Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Munaasibad si weyn loo agaasimay oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa lagu soo bandhigay Buugga uu qoray Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Boqolaal qof oo danaynayay Buuggaa, ayaa ka qaybgalay munaasibada, kuwaas oo qaarkood ka yimaadeen deegaamada Soomaalida, Ethiopia iyo meelo kale oo ka baxsan dalka, waxaana sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyayaasha labada Xisbi ee Mucaaradka, Wasiirrada xukuumadda qaarkood,  siyaasiyiin, xildhibaano, aqoonyahano, suugaanyahano, qorayaal waawey, Ganacsato iyo kumanaan dhalinyaro, waayeel iyo haween isugu jira.

Munaasibada ayaa noqotay mid ceeriyoontay, kaddib markii ay buuxsameen kuraasta hoolka ugu weyn Huteelka, taas oo keentay in ay dadka qaarkood istaagaan, halka kuwa kalena ay dibedda kala socdeen munaasibada, iyagoo xiisaynaya soo andhigista Buugga oo muddo la sugayay, isla markaana sida uu sheegay Qoraa Maxamed Saleebaan Cumur oo isku dubariday Buugga Hawaale Warran, isla markaana Tafaftiray oo uu waqti baddan geliyay, balse ay soo saarista Buuggu qaadatay muddo sannado baddan ah.

Qaar ka mid ah haldoorka ka hadlay munaasibada, ayaa ka sheekeeyay xiisaha iyo xikmadda ku duugan Buugga Hawaale Warran, waxaana lagu tilmamaamay Buugga ugu qiimaha baddan ee la daabaco qarnigan, kaas oo uu Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame kaga hadlayo waayihii nolloshiisa, qoyska uu kasoo jeedo, taariikhada Bulshadda Soomaalida, qaabkii ay u noolaayeen gumaysiga ka hor, gobanimadoonkii, xorriyadii, xilligii kacaanka, halgankiisii suugaanta iyo waxyaabo baddan oo taariikh ah oo si weyn sawir uga bixinaya nollosha bulshadda waajibaadka dawliga ah iyo waxa ku waajib ah qof kasta, sidoo kale Buuga Hawaale Warran, wuxuu tilmaamayaa qaabka ay bulshadu horumar ku gaadhi karto iyo sababaha dib u dhaca iyo bur-burka.

Halkan Ka Daawo Munaasibada iyo Weedhihii laga yidhi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com