Araweelo News Network

 

#Suluhu, waxay #heshiisyo Malaayiiin dollar ah La saxeexatay #Kenya Iyo #Ugandha

Nairobi(ANN)-Haweenayda Madaxweynaha  Dalka Tanzania Marwo SuluhuSamia Hassan, ayaa booqashadii labaad ee ay dalka  kaga baxdo tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay March 2021, kadib geeridii John Pombe Magufuli, waxay ku tagatay Salaasadii dalka Kenya ee ay jaarka yihiin.

 

Madaxweynaha Dalka Tanzania Marwo Suluhu Samia oo booqasho laba maalmood ah ku joogta Nairobi, waxa Caawa fiidkii Aqalka Madaxtooyada Kenya Afur loogu sameeyay Mama Samia ku casuuntay hoggaamiyaasha haweenka Muslimiinta Kenya .

Marwo Samia Suluhu ayaa timid Kenya subaxnimadii Salaadada booqasho labo maalmood qaadanay, waxayna iyadoo ku xijaaban dharka haweenka Muslimiinta, isla markaana muujinay khatarta dunida ee xannuunka Coronavirus oo xidhan Gafuur-xidh  cad, kasoo degtay caasimadda garoonka diyaaraddaha ee Joma Kenyatta, waxaana ku qaalishay Madaarka Xoghayaha Golaha Arimaha Dibadda ee Kenya Raychelle Omamo.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha  Dalka Tanzania Marwo SuluhuSamia Hassan iyo haweenka Kenya ee muslinka hoggaamiyayaasha ah 4 May 2021 Nairobi, Image Araweelo News Network

Madaxweynaha Tanzania  Marwo Samia, ayaa toos u tagtay Aqalka madaxtooyadda ee Nairobi,  halkaas oo ay kulan kula yeelatay dhigeeda madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxay labada Madaxweyne ku kala saxeexdeen  heshiis lagu bilaabayo ka shaqaynta dhuummaha gaaska qaada ee ka imanaya Dar es Salaam ilaa Mombasa, heshiiskaas oo ay hoggaamiyayaasha labada dal  ku sheegeen inuu qayb ka yahay mashruuc muddo dheer socday oo lagu wadaagayo ilaha tamarta.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Nairobi, madaxweynaha Tanzaaniya Samia Suluhu iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxay si guud ugu sheegeen in ay ku heshiiyeen in la dhiso kaabayaal badan oo isku xidha, iyada oo laga bilaabayo dhuummaha gaaska iyo waddooyinka.

 

Labada Madaxweyne ayaa wada saxeexay qoraalka Isfahamka (MoU) ee Iskaashiga Gaadiidka Gaaska Dabiiciga ah, taas oo ka dhigan in wasiirrada tamarta ee waddammada ay bilaabi karaan hada wixii ka danbeeya  gor-gortanka qaabeynta, kharashka iyo baahiyaha kale ee xagga saadka ee dhuummaha la dhigayo.

 

Marwo Samia, ayaa hore safarkeedii u horeeyay ee ay dalka kaga baxdo tan iyo markii ay xilka la wareegtay March, waxay booqtay Uganda bishii la soo dhaafay, halkaas oo ay labada dal qalinka ku duugeen heshiis dhuumo shidaal oo ku kacaya $ 3.5 bilyan oo ay la galeen shirkaddaha waaweyn ee saliidda ee Total iyo CNOOC.

Madaxweynihii hore ee Tanzania John Pombe, oo lagu naanaysi jiray “Magufuli” Cagaf-cagafta,  wuxuu ku diiday gebi ahaanba  digniinta caalamiga ah ee ku saabsan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ wuxuuna dalkiisa u diiday in la dhegysto dhawaaqyada qayladhanata ahaa ee xannuunka, isagoo si toos xataa  u diiday in uu ogolaado in dalkiisa laga fuliyo tallaaka Covid-19.

John Pombe, ayaa la sheegay inuu u geeriyooday  xannuunka wadnaha, wuxuuna marar badan ka hadlay xannuunka, isagoo mar ku dhawaaqay in fayraska lagaga adkaanayo salaadda, sidaa awgeed aannay Tanzania u baahnayn wax kale oo aannay dunida gurmad uga baahnayn, balse Marwo Samia ayaa xilligan martay dariiq ka duwan kii Madaxweynaha ay xukunka ka dhaxashay ee ay ku xigeenka u ahayd, waxayna hada qayb ka noqotay Tanzania dalalka la tacaalaya xannuunka ee raacaya nidaamka ilaalinta ka hortaga iyo tallaalka, waana sababta ay Nairobi uga soo degtay iyadoo xidhan Gafuur-xidh.

Haweenaydan, ayaa markii ay xilka xafiiska la wareegtay lasoo baxday siyaasad cusub iyo debecsanaan dhanka mucaaradka ah, iyadoo sidoo xorriyada warbaahinta ku cannaanatay masuuliyiinta xukuumadda, waxayna durba qaaday tallaabooyin diblamaasiyadeed oo jiha cusub u kaxaysay siyaasada dalka Tanzania, iyadoo dadweynaha durba kasbatay quluubtooda, isla markaana mucaaradka soo dhowaynta ay u muujisay noqotay mid xukuumadeeda ka dhigay mid sii xooggaysata oo caggaha dhulka la hesha.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com