Araweelo News Network.

Kabul(ANN)-Dawladda Maraykanka ayaa boqolaal Askari oo dheeraad ah ku xoojiyay ciidamadiisa ku sugan dalka Agfaanistaan, kuwaas laga dejiyey garoonka Diyaaraddaha ee Magaaladda Kabul.

Weli waxa ku suagan Caasimadda dalka Afganistan In ka badan 5,200, sidaana waxa sheegtay waaxda gaashandigga Maraykanka.

Waxaana maalmihii lasoo dhaafay ka degey Kabul Toddoba boqol oo ka mid ah, kuwaas oo sida ay wasaaradda gaashaandhigu sheegaty u jooga halkaa si ay u xoojiyaan ciidamada Maraykanka ee halkaas ka wada daad gureynta kumanaan qof oo isugu jira shaqaale iyo hawlwadeeno u dhashay Maraykanka.

Sidoo kale, waxay wasaaradda gaashaandhigu sheegtay in ay ku hawlan yihiin fududaynta sidii looga daadgurayn lahaa muwaadiniinta Maraykanka Ilaa markii Daalibaan qabsatay Kabul maalmihii lasoo dhaafay ,waxay millateriga Maraykanku ka qaadeen Kabul. 7,000 oo qof.

AKHRI: Madaxweynihii Afgaanistaan Oo Ka Cararay Dalka

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in ciidamadda Maraykanka ay halkaa sii joogi donaan ilaa iyo 31 August.

Madaxweyne Biden ayaa xusay in ciidamada Maraykanka ee weli jooga Kabul ay dedejin doonaan daabulida kumanaan muwaadiniin maraykan ah iyo xulufadooda oo ku xaniban garoonka Kabul.

“Marka Maraykanku waa inay fahmaan in laga yaabo inay ciidamaddu halkaas joogaan wixii ka dambeeya 31 -ka Agoosto?” ayuu weydiiyey wareystaha, George Stephanopoulos.

 

Mar weydiiyay Madaxweynaha in Maraykanku moodayaan in ciidamaddoodu joogayaan halkaa wixii ka danbeeyay August 31 2021, Mr. Biden.  Ayaa ku jawaabay “Maya, Dadka Maraykanka ah waa inay fahmaan inaan isku deyi doonno inaan dhammaystirno ka hor August 31. Haddii aynaan yeelin, waxaan go’aamin doonaa waqtiga cidda hadhay.”ayuu raaciyay. Madaxweyne Biden.

Axaddii ayay ahayd markii ay Dagaalyanka Daalibaan galeen Magaaladda Kabul ee Caasimadda Dalka Afgaanistaan ee qalalaasaha iyo dagaaladu ka jireen in ka badan labaatan sannadood,

Madaxweynihii dalkaa Asharaf Ghani ayaa iskaga cararay dalka, wuxuuna mar kale dalku ku laabtay  gacanta kooxda Daalibaan oo dagaal kula jirtay Maraykanka iyo xulufadiisa oo awooddi waayay in ay ku guulaystaan maamulo macmal ah oo ay ka dhisayeen dalkaa tan iyo 2001, markii Daalibaan xukunka laga tuuray.

Dalka Afgaanistaan khilaafkii gudaha ee bilaabmay 1978, ayaa sabab u noqday dagaalada iyo collaadaha bariinsaday, waxaana xilligaa khilaafku u dhexeeyay jabhadaha islaam ah oo kasoo horjeeda iyo dawladda shuuciga ahayd ee Afqaanistaan, taas oo ay gacan ka geysteen 1979–89 ciidammada Soofiyeeti, balse dagaalo lagu hoobtay kaddib xukunka laga tuuro dawladda 1992, iyadoo lagu jebiyay ciidamadii Midawga Soofiyeeti ee taageeyay.

Balse sidood sannadoo kaddib waxa duulaan ku qaaday dalka oo nabdoon oo kasoo kabanaya dagaalada Maraykanka iyo xuluadiisa, kaddib qaraxyadii 11 Sep 2001 ee lagu burburiyay daarihii ganacsiga Aduunka ee dalka Maraykanka. Madaxweynihii xilligaa ee Maraykanka George W.Bush ayaa ka dalbaday Daalibaan inay u soo gacan geliyaan Hoggaamiyihii yagleelalay shebkadda Al-Qaacida Sh. Osama Bin Laden, isla markaana ay dalkooda ka saaraan Al-Qaacida iyo Bin Laden oo ay ku doodayeen Maraykanku in ay mudduba raadinaysay FBI, oo ayu baadidoon ugu jirtay tan iyo 1998 , balse Daalibaan ayaa soo jeedinta iyo dalabka ganafka ku dhufatay, waxayna ku tilmaantay kibir iyo isla weyni, duulaanka ayaa sidaa ku bilaabmay, waxayna Maraykanka iyo xulufadiisu ugu danbayntii 20 sannadood kaddib guuldaro iyo qoomamo kala huleeleen Afgaanistaan sidii horeba ugu dhacday Midawgii Soofiyeeti sanandihii siddeetanaadkii.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com