Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Hay’adaha Qaramada Midoobay waxay sii wadaan inay qaylo dhaan ka muujiyaan masiibada bani’aadamnimo ee sii kordhaysa ee woqooyiga dalka Ethiopia, taasoo ka dhalatay colaadda gobolka Tigray, oo hadda ah bishii sagaalaad.

Kordhintii ugu dambaysay ee dagaalka ka socda Canfarta iyo gobollada kale ee deriska la ah, ayaa masiibo ku ahayd carruurta, sida ay sheegtay Henrietta Fore oo ah Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), waxayna sidaa ku sheegtay hadal ay soo saartay Isniintii.

 

UNICEF, ayaa sheegtay in ay aad uga naxday dilka la sheegay Khamiistii la soo dhaafay oo lagu dilay in ka badan 200 oo qof, oo ay ku jiraan in ka badan 100 carruur ah, kaddib markii lagu weerarray qoysas barakacayaal ah oo gabaad ka dhiganayay xarun caafimaad iyo iskuul ku yaal gobolka Canfarta.

 

Ms. Fore waxay intaa ku dartay in sahaydii cuntada ee muhiimka ahayd lagu soo warramay inay sidoo kale ku bur -burtay aag ay durba ka muuqato heerar bini’aadanimo oo deg -deg ah oo nafaqodarro iyo cunno  yari ah.

 

“Xoojinta dagaallada ka socda Canfarta iyo deegaannada kale ee deriska la ah Tigray, ayaa masiibo ku ah carruurta. Waxayna daba socotaa colaaddo hubaysan oo dhawr bilood ka socday guud ahaan gobolka Tigray,  kuwaas oo ku riday  masiibo bini’aadanimo 400,000 oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 160,000 oo carruur ah, xaalad macaluul u eg, ”ayay tidhi. Henrietta Fore.

 

Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku jira dhibaatooyin ama heerar degdeg ah oo cunto yari ka jirta Tigray iyo gobollada ku dhow ee Canfarta iyo Amxaarada.

 

Dagaaladii ugu dambeeyay waxay barakiciyeen 100,000 oo qof oo dheeri ah, sidaasna waxaa lagu daray labada milyan ee durba ka qaxay guryahooda.

Musiibada bani’aadamnimo ee ku baahsan waqooyiga Itoobiya waxaa wada colaad hubaysan waxaana xalin kara oo kaliya dhinacyada isku haya, ”ayay tiri Ms. Fore.

 

“UNICEF waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan dagaalka, ayna hirgeliyaan xabbad -joojin bani’aadamnimo oo degdeg ah. waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay sameeyaan wax walba oo karaankooda ah si looga ilaaliyo carruurta waxyeello. ” ayay tidhi.

 

In kasta oo ay jireen caqabado badan, haddana Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa cunto gaarsiiyay in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool waqooyi galbeed iyo qaybo ka mid ah koonfurta Tigray intii u dhexeysay bilihii June iyo July. Sida lagu sheegay warbixin ay shaacisay qaramada midoobay.

 

Hase yeeshee WFP,  waxay caawimadaa gaadhsiisay keliya kala badh dadka ay qorshaysay inay caawiso, oo ay ku jiraan bulshooyin qarka u saaran macaluul, taas oo ay ugu wacan tahay, cunto yari, lacag caddaan ah, shidaal iyo qalab isgaarsiineed oo shaqeynayan deegaankaa.

Sidoo kale, Hay’adda WFP waxay sheegtay in in ka badan 175 baabuur oo xamuul ah ay soo gaadheen gobolka Tigray intii lagu jiray toddobaadkii ugu horreeyey ee bishan, oo ay ku jiraan 90 gaadhi oo siday gargaar cunto oo nafo lagu badbaadinayo ah. 90 baabuur oo kale ayaa la filayaa inay yimaadaan maalmaha soo socda. Sida ay sheegtay WFP.

 

Qaramada Midoobay, waxay sheegtay in  5.2 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto, oo u dhiganta qiyaastii boqolkiiba 90 dadweynaha deegaankaa, sidaa awgeed WFP iyo lhawlgalayaasheeda ayaa u baahan ugu yaraan 100 baabuur oo maalin walba yimaada si ay u taageeraan gurmadka lagu badbaadinayo dadka.

 

Dhinaca kale, Michael Dunford, oo ah Agaasimaha Waxqabadka Shirkadda WFP ee gobolka Tigray, ayaa sidoo kale codsaday xabbad joojin si cuntada iyo sahayda kale ee degdegga ah loo gaadhsiiyo inta ay goorii goor tahay.

 

“Dadka ku nool Tigray waxay la ildaran yihiin kaalmo bani’aadamnimo la’aan bishii la soo dhaafay waxaan u baahannahay inaan hadda gaadhno iyaga ka hor inta aannay ku dhicin macluul,” sida waxa ku sheegay digniin deg deg ah Michael Dunford.

“Qaar kale oo ka tirsan gobollada deriska ah ayaa sidoo kale si qoto dheer ugu sii dhacaya gaajada colaadda darteed WFP, waxay la shaqaynaysaa Dowladda si ay u gaadhsiiso bulshooyinka Canfarta iyo Amxaarada cunto nafaqo ah oo lagu badbaadiyo sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu raaciyay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com