Araweelo News Network.

#Arrinta Cabdikariim#Moogge iyo Kulanka #Madaxeynaha, #heshiiska Mucaraadka,#Baarlamaanka Iyo #Maayarada, muxuu ka yidhi Mucaaradku.

Alt: Araweelo News Network

Guddoomiyaha Gollaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cismaan Afgaab Nuur Image file Araweelo News Network,15 April 2021.

#Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee #WADDANI, ayaa ka hadlay kulankii Xildhibaan Cabdikariim Axmed #Moogge iyo xubnaha la socdaa la yeesheen Madaxweynaha #Somaliland, Muuse #Biixi Cabdi, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay arrinta kulankaasi saamayn ku yeelatay isbahaysiga mucaaradka ee #WADDANI iyo#UCID, isla markaana xukuumaddu ka faa’idaysatay kulankaa.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Gollaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cismaan Afgaab Nuur, ayaa ka hadlay saamaynta arrintaasi ku yeelatay isbahaysigooda iyo wararka suuqa lagu faafiyay ee la xidhidiha natiijada kulanka Xildhibaan Cabdikariim Axmed Moogge.

Cismaan Afgaab oo Telefishanka SAAB, waxa ka weydiiyay arrimahaa iyo kuwo kale, ayaa sheegay in aannay waxa saamayn ah ku yeelan isbahaysigooda iyo hawlaha u socda labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID, kulanka Madaxweyne Biixi iyo xildhibaanada uu hoggaaminayay Cabdikarriim Moogge ee xisbiyada mucaaradka kasoo baxay.

“Cabdikariim Axmed Moogge iyo xubnaha la socday haddii uu Madaxweynuhu u yeedhay, waa madaxweynihii qaranka wuuna la kulmi karaa,  waa arrin iska caadi ah, markay Madaxweynaha la kulmeena waxay u sheegeen in ay ninkaa wataan, mana jirto wax dhib ah oo ku jiraa, mana aha arrin saamayn ku yeelatay heshiiska, ama ku yeelanaysa isbaahysiga labada xisbi ee mucaaradka iyo arrimaha ay wadaan.” Ayuu yidhi.

Afgaab, wuxuu sheegay in aannay dhinaca kale guul u ahayn xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda kulankaasi, isagoo meesha ka saaray warar sheegaya markii labada Xisbi mucaaarad ay ku heshiin waayeen rabitaankiisa Maayarnimada Caasimada Hargeysa uu dhinaca Madaxtooyadda u baydhay Xidlhibaan Cabdikariim Axmed Moogge.

“Ma jirto meel Cabdiklariim Axmed Moogge labada Xisbi Mucaarad wax ugu diideenm isaguna ma sheegin arrintaa, waa war aan waxba ka jirin oo been abuur ah, hawlaha labada Xisbi sidoodii ayay u socdaan oo heshiiskii aannay waxba ka bedelayn, Cabdikariim Moogena way la socdaan xildhibaanada labada Xisbi.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Gudddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gollaha Dhexe Cismaan Afgaab Nuur, wuxuu sheegay in wararka kasoo baxaya saraakiil uu sheegay in ay ka mid yihiin Xisbul xaakimka KULMIYE, yihiin kuwo wax laga xishoodo ah oo gef ku ah xildhibaanada la doortay ee Bulshadu soo dooratay.

“Waxan arkayay rag waaweyn oo xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ah, oo leh waxaanu “iibsanaynaa Xildhibaanada”, arrintaasi waa gef iyo meel ka dhac, waxayna ceeb ku tahay xildhibaanada sharaftooda iyo dadkii doortay, waxa kaloo ay aflagaado ku tahay qaranka iyo hoogaankisia in ay sidaa u hadlaan oo yidhaahdaan waxaanu iibsanaynaa xildhibanaada ummaddu soo dooratay, hadday leeyihin waanu qancinay waxbay ahaan lahayd, laakiin waanu iibsanaynaa ceeb in la yidhaahdo lacag ayaanu ku iibsanaynaa xildhibaanda dadku doorteen.” Ayuu yidhi, Afgaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in labada Xisbi Mucaarad Aqlabiyada shacabku dooratay, isla markaana gollaha wakiillada iyo gollayaasha deegaankaba ay labada Xisbi Mucaarad ku haystaan aqlabiyad, sidaa awgeed aannay cidna ka baryayn shirgudoonka iyo Maayarada Dalka.

“Xisbiyada Mucaaradku waxay haystaan aqlabiyada Bulshadu ku dooratay ee gollayaasha deegaanka iyo Baarlamaanka (Wakiillada), waxayna qaadanayaan iyagoo soo taagan, mana jirto cid ka qaadi kartaa indhahooda oo shan ah ayay qaadayaan, sababtoo ah aqlabiyad ayay haystaan.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Gollaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cismaan Afgaab Nuur.

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com