Araweelo News Network.

#Somaliland@Komishanka Qaranka Oo Mudada Loo Cayimay Doorashooyinka Gollayaasha U Gudbiyay Madaxweynaha

Hargeysa(ANN)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamahuuriyadda Somaliland, ayaa cayimay mudada doorashada gollayaasha deegaanka iyo Wakiiladda Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyeen warqad  ay ku ciyimeen mudada doorashooyinka, taas oo sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, isla markaana ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee gollayaasha wakiillada iyo deegaanka Somaliland ee 2021.

 

Xubnaha komishanka doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayaa sida sharcigu qorayo madaxweynaha qaranka usoo gudbiyey warqad ay ku cayimeen maalinta, bisha iyo sannadka ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku qabsoomi doonaan, taas oo u qorshaysan 31/05/2021, si uu madaxweynuhuna ugu soo saaro wareegto rasmi ah.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay  dedaalka ay geliyeen dhammaystirka wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyaasha, waxana uu caddeeyey inuu ka madaxweyne ahaan diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay sidii uu taageero buuxda u siin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ay komishanku u cayimeen, islamarkaana uu hawshaa doorashada muhiimad gaar ah siinayo.

Maadxweyne wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxa inoo ballan ah inta doorashadaasi Illaahay idambkii ay nabad innoogu dhammaanayso inaynu dhammaan hareeraha ka joogno, waannu idin garab joogaynaa, hawsha waannu idinla wadanaynaa, dhibaatooyinka idin haysta, hawlaha iyo culaysyada ay leedahay waannu idiin tixgelinaynaa, wixii aannu idin la qaban karnonna waannu idin garab taaganahay.”ayaa lagu yidhi, qoraalka