Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa dalbatay in laga qaado cunaqabataynta hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya.

 

Dalabka xilligan ee xukuumadda Madaxweyne Farmaajo, ayaa ahayd farriin lasii mariyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho gaaban ku tegey magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Alt: Araweelo News Network

Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo lagu soo dhowaynayo Muqdisho, 22 July 2021, Image Simon Tiwitter

Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney, ayaa dalka Kenya safar kusoo maray, ka hor intii aannu soo gaadhin maanta Magaalada Muqdisho, wuxuuna kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Si cad looma ogga ujeedada dhabta ah ee wasiirka Ireland iyo arrimaha lagaga wada hadlay kulankaa, balse kulanka kaddib war qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay, ayaa lagu xusay in lagaga hadlay arrinta sidii cunaqabataynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya iyo arrimaha doorashada adkaatay, taas oo lagu cadaadinayo xukuumadda Soomaaliya.

Qoraalka kooban, ayaa lagu yidhi, “Kulanka waxa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin gollaha amniga ee Qaramada Midoobay.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisla wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dowladda Ireland uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo bartiisa Twitter qoraal kooban ku qoray, isagoo ka hadlaya booqashadiisa Muqdisho ee xilligan iyo arrimaha uu halkaa u tegey, wuxuu yidhi,” Mudnaanta aan siiyay Muqdisho si aan ula kulmo Ra’iisal wasaraha Soomaaliya, Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Wasiirka Difaaca. Waxaan ka wada hadalnay dhameystirka doorashooyinka, maaraynta amniga, dhismaha dowladnimada, awood siinta haweenka iyo sida Beesha Caalamku ay gacan uga geysan karto. #Ireland waxay gudoomiye u tahay cunaqabataynta Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay.” Ayuu yidhi, Simon Coveney.

Dhinaca kale, booqashada xilligan ee Wasiirka arrimaha Dibedda, isla markaana ah Wasiirka Difaaca Ireland Simon Coveney ku tegey Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, ayaa kusoo beegantay xilli lagu caddaadinayo xukuumadda Madaxweyne Farmaajo in ay hirgeliso doorashooyinka, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay murrankii doorashooyinka billihii lasoo dhaafay uu saamayn ku yeeshay xaallada  amniga ee awalba liitay iyo hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya ee aannay beesha caalamku rajada baddan ka qabin.

Marar hore ayay xukuumadda Soomaaliya dalbatay in laga qaado cunaqabataynta hubka, taas oo aannay wax garawshiiyo ah kaga helin gollaha amaanka iyo beesha caalamka, balse farriinta cusub ee xukuumadda Federaalka xilligan ku doonayso in cunaqabataynta lagaga qaado, waxay sii marisay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney, iyadoo dalka Ireland ka mid yahay xilligan 15 xubnood ee gollaha amaanka (Security Council, kaddib markii lagu daray 1 January muddo laba sannadood 2021-2022, waxayna xilligan gudoomiye u tahay Giddida cunaqabataynta Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay

Dalka Ireland , ayaa Qaramada Midoobay (United Nations) ku biirtay 1955. Sidoo kale Ireland waxay xubin ka tahay midawga Yurub oo dhaqaalaha ugu badan siiya Soomaaliya, isla markaana ku caddaadinaya xukuumadda Madaxweyne Farmaajo in ay meel mariso heshiiskii doorashooyinka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com