Araweelo News Network.

 

Rooble Oo Kulan Loo Qorsheeyay Inuu Dhexmaro Uhuru Kenyatta  Iyo Dareenka Uu Dhaliyay

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka walaacsan safar aan hore loo shaacin oo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble maanta ku tegey dalka Kenya, kaddib booqasho wasiirka arrimaha dibbeda ee Kenya Haweenayda lagu magcaabo Raychelle Omamo iyo wefdi la socday ay ku yimaadeen Magaalada Muqdjsho. Shalay, taas oo ay ku sheegtay in ra’iisal wasaare Rooble uu martiqaaday Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Alt: Araweelo News Network

Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Maxamed Cabdirisaaq oo Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo iyo masuuliyiin kale kusoo dhowaynay wefdiga ra’iisal wasaraha. 10 August 2021, Image Araweelo News Network.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Kenya, waxana socdaalkiisu jawaab u yahay martiqaadka uu ka helay Madaxweynaha dalka Kenya, isagoo magaalada Mombasa wadahadal kula yeelanayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network. Safarkan Ra’iisal Wasaare Rooble ee dalka Kenya ayaa ujeedadiisa lagu macneeyay adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka diblamaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah. Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo qaadan doonta saddex maalmood waxaa ku weheliya wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, sida lagu xusay qoraalka.

Alt: Araweelo News Network

Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Maxamed Cabdirisaaq oo Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo iyo masuuliyiin kale kusoo dhowaynay wefdiga ra’iisal wasaraha. 10 August 2021, Image Araweelo News Network.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay ka hor  intii aannay ka dhoofin magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in wadahadalada uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeelanyo Madaxweynaha Kenya aannay qayb ka ahayn arrinta muranka Badda ee u dhexeysa labada dal, waxana uu caddeeyey in kiiska oo yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda uu marayo heer gabogabo ah, isla markaana laga dhursugayo go’aanka ugu danbeeya ee maxkamadda.

AKHRI: Somalila: Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Oo Boqasho Ka Cadhaysiisay Madaxweyne Farmaajo Ku Timi Muqdisho  iyo Ra’iisal Wasaare Rooble Oo U Jawaabay Farmaajo

Hase yeeshee booqashada xilligan oo kusoo beegantay xilli ay labada dal si weyn isugu khilaafsan yihiin arrinta muranka xadka Biyaha Badda ee hortaal Maxkamadda Caalamiga ah, isla markaana xaaladda siyaasadeed ee labada dal cirka isku shareertay dhawrkii bilood ee u danbeeyay, taas oo gaadhay in ay kala qaataan safaaraddaha, iyadoo guddi ay Urur goboleedka IGAD u saartay oo ay xukuumadda Djibouti xubno ka ahayd ay xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya canbaaraysay.

Sidoo kale, waxay arrintan kusoo beegantay xilli ay xukuumadda Soomaaliya dunidu ka sugayso in ay meel mariyaan doorashooyinka dadban ee muddada dheer laga sugayay, kuwaas oo ra’iisal wasaare Rooble meel marinteeda dhabarka u ritay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo, ayaa saluug weyn ka muujiyay booqashada ay Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo iyo wefdi ku weheliyay ku yimaadeen Magaalada Muqdjsho, waxaana Madaxweyne Farmaajo soo saaray qoraal digreeto ah oo uu ku sheegay in aannay masuuliyiinta xukuumadda iyo hay’addaha dawladda Federaalku aannay heshiisyo geli karin muddada ka hadhay xilliga doorashada, balse ra’iisal wasaare Rooble, ayaa arrintaa kaga jawaabay qoraak uu ku iftiiminayo in aannay jirin wax u diidaya in dalalka deriska ah ay la yeelan karaan madaxda dalalka jaarka ah iyo cid walba oo danta Soomaaliya ku jirto.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com