Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Allah haw anxariistee Cabdullaahi Cali Ibraahim (Cabdullaahi Guray) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale kasoo qabtay xilka Wasiirka Gaashaandhiga, ayaa ku geeriyooday maanta Magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo ka mid ahaa koox siyaasiyiin ah oo sheegay in ay ku biireen xisbiga Mucaaraadka ah ee WADDANI, iyagoo sheegay in ay ka baxeen xisbiga tallada haya ee KULMIYE, oo muddo dheer oo ka mid ahaa, ayaa ku geeriyooday  galabnimadii Axada Cusbitaal ku yaal Hareysa.

Taariikh nololeedka Marxuumka iyo geeridiisa, waxa soo ururiyay Telefishanka Horn cable Tv oo ka sheekeeyay noloshiisa bilaw ilaa dhammaad.

Warbixinta uu ka diyaariyay geerida Marxuum Cabdullaahi Ibraahim oo ku magac dheeraa (Cabdullaahi Guray) halkan ka Daawo.

Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network iyo dhamaman Bahda Araweelo News, waxay ka tacsiyaynaysaa geerida marxuumka Allah haw anxariistee Cabdullaahi Cali Ibraahim (Cabdullaahi Guray) Qoysaskiisa  iyo dhammaan bulshada ay asxaabta ahaayeen iyo qaranka Somaliland, waxayna Allah uga baryayaan denbidhaaf iyo inuu marxuumka jana-fardawsa ugu deeqo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.