Araweelo News Network

“Ururada Bulshada Rayidka ah (#Civil society), waxa markii iigu danbaysay laga dhisi jiray wadamadda dawladdaha ka jiraa aannay awood lahayn, ruqsadada NGO-yada waxa ku taal (#Non-profit #non-plotical #Organization), Markaa wuxuu weydaarsan yahay ruqsada uu qaatay.” Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

Hargeysa(ANN)-Gollaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqay hay’addaha sharciga in tallaabo laga qaado Dallada aan dawliga ahayn ee SONSAF, waxayna ku tilmaameen mid ku dhexmilantay saddexda dhar-dhaar ee tiiraraka u ah dhismaha Qaranka.

Mudanayaasha gollahaa oo daba socday dhawaaqyo kasoo baxay Guddoomiyaha Dallada SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan oo laga baahiyay warbaahinta muuqaalka ah, waxay ku sheegeen dood ay maanta ka yeeshay arrintaa in Hay’addaha sharcigu waajibkeeda ka gutaan.

Xildhibaanada Guurtida ee ka qaybgalay dooda, waxay soo bandhigeen qaabka aan sharciga ahayn ee Dallada SONSAF, ugu dhiiranay in ay dhexgasho arrimaha siyaasada dalka, iyagoo ku tilmaamay NGO, aan xaq u lahayn inuu farageliyo arrimaha siyaasada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gollaha Siciid Jaamac (Siciid Timaweyne) oo guddoominayay oo ka hadlay arrintaa ayaa yidhi, “Maaha in wer-wer laga muujiyo gollaha Guurtida, sababtoo ah waa golle Dastuuri ah oo dalkan wax baddan kasoo qabtay, qaanka uu kusoo noqonayo, muddo xileedkiisa iyo waajibaadkiisa waxay ku yaaliin Dastuurka, ciddii mugdi kaga jirina Dastuurka dib hawgu noqoto.”

Guddoomiye Siciid, wuxuu isagoo ka haldaya arrinta SONSAF, wuxuu yidhi, “Ururada Bulshada Rayidka ah (Civil society), waxa markii iigu danbaysay laga dhisi jiray wadamada aan dawladdaha ka jiraa awood lahayn, markaa waa NGO, ruqsadiisana waxa ku taal NGO, in uu yahay (Non-profit non-plotical Organization). Markaa NGO, ka shaqeeya siyaasad, malaha wuxuu weydaarsan yahay ruqsada uu qaatay.”

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka gollaha guurtida, wuxuu sheegay in ay jiraan hay’addo qaran oo muddada gollaha haddii ay dhammaato iyo qaabka ay kusoo noqonayaan u xil saaran, markaa waxaan leenahay maaha shaqadiina aad ruqsada ku qaadateen ee samafalka ku koobnaada, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Xildhibaanada doodda ka qaybqaatay, ayaa si cad uga hadlay qaab dhisameedka gollaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna tilmaameen qaabka uu gollaha guurtidu ku yimi, sidaa awgeed waxay xuseen In aannay ka xumayn in laga hadlo muddada gollaha guurtida.

Hase yeeshee ay la yaabah yihiin sababta ay NGO-yadu usoo dhexgaleen arrinta gollaha guurtida, iyagoo mashaariic ku raadinaya, waxaan leenahay maaha in ay hay’addo aan shaqo ku lahayn oo ka shaqeeya dhulka aan dawladdi ka jirin, ayuu yidhi, xildhibaan ka mid ahaa mudanayaasha doodda ka qaybagalay.

“Nin hadla iyo Heesaba gollahani waa gollihii dhisay dawladnimada Jamhuuriyadda Somalialnd ee seeska u dhigay, mana jiro gobol aannan nabadayntiisa kasoo qayb qaadan,” sidaa waxa yidhi, xidhibaan ka mid ahaa mudanaayashii aasaaska gollaha guurtida oo doodda ka qaybqaatay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.