Araweelo News Network.

Iiraan Iyo Turkiga Oo Jawaabo Diblamaasiyadeed Ka Bixiyay Heshiiska Qadar  Dalalka Khaliijka Iyo Bayaanka Jaamacadda Carabta

Tehran(ANN)-Xukuumadda dalka Iiraan, ayaa ka dareen celisay heshiiska ay gaadheen dalalka Carabta ee hore isgu xulufaysatay dalka Qadar, kaddib bayaan kasoo baxay shirka sanadlaha ahaa ee Gollaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) Salaasadii shalay 5 december 2021, ka qabsoomay Al-Ula oo ku taalla dhinaca waqooyi Galbeed ee dalka Sucuudiga.

Mohammad Javad Zarif, oo ah wasiirka arrimaha dibedda Iiraan, ayaa u hambalyeeyay Qatar kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiskaa.

 

“Waxaan ugu hambalyaynayaa Qatar guusha ay ka gaadhay arrinta heshiiskaa ee geesinimada leh ee ay u muujisay inay isaga difaacdo cadaadiska iyo baadda,” ayuu ku qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

 

Mohammad Javad Zarif, wuxuu sheegay in Wadamada kale ee carbeed ee ay jaarka yihiin dalkiisa Iiraan aannay cadaw iyo hanjabaad midna ku ahayn. Kalluumaysi ku filan – gaar ahaan ilaaliyahaaga taxaddar la’aanta ah ee uu ku socdo. Waqti aan ku qaadano dalabkeena gobol adag, ”ayuu raaciyay qoraalkiisa.

Iiraan waxay ka mid ahayd dalalkii lagu eedeeyay inay Qadar xidhiidh la leedaahay, isla markaana u muujiyay taageerada markii la saaray xayiraada saddex sannadood ka hor.

Wasiirka arrimaha dibedda Iiraan Mohammad Javad Zarif, wuxuu sheegay inuu rajaynayo oo ay waqti ku qaadanayso dalabka ah in la helo gobol xoog leh.

 

Sidoo kale, Xukuumadda Dalka Turkiga oo xilligaa dalka Qadar la saaray xayiraada si weyn u garab istaagtay, isla markaana xoojisay saldhig Millateri oo ay ku lahayd dalka Qadar, ayaa dhankeeda ka hadashay heshiiska.

“Muujinta rabitaanka guud ee lagu xallinayo khilaafka Khaliijka iyo ku dhawaaqista dib u soo celinta xidhiidhkii diblamaasiyadeed ee Qadar waa horumar soo dhaweyn leh,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga Salaasadii shalay.

 

“Waxaan rajaynaynaa in Baaqa Al Ula ee la saxeexay dhamaadka shir madaxeedku uu horseedi doono xalka ugu dambeeya ee khilaafka. Soo celinta kalsoonida labada waddan ee Khaliijka, Turkiga wuxuu diyaar u yahay inuu sii horumariyo iskaashiga hay’addaha ee GCC oo Turkigu yahay saaxiibka istiraatiijiyadeed ee mandaqada.

Dhinaca kale,  Ahmed Aboul Gheit, xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa soo dhoweeyay bayaanka Al-Ula, isagoo yidhi, “tallaabo kasta oo wax ku ool ah oo u horseedda degganaansho iyo caadi ka ahaanshaha waddamada Carabta waxay dan u tahay midnimada wadajirka ah ee Carabta”.

 

“Shaki kuma jiro in caqabadaha waa weyn ee hortaagan dunida carabta ay ku baaqayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo daweeyo khilaafka loona gaadho is afgarad walaalaha carbeed, maadaama khilaafaadka carbeed ay tahay in lagu xaliyo nabadgelyada carabta aawadeed, taas oo aan dhamaanteen u baahanahay sida ugu dhaqsaha badan suurtagal, ”ayuu raaciyay qoraalkiisa xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit.

 

Bishii Juun 2017, Sacuudi Carabiya iyo dalka Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Baxrayn iyo Masar waxay ku eedeeyeen Qatar arrimo la xidhiidha argagixiso iyo waxyaabo kale, isla markaana ay aad ugu dhowdahay Iran oo ay sheegeen in ay tahay cadawgooda, waxayna jareen xidhiidhkii dhaqaale iyo diblamaasiyadeed. Waxay sidoo kale xayiraad saareen dhul, bad iyo cirba Qadar.

 

Qatar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedaymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aannay jirin arrimahaa lagu eedeeyay, iyadoo markaa kaddib xidhiidhka loo jaray, balse xukuumadda Qadar ayaa samaysatay saaxiibo cusub iyo diblomaasiyad fur-furan oo ay ku kasbatay saabiixo kale oo garab istaaga, waxaana si weyn ugu hiilayay dalalka Turkiga, Iran, Cumaan iyo kuwo kale oo ay garab ka heshay.

AKHRI: Dalalka Khaliijka Ee Sucuudiga Iyo Qadar Oo Trump Ugu Baaqay Heshiis Ka Hor Inta Aaan Xafiiska Laga Saarin

Dhinaca kal, xukuumadda Kuweyt waxay dhexdhexaadin ka dhex waday Qadar iyo afar dal oo carbeed, iyadoo aan ka nasan tan markii uu khilaafku bilaabmay saddex sannadood ka hor.

Shirka xilligan  ka dhacaya Al-Ula, ee waqooyiga galbeed ee Sacuudi Carabiya, waxaa ka qeyb gelaya Jared Kushner, oo ah lataliyaha iyo wiilka uu sodoga u yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib dadaalkiisa diblomaasiyadeed, sidaana waxa sheegay sarkaal Maraykan ah oo ka hadlayay shirkaa.

 

Sarkaalka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa yiri “Waxaan horumar ku gaarnay khilaafka Golaha Iskaashiga Khaliijka”.

AKHRI: Heshiiska waxa hagaya Jared Kushner: Wiilka Madaxweyne Trump Sodoga u yahay Oo lagu Tilmaamo Madaxweynaha Bariga Dhexe.

Kushner wuxuu ka soo qeyb geli doonaa “si uu u saxiixo heshiis joojinaya go’doominta iyo joojinta dacwadaha Qatar,” ayuu sarkaalku ku daray.