Araweelo News Network.

 

Maamulka Kililka Shanaad Ee Soomaalida Oo Ka Hadlay xaaladda

Sitti, Ethiopia(ANN)-Waddooyinka halbawlaha ah ee isku xidha Dalalka Ethiopia iyo Djibouti, ayaa la xidhay, kaddib xiisaddaha sii kordhaya iyo dagaalada ka jira deegaamo ka mid ah dalka Ethiopia iyo xasuuq ka dhacay deegaanka Garba-ciise ee galbeedka gobolka Sitti.

Maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa ka hadlay wararka dhiilada ah ee laga soo sheegayo deegaanka Magaalada Garba –Ciise ee galbeedka gobolka Gobolka Sitti oo hore loo odhan jiray Shiniile ee Ethiopia

Wasiir ku xigeenka wasaaradda war-faafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Salaad Dhabar Yuusuf, ayaa sheegay in xasuuq ka dhacay deegaanka Garba-ciise, waxayna maamulka Soomaalida Ethiopia sheegeen in ay xaqiijinayaan in la difaaco shacabka deegaanka Garba-ciise iyo deegaamada ku xeeran.

Hase yeeshee dadka deegaanka Garba-ciise ayaa dhawaaqa dawlad gobolleedka Soomaalida Ethiopia ku tilmaamay wax laga xumaado, Axmed Rooble oo ka mid ah dadka deegaanka Garba-ciise, ayaa u sheegay in aannay wax gurmad ah uga baahnayn maamul goboleedka Soomaalida Ethiopia ee kililka shanaad, balse ay u baahan yihiiin gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Deegaanka galbeedka gobolka Gobolka Sitti oo hore loo odhan jiray Shiniile ee Ethiopia, ee Magaalada Garaba-ciise, waxa ka dhacayay qul-qulatooyin soo noqnoqday, kaddib markii maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar (ina Iiley) uu deegamada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Ethiopia la hoos geeyay maamulka Canfarta, balse tan iyo xilligaasi waxaa dhacayay rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Hase yeeshee maamulka cusub Mustafe Cagjar, ayaa 3 March 2019, waxay soo sareen go’aan lagu laalayo heshiiskaa hore ee maamulkii ka horeeyay deegamadaa ku hoos geeyay maamulka Canfarta.

Waana sababta khilaafka dilalka iyo xasuuqa kusoo noq noqday deegaanka uga dhacayaan weli, iaydoo wararkii ugu danbeeyay ee laga helay dhacdada ugu danbaysay ee Sabtidii 24 July 2021,  ay  sheegayaan in lagu xasuuqay dad shacab ah oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 150 ilaa 300 lagu dilay, kuwaas oo deganaa Garba-ciise, isla markaana ay soo weerrareen Jabhad ay leedahay Canfartu.

Cabdinuur Macalin Xasan oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Xoriyadda iyo Sinaanta ee is maamulka Soomaalida Ethiopia ee Kililka shanaad, ayaa sheegay in uu tegey deegaanka Garba-ciise si ay indhahooda ugu soo arkaan dhibaatada ka dhacaday halkaa, wuxuuna sheegay in Maydadku weli yaaliin shaaracyada, isla markaana dad gaadhay 300 iyo dheeraad lagu xasuuqay deegaankaa.

“Dadku waxay ku badbaadi waayeen Masjidada iyo xeryaha ciidanka Federaalka ee Ethiopia, waana arrin foolxun waxa meesha ka dhacay, waxa loo baahanyahay in dawladda Federaalka ee Ethiopia ahmiyad siiso arrintan, mana ah macquul in ay sidaa ku socoto, way kasii xumaanay.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahanyahay in la ixtiraamo derisnimada, isagoo dhinaca kale xusay in dhibaatooyinka ka dhacay deegaanka Garba-ciise ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ka taagan dalka iyo qalalaasaha oo sida uu sheegay haddii aan xal dhab ah laga gaadhin ay arrimuhu faraha kasii baxaayn, waxayna isu bedeli doontaa qadiyada, maaha arrin u baahan canbaarayn, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Cabdinuur Macalin Xasan Guddoomiyaha Xisbiga Xoriyadda iyo Sinaanta ee is maamulka Soomaalida Ethiopia ee Kililka shanaad, wuxuu sheegay in la xidhay waddada muhiiimka ee isku xidha Ethiopia iyo Djibouti iyo sidoo kale jidka Tareenka Dirirdhaba iyo Djibouti, wuxuuna arrimaha ku tilmaamay kuwo qayb ah sida looga cadhooday falka xasuuqa ah ee lagu sameyay shacabka Garba-ciise.

Dhinaca kale, xaaladdan ayaa sababtay in dhalinyaro cadhaysan ay iskarogooyin ciid ah ku jaraan waddada halbawlaha ah ee isku xidha Ethiopia iyo Djibouti, sidoo kale kooxo kale oo dhalinyaro ah, ayaa xidhay waddada tareenka ee isku xidha Dirirdhba oo Ethiopia ah iyo Djibouti, kuwaas oo iyaguna ka cadhooday waxyaabaha ka dhacaya deegaankaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com