Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)- Doorashooyinka bishii hore ka dhacay dalka Ethiopia, ayaa lagu dhawaaqay natiijadooda, wallow dhawaaqa natiijadu aannu noqon mid ay soo dhoweeyaan dalalka reer galbeedka iyo ururada u ololeeya nidaamka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ee Dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay habeenimadii Sabtida ee xalay in xisbiga talada haya uu ku guuleystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi oo baarlamaanka federaalka Ethiopia ka kooban yahay.

Hase yeeshee deegaamada aan laga qaban doorashada ee collaadu ka jirtay, waxa la sheegay in kuraastoodu ay ahaanayaan kuwo bannaan.

 

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Ethiopia Abiy Ahmed oo xisbigiisa Barwaaqo Sooranka Ethiopia (Ethiopian ruling Prosperity party), ku guulaystay 410 kursi, ayaa bogaadiyay doorashada.

Abiy, wuxuu ku tilmaamay doorashada inay tahay isku daygii ugu horreeyay ee Ethiopia si xor iyo xalaal ah loo codeeyo, taas oo aannay ahayn mid ay soo dhowaynayaan dalalka reer galbeedku.

Hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka Ethiopia, (Ethiopian Citizens for Social Justice party), Birhanu Nega, ayaa laga guuleystay, halka xisbiyada mucaaradka ay heleen keliya 11 kursi, taas oo muujinay in ahayd saadaasha la filayay ee doorashada.

Xisbiga barwaaqo sooranka ee Abiy, ayaa ku tilmaamay natiijada doorashada ee lagu dhawaaqay mid xaqiijisay in mar labaad loo dooran doono ra’iisal wasaaraha, Abiy Ahmed. Balse Muddada labaad ee ra’iisal wasaaraha, ayaa adkaanay,  maaraynta colaadda Tigray ay dhalisay cambaareyn caalami ah, isla markaana aannay Tigray oo tan iyo November ay ka socdeen dagaalo dhiig badan ku daatay aannay ka dhicin doorashadu.

 

 

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa ugu ku macneeyay natiijada mid si weyn u khaldan, waxayna tusaale usoo qaateen xadhiga loo geystay  qaar ka mid ah mucaaradka iyo xaaladda dhanka amniga iyo collaada ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, kaas oo ay si weyn u naafeeyeen dagaalada ka socda gobolka Tigray iyo isku dhacyada u dhexeeya qowmiyadaha ee soo noqnoqday oo sababay dhibaatooyin iyo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Doorashadan ayaa la filayay in ay codkooda dhiibtaan qiyaastii 37 milyan oo qof, marka la eego tirada ay xukuumadda Ethiopia sheegtay in ay isu diiwaan geliyeen, waxaana la filayay in 547 deegaan deerasho, taas oo u dhiganta tirada guud ee kuraasta Baarlamaanka Federaalka Ethiopia.

Hase yeeshee 102 goobood, ayaanay ka dhicin codbixintu, iydoo lagu sababeeyay sababo amni iyo wax is dhaafin musuq-maasuq.

Sidoo kale deegaanka gobolka Tigray oo 38 deegaan doorasho ah ayaan laga xaadirin doorashada, sababaha dagaalka iyo collaadaha daashaday gobolkaa tan iyo November 2020.

Deegaanka ismaamulka Soomalida Ethiopia ayaan qayb ka ahayn doorashada, iyadoo oo aan la caddayn sababta looga reebay  doorashada Baarlaamanka ee Federaalka,

Doorashada Baarlamaanka ee Ethiopia, ayaa noqonay tii ugu horaysay tan iyo markii xukunka a wareegay Ra’iisla wasaare Abiy, 2018, markii uu xukunka baneeyay ra’iisal wasaarihii hore, waxayna noqonay doorashadii labaad ee dalka ka dhacda tan iyo sannadkii 2015.

Dib u dhac ayaa ku yimi doorashada August 2020, iyadoo lagu sababeeyay xannuunka Coronavirus awgii, waxayna xilligan kusoo beegantay collaado iyo dagaalo sannadihii u danbeeyay si weyn u naafeeyay dalka oo sababay cadaadis siyaasadeed oo ka dhashay dagaalada  gobolka Tigray oo samayn ku yeeshay dalka oo dhan, isla markaana sababay xasuuq iyo xadgudubyo lagu eedeeyay ciidamada dawladda Federaalka ee ku sugan gobolkaa iyo kuwa dalka Eritrea oo ay kooxda TPLF, la wareegeen todobaadyadii u danbeeyay, wallow xukuumadda Abiy sheegtay in ay iyadu kala baxday gobolka Tigray ciidankeeda, kaddibna ay ku dhawaaqday xabad joojin ay shuruuddo adag ku xidheen hoggaamiyayaasha TPLF, ee dib u qabsaday gobolka.

.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com