopia: Abiy Ahmed Oo Qayladhaan Ugu Baaqay Dadka Shacabka Ah In Ay Dagaalka Lagula Jiro Tigray Ku Biiraan

“Xalka kaliya ee hadda jira ayaa ah in dowladdan si milatari ah loo afgembiyo, oo lagula hadlo luuqadda ay rabaan in lagu hadlo,” ayuu yidhi,  hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada Kumsa Diriba, oo sidoo kale loo yaqaan Jaal Marroo, wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi uu Arbacadii siiyay Associated Press.

AKHRI:Qaramada Midoobay OoCanbaaraysay Xasuuq Ka Dhacay Deegaanka Canfarta Kana Digtay Xaaladda  Dagaalka Sii Xumaanaya Ee Ethiopia

 

 

Hoggaamiyaha OLA ayaa sheegay in heshiiska la gaadhay dhowr toddobaad ka hor ka dib markii ay ciidamada Tigray soo jeediyeen. “Waxaan ku heshiinnay heer isfaham si aan isaga kaashanno hal cadow, gaar ahaan iskaashiga millateri,” ayuu yidhi Diriba, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi socoto, isla markaana ay wadaagaan macluumaadka goobta dagaalka oo ay u dagaallamaan si isbarbar socda, in kasta oo aannay dhinac u dagaallamin, balse waxa uu sheegay suurogalnimada ah inay dhici karto taasi.

AKHRI: Ethiopia: Dagaalkii Ugu Weynaa Oo Dalka Laga Iclaamiyay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay socdaan wadahadallada kale oo u socda isbahaysi siyaasadeed, isagoo caddeeyay in kooxaha kale ee Ethiopia ay ku jiraan doodo la mid ah kuwaa hada dhexmaray Tigray, “Waxaa jiri doona isbahaysi weyn oo ka dhan ah taliska (Abiy)” ayuu yidhi, Kumsa Diriba,

Isbahaysiga iyo xulufaysiga ay sameeyeen Tigray, ayaa wiiqaya cudduda millateriga Ethiopia oo ay horeba ugu bur-buriyeen ciidamaddii uu ku faani jiray dalka oo ahaa kuwo saamayn ku lahaa gobolka, waxayna isbahaiysiga ay xilligan sameeyeen astaan dheeraad ah u yahay qorshe lagu balaadhinayo colaadda  iyo dagaalka kasoo bilaabantay Nofembar 2020, gobolka Tigray oo kusii siqaya caasimadda dalka ee Addis Ababa, iyagoo dagaalyahanka TIgray heshiisyo la galay Canfarta iyo qowmiyado kale, taas oo u muuqata mid ay taageero ugu helayaan dagaalka ay kula jiraan xukuumadda Abiy Ahmed.

AKHRI: Washington Oo Ka Digay Dagaalka Isirka Ee Kusii Fidaya #Ethiopia Iyo Soo Jeedin Ka Cadhaysiisay Dhinacyada

Dagaalka ayaa ka biilaabmay khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay ra’iisal  wasaare Abiy Ahmed iyo hoggaamiyeyaasha Tigray  oo xukumayey dalka Ethiopia ku dhawaad soddon sano waxaana  dagaalka oo hadda galay bishii sagaalaad ku nafwaayay Kumanaan qof, kuwaas oo ay ka muuqatay eedeymo baahsan oo ay qowmiyadda Tigray u soo jeediyeen ciidamadda Ethiopia iyo xulufadooda Eriteria oo lagu eedeeyay kufsi wadareedyo xasuuq iyo gaboodfalo kale oo ay soo bandhigeen hay’addaha xaquuqda aadamaha  iyo sidoo kale macluul aadamigu sameeyay iyo dhibaatooyin lagu eeddeeyay ciidamadda Ethiopia iyo xulafadooda.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com