Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xildhibaanada gollaha wakiillada Somaliland, ayaa xal u waayay khilaafka ka taagan xeerka doorashada ee Xeer (Xeer L/r 14 2021.), kaas oo duufaan siyaasadeed iyo khilaaf gaadhay gacan ka hadal ka dhex alloosay fadhigii ugu danbeeyay ee gollaha Dec 13th, 2021.

 Kala qaybsanaanta gollaha ayaa sababtay in ay maanta Maxkamadda Sarre ee Somaliland u gudbiyaan xeerka koox xidlhibaano ah, kaddib ay shalay si badheedha ah u sheegeen in ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen kulamo la doonayay in labada dhinac ee xildhibaanadu ku heshiiyeen, balse ay ku kala irdhoobeen, kaddib markii ay ku heshiiyeen waayeen qaabka loo waajahayo xeerkaa si gollaha wakiilladu usii wato shaqooyinka u yaal.

Kooxda xildhibaanada ah, ayaa nuqul ka mid ah Xeer (Xeer L/r 14 2021.) u gudbiyay Maxkamadda Sarre Salaasadii maaanta, iyadoo Maxkamaddu ka  guddoontay warqad ay ku saxeexan yihiin 46 mudane oo ka tirsan  gollaha wakiillada Somaliland.

Markaa kaddib ayay warbaahinta u sharaxeen sababta ku ajburtay in ay Maxkamadda Sarre u gudbiyaan xeerka, Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa ka mid ahaa kooxda xildhibaanada gollaha Wakiillada ee gudbiyay xeerka, wuxuuna xusay in dadweynuhu ay sugaan go’aanka Maxkamadda Sarre.

“Annagu waxaanu u dhaaranay in dalka, dadka iyo dastuurka aanu ilaalino, qodobka 38aad ee dastuurkuna waxa uu dhigaya xildhibaanadu marka ay shaqadooda gudanayaan waa in si waafaqsan  dastuurka iyo heer hoosaadkooda ay u gutaan.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Maydhane.

Laxidhiidha: Somaliland Duufaankii Hafiyay Fadhiga Gollaha Rasaastii Booliska,Ganac Ka Hadalkii Iyo Goolaaftankii Madasha

Sidaa awgeed, wuxuu sheegay in iyagoo ka duulaya qodobkaa ay Maxkamadda Sarre u tageen si ay tafsiir sharci uga bixiso qodobka ay isku khilaafeen, “ marka wax la isku qabto cidda loo gudbinayaa waa Maxkamadda dastuuriga ah, ayuu raaciyay.

Xildhibaan Maydhane, wuxuu sheegay in ay yihiin golle ku aasaasan dastuurka oo ah hay’ad sharci ah sidaa awgeed, ayuu yidhi, waxaanu bulshada u sheegaynaa in aanu noqonay halka lagu kala baxayay oo ah maxkamadda dastuuriga ah, dadweynuhuna ha sugaan wixii ka soo baxa ee xaq ah”

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo caan ku ah (Xidhibaan Ooyaaye), ayaa ka mid ah kooxda mudanayaasha ah ee xeerka u gudbiyay Maxamadda Sarre ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Maxakamadda Dastuuriga ah, wuxuuna sharaaxd dheer oo uu ku bixiyay sababta ay mudanayaasha gollaha wakiilladu isugu khilaafeen Xeer (Xeer L/r 14 2021.),  ee ay ugu gudbiyeen Maxakadda, kaddib markii ay mudanayaashu si weyn isugu khilaafeen Xeerka.

“Ma jirto dhibaato ka jirta gollaha, balse gollahayagu waxa uu isku qabtay laba qodob oo sharci ah, labada qodoba dastuurka ayay ku xusan yihiin, Xeer (Xeer L/r 14 2021.), oo Madaxweynaha loo gudbiyay ayuu isku qabtay oo wakhtigii loogu talo galay ayuu madaxweynuhu ku soo celiyay iyo kumu soo celin, qayb ka mid ahi waxa ay leedahay waxa loo raacaya soo celinta madaxweynaha qodobka 77aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu yidhi.

“46 mudane oo halkan jooga oo guddoomiye ku xigeenkii gollaha wakiilladu ku jiraana waxa ay qabaan qodobka 78’aad ee dastuurka in loo raaco, ayuu raaciyay Xildhibaan Abiib oo ku magacdheer (Xildhibaan Ooyaaye)

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qodobka 77’aad oo xusaya madaxweynaha xeer kasoo noqday, haddii madaxweynuhu 21 cisho gudahooda ku soo celin waayo xeerka, ayuu dastuurku sheegaya, goluhu waajibaadkii ahaa saxeexa iyo faafinta ayuu wareejinayaa, oo uu u wareejiyay gollaha wakiilladu in uu faafiyo, ayuu yidhi, isagoo Xildhibaanku sharaxaad ka bixinaya xudunta murranka.

 “Ma jirto shaqo kale oo gollaha wakiillada u diray, halka haddii uu madaxweynuhu ku soo celiyo 21 cisho gudahood xeerka, qodobka 78aad uu xusayo in golluhu soo jeedinta madaxweynaha cod u qaadayo, taasi oo dhigaysa in golluhu soo jeedintii Madaxweynaha ku raaco, amma ku diido,” sidaa awgeed wuxuu sheegay in Xeer (Xeer L/r 14 2021.),  Madaxweynuhu haystay 53 maalmood, balse soo celinta uu gollaha kusoo celiyay Madaxweynuhu ku sababeeyay in golla ay maqnaayeen, wallow golayaasha Qaranku aannay maqnaanshiyo gelin, sababtoo ah xoghayaha ayaa jooga oo qabta marka xeerka la soo celiyo sidoo kale guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada ayaa joogay, Baashe Maxamed Faarax, waana kii guddoomiyaha cusub xilka ku wareejiyay. Sidaa ayuu ku dooday xidlhibaan Maxamed Abiib oo caan ku ah Xidhibaan Ooyaaye.

 Sidaa darteed, wuxuu raaciyay xildhibaanku sharaxaadiisa in ay bulshada u sheegayaan in qodobka la isku hayaa aannu ahayn siyaasad ee uu yahay mid mid sharci ah, balse wuxuu sheegay in ay aad uga xun yihiin in muddo todobaad ah uu golluhu fadhiisan waayo, taas oo siduu sheegay in ay masuuliyadeeda leedahay cid gaar ah, “Waxay ahayd in gollaha wakiilladu ka doodo dhibaatooyinka Sicir-bararka, Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale, waanu ka xunahay in golluhu fadhiisan waayay, muddo todobaad ah.” ayuu yidhi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com