Araweelo News Network.

” Waxa laga jeex-jeexay Baasabooradii, waxaana lagula kacay Afduub, waana arrin khilaafsan sharciga Caalamiga ah.”#Edna Aadan

 

Hargeysa(ANN)- Drs Edna Aadan, ayaa si weyn u canbaaraysay fal ay ku tilmaantay mid waxashino ah oo lagula kacay shaqaalle Caafimaad oo ka hawlgala Cusbitaalkeeda Hargeysa.

Marwo Adna, waxay masuuliyiinta xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedaysay in ay fal xun oo aan waafaqsayn qawaaniinta caalamiga ah lagula kacay hawlwadeeno ka socday Cusbitaalkeeda Hargeysa oo kusii hakaday garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho.

Waxayna sidaa ka sheegtay mar garoonka diyaaraddaha magaalada Hargeysa ee Cigaal Intenation Airport maanta lagu soo dhaweeyey shaqaallaha Caafimaad ee loo geystay dhibaatada, kuwaas oo ka hawl-gala Cusbitaalkeeda Edna Aadan Hospital.

Drs Edna Aadan, waxay sheegtay in ay shaqaallaha ay soo dhoweeyeen maanta maalmihii u dambeeyey ku xannibnaayeen garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusii hakadeen (taransit), iyagoo u socday dalka Kenya oo ay kaga qaybgelayeen tababar caafimaad.

Shaqaallaha Caafimaadka, ayaa lagu xanibay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde, waxayna sheegtay in ay Hargeysa kaga dhoofeen shaqaalluhu sida ay sheegtay iyagoo sita Baasaboorka Somaliland oo ku sharciyeysan oo Fiisaha Dalka Kenya oo ay ku socdeen ay sitaan.

Hase yeeshe iyagoo kusii hakaday Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho six un loogu dhibaateeyay,  sababo la xidhiidha Baasaboorka ay ku socdaalayeen ee ay siteen, sida ay sheegtay Edna Aadan Ismaaciil oo saxaafadda kula hadashay Madaarka Egal International Airport.

Edna Aadan, ayaa ku eeddaysay masuuliyiinta laanta socdaalka Soomaaliya in ay ku xad-gudbeen sharciga caalamiga ah ee socdaalka adduunka, kaas oo dhigaya inaan dhibaato loo geysan dadka socdaalka ah ee safarka ku maraya garoomada diyaaraddaha. Balse waxay sheegtay in masuuliyiinta Laanta socdaalka Soomaaliya oo baalmarsan shuruucda caalamiga ah dhibaato u geysteen shaqaallaha caafimaad ee Cusbitaalkeeda Edna Hospital, waxayna sheegtay in laga qaaday Baasabooradii ay siteen la jeex-jeexay, kaddina la afduubay oo ay muddo ku xanibnaayeen halkaa.

” Waxa laga jeex-jeexay Baasabooradii, waxaana lagula kacay Afduub, waana arrin khilaafsan sharciga Caalamiga ah.”

Adna oo ka hadlay arrimahaa iyo kuwo kale halkan ka Daawo.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com