Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhammaanba maayarrada kala duwan ee dhawaan loo doortay  23-ka degmo-doorasho ee dalka.

 

Lama ogga ujeedada dhabta ah ee kulankaa oo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn, Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed markii uu dhammaaday kulanku kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network. ayaa lagu sheegay  Kulanka nuxurkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa, isla markaana  loo dardargelin lahaa wada-shaqaynta dawladdaha Hoose iyo dawladda dhexe.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi oo la kulamay Maayarrada 23 Degmo, Qasriga Madaxtooyadda, 26 Oct, 2021, Image Araweelo News Network,

Kulanka, ayaa la sheegay in ay Madaxweynaha ku weheliyeen xubno ka mid ah gollaha wasiirrada, maayarrada kala duwan ee degmo-doorashooyinka dalka, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay ee ay Madaxweynaha la yeeshaan maayarrada 23 Degmo Doorasho.

Sida lagu xusay qoraalka kulanka, ayaa si qoto dheer la isugu xogwaraystay, waxana diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo lagu dhaqaajiyo hawlaha qaranka iyo waajibaadka saaran maayarrada dalka.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi oo la kulamay Maayarrada 23 Degmo, Qasriga Madaxtooyadda, Haweenayda keliya ee Maayarka ah oo ka hadlay kulanka, 26 Oct, 2021, Image Araweelo News Network,

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha guddaha ee dawladdaha Hoose, Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo ka had;lay furitaanka kulanka, ayaa soo dhoweeyay xubnaha maayarrada ah ee degmooyinka dalka, isagoo xusay inay meel wanaagsan marayso wada-shaqaynta dawladdaha Hoose iyo dawladda dhexe ee dalku.

 

Sidoo kale, waxa lagu xusay in Xubno kamid ah maayarrada degmooyinka oo hadalo ka jeediyay kulanka ka warameen xaaladda degmooyinka ay madaxda ka yihiin iyo sida ay baahida ugu qabaan in lasii xoojiyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin dawladda dhexe ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay niyadsami ku qabaan in lasii xoojiyo isku duubnida iyo wada-shaqaynta.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi oo la kulamay Maayarrada 23 Degmo, Qasriga Madaxtooyadda, mid ka mid ah  Maayarrada oo ka hadlay kulanka, 26 Oct, 2021, Image Araweelo News Network,

Qoraal saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi oo xubnaha maayarrada ah u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabnaysa, isagoo si waayeelnimo leh u hogo-tusaaleeyay sidii ay wada-jir ugu diyaargaroobi lahaayeen masuuliyadda saaran, sidaa awgeed loo baahanyahay in ay natiijo fiican ka keenaan waxyaabaha ay bulshadu ka filayso ee dhinacyada horumarka adeegyada Aasaasiga ah.

 

Madaxweyne Biixi, ayaa kula dardaarmay maayarrada inay amniga iyo nabadgelyada deegaannada ay muhiimad gaar ah iska saaraan, si ay qorsheyaashooda waaweyn u hirgeliyaan, bulshadana uga helaan gacan iyo taageero buuxda.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha maayarrada tusay culayska waajibaadka saaran iyo sida loogu baahan yahay inay is ururiyaan, isla markaana qawlkooda iyo ficilkoodu noqdaan qaar is waafaqsan.

“Maayarow maalintaad xil qaadday xuquuq badan oo aad lahayd baad weyday, hadalkaagu waa xaddidan yahay, dhaqankaagu waa xaddidan yahay, goobtaad tegaysaa way xaddidan tahay, waxaad qabanaysaana way xaddidan tahay.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, sida lagu sheegay qoraalka.

 

“Tolka aad leedahay waa sharciga iyo xeerka, haddii aannad qaldanayn oo aad wax wanaagsan waddo ninka aad dooddaan xagga sharcigaad kaga  baxsan kartaa, sharciguna waa cadyahay oo gollaha deegaanku wuxuu fadhiisan karaa marka uu oggolaado badhasaabku, dawladdaha Hoosena waxay curin karaan xeer iyo sharciyo ay leeyihiin, markaa xeerkaagu adiguu kuu gaar yahay, haddii uu kii dawladda dhexe kaa horyimaaddo oo dawladda dhexe kaa hor yimaaddo waad joogsanaysaa, maxaa wasaaradda loo siiyay awoodda intaa leeg, waxa loo siiyey inay eegto qaladaadka ka yimaadda dawladdaha Hoose,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

 

Gebagebadii Madaxweyne Biixi, ayaa xubnaha maayarrada kula dardaarmay inay noqdaan hoggaamiyayaal la mahadiyo oo taariikhdu berri xusto, islamarkaana ka taga taariikh cuddoon oo halqabsi wanaagsan noqota.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com