Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Sool ee Laascaanood oo dhowaan xukuumaaddiisu ka masaafurisay boqolaal qoys oo sannado ku noolaa halkaa, kuwaas oo loo masaafuriyay deegaankii ay kasoo jeedeen Soomaaliya.

Alt: Araweelo News Network

Sidoo kale, wuxuu jawaab ka bixiyay dhaleecayn ay qaramada midoobay xafiiskeeda UNOCHA ee qaabilsan isku dubaridaa waxqabadyada bani’aadamnimada, iyo ballaadhinta gaaritaanka u qaabilsan qaramada Midoobay dusha u saartay xukuumadda Somaliland, iyadoo daba socotay dadka qoxootiga ahaa ee laga masaafuriyay Laascaanood.

Alt: Araweelo News Network

Middg: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya maalinta shuhudada 17 Oct, 2021, oo lagu xusay Hargeysa iyo sawirka Bidix Guddoomiye-ku-xigeenka jimciyadda SOOYAAL, Mujaahid Yuusuf Maydal Cumar, image Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi oo ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 37-guurada kasoo wareegtay maalinta  shuhadada SNM oo ahayd maalintii uu geeriyoodeen Muj. Maxamed Xaashi Lixle iyo mujaahidiin kale, balse loo asteeyay in si gaar ah maalintaa loogu asteeyo maalinta Shuhudada, isla markaana sannad walba dalka laga xuso, ayaa soo hadal qaaday doorashada Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay dad kasoo jeeda Somaliland oo sheeganaya in ay metelaan la arkayay, inay ka qabygaleen tartanka doorashadaa ee xildhibaanada aqalka sare iyo iyo aqalka hoose.

.

Alt: Araweelo News Network

Munaasibadda, waxa Madaxweynaha kala qaybagalay hormuudka jimciyadda mujaahidiinta SOOYAAL, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ka tirsan ciidamadda kala duwan ee dalka, qaar kamid ah saraakiishii iyo dagaalyahannadii ka tirsanaa ururkii SNM, Ururka  haweenka qaranka ee Now iyo marti-sharaf kala duwan,

 

Khudbado la xidhiidha taariikhdii maalinta loo asteeyay shuhadadii ururkii SNM ee 17 Oct, iyo hayaankii dheeraa ee ay usoo martay in la yagleelo dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu noqdo mid xor ah oo Dimuqraaddi ah, ayaa lagaga sheekeyay munaaisbadda.

 

Guddoomiyaha jimciyadda mujaahidiinta  SOOYAAL Mujaahid, Cabdirisaaq Jaamac Xuseen (Cabdi-shanaad), ayaa si qoto dheer u sharraxay  muhiimadda ay leedahay maalinta shuhadada SNM, isagoo tilmaamay in midhihii mujaahidiintu dhaleen dawladnimo iyo xasillooni buuxda oo ay Somaliland hanatay.

 

Sidoo kale, waxa hadalo ka jeediyay munaasibadda Xubno kala duwan oo ay kamid yihiin guddoomiye-ku-xigeenka jimciyadda SOOYAAL, Mujaahid Yuusuf Maydal Cumar, Guddoomiyihii hore ee SOOYAAL, Mujaahid Axmed Xasan iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

 

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Biyaha, iyo Diinta iyo Awqaafta, Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) iyo Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, ayaa iyaguna dhankooda xusay in Taariikhda SNM tahay mid mudan in la xuso halgankii dalka loosoo maray, jiilalka dambena loo gudbiyo wixii lasoo maray dalka iyo halgankii qaranka Somaliland lagu xoreeyey.

Alt: Araweelo News Network

Hase yeeshee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horrayn u duceeyey mujaahdiintii dhiiggooda, naftooda iyo maalkoodaba u huray qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, loona baahan yahay in taariikhdooda meel walba laga sheego.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in dagaalkii lagaga hortegay Taliskii Siyaad Barre uu ahaa mid Soomaali oo dhammi ka siman tahay, islamarkaana ay maanta dhammaan dadka Somaliland ku nooli  si siman loo dheefsanayo midhihii ay SNM keentay.

“Dadka Somaliland maagaya ee doonaya inay taariikhda lumiyaan ee doonaya inaanay Soomaliland hore u socon oo ay iyadu murantaa had iyo goor waxay yidhaahdaan Beel dhexaa wax wadata, haddana guddoomiyaha maanta ee jimciyadda SOOYAAL ee 1987-kii lugtu go’day  ma aha beesha dhexe ee waa nin reer Jig-jiga ah, dagaalkaasna Soomaaliyi way u dhammayd.”ayuu yidhi.

 

Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyey in shacabka looga baahan yahay inay dalkooda dib u dhistaan, mustaqbalkoodana ku dhaabadeeyaan taariikhdii shuhadada iyo halgamayaashii xorriyadda keenay.

“Waxa inala gudboon inaynu ku talogalno wixii dhacay kasoo kabashadooda iyo horumarka mustaqbalkeenna inaynu ku dhisno dhiigga shuhadada faraha badan ee taariikhda dheer leh ee dalkan usoo halgantay,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi, oo khudabadiisa ku dhammaystay qaab sheeko ah, isla markaana kuma xusin Madaxweyne Bixii oo ka mid ahaa saraakiishii Millateri ee hoggaaminaysay halganka hadalkiisa wax cusub oo xukuumaddiisu ugu bushaaraynay mujaahidiinta naafadda ah ee ku dayacan dalka guddihiisa iyo agoontii ay ka tageen kumaan mujaahid oo naftooda u huray sidii qaranka quruxda baddan ee maanta loo heli lahaa, kuwaas oo duruufo kala duwan iyo xaaladdo kala duwan ku nool.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.