Araweelo News Network.

 

 

Muqdisho(ANN)-Guddida doorashooyinka heer federal ee Soomaaliya, ayaa soo saaray habka loo marayo murrashaxnimada aqalka sare ee Baarlamaanka iyo Aqalka hoose.

Qoraal kasoo baxay guddida, ayaa lagu muujiyay shiruudaha looga baahan yahay murrashaxa doonaya in uu ka mid noqdo tartamayaasha iyo shardiga dhaqaale ee ku xidhan oo farqi weyn u dhexeeyo tartamayaasha aqalka sare iyo aqalka hoose.

Guddida, ayaa qoraalka ay soo saareen oo ay la socdsiiyeen madaxda maamul goboleedyada iyo bulshada, waxay ku yidhihaadeen sidan:-

“Guddidu waxa uu la wadaagayaa codsi qoraal ah Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada in ay u soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta, si waafaqsan shuruudaha xubinnimada golaha Aqalka Sare.”

Qoraalka, ayaa sidoo kale Guddidu waxay  ku sheegay in ay qabanayaan waraaqaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ku hubinaya shuruudaha murrashaxnimada, isla markaana xaqiijinaya metelaadda qoondada haweenka ee loo asteeyay 30%.

Guddida doorashooyinka Soomaaliya, ayaa shuruudaha laga doonayo musharixiinta Aqalka Sare ku sheegay qodabadan hoose.

 

1 – In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Fcderaalka Soomaaliya

2 – In Dhimirkiisu dhan yahay

3 – In da’diisu aannay ka yarayn 25 sano

4 – In aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadceed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.

5 – Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.

6 – In aanu ka tirsanayn ama wax xidhiidh ah la lahayn kooxa argagixisada ah.

7 – In uu haysto waraaqda dembi la’aata ee hay’adda dembi baadhista (CID) maamul goboleed ama mid federaal.

Murrashax kasta oo u tartamaya Gallaha Aqalka Sare waa in uu bixiyaa lacagta is diiwan-gclinta, kuna shubaa xisaabta Bangiga ee Guddida Doorashooyinka.

1 – Lacagta is diiwan-galinta Murrashaxiinta u tanamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (Labaatan kun oo dollar) murrashaxiinta gollaha Shacabka waa $10,000 (Toban kun oo dollar), sida lagu sheegay qoraalka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com