Araweelo News Network.

“Gaadhigan weligay Gurigayga Dhuxul iyo Raashin uguma qaadin, dan aan leeyahayna kuma qabsan”Bedri Axmed Maxamed.

Ceergaabo(ANN)-Wassaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, ayaa munaasibad abaalmarin lagu guddoonsiiyay Muwaadin dareewal ka ahaa shan iyo toban sannadood ku qabtay Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Alt: Araweelo News Network

Middig: Bedri Axmed Maxamed oo ah Dareewalka Gaadhiga iyo Biddix Agaasimhii hore ee Wasaaradda Qorshaynta, Axmed Cabdi Ismaaciil (Caqli) oo munaasibada ku abaalmarinaya, 19, Oct, 2021, Iamge Araweelo News Network.

Bedri Axmed Maxamed oo ah Dareewalka Gaadhiga Wasaaradda Qorshaynta ee xafiiska isu-duwaha  Gobolka Sanaag, ayaa mutaystay abaalmarin, kaddib markii gaadhiga dawladda ee uu gacanta ku hayay 15-ka sannadood si fiican u daryeelay.

Agaasimhii hore ee Wasaaradda Qorshaynta, Axmed Cabdi Ismaaciil (Caqli) oo toddobaadyadii lasoo loo bedelay Agaasimaha Komishanka Qaranka ee AIDS-ka, ayaa munaasibada ka sheegay in muwaadinka dareewalka ka ahaa muddada shan iyo tobbanka sannadood si masuuliyad ku jirto u xafiday gaadhigaa oo daryeelay, sidaa awgeed uu abaalmarin guddoonsiinayo.

alt; Araweelo News Network

Bedri Axmed Maxamed iyo Gaadhiga uu dareewalka ka ahaa 15-ka sannadood, 19, Oct, 2021, Iamge Araweelo News Network.

“Dareewalka gaadhiga xafiiska Isu-duwaha wasaaradda qorshaynta ee gobolka Sanaag, Bedri Axmed Maxamed, wuxuu gaadhiga uu 15-ka sannadood dareewalka ka ahaa noqday gaadhiga ugu cusub gaadiidka dawladda ee muddadaa lagu shaqaynayay, wuxuu muddan yahay in lagu abaalmariyo, waa Aabe dhalay dhawr iyo tobban caruur ah, wuxuu ilaaliyay gaadhigaa aynu arkayno, waana sababta aynu ugu maamusayni halkan.” Sidaa waxa yidhi, Agaasimihii hore ee wasaaradda Qorshaynta Axmed Cabdi Ismaaciil (Caqli).

Alt srcset=

Araweelo News Network” width=”730″ height=”334″> Mishiinka Gaadhiga uu dareewalka ka ahaa Bedri Axmed Maxamed, 15-ka sannadood, 19, Oct, 2021, Iamge Araweelo News Network.

Dhankiisa muwaadinka dareewalka ka ahaa gaadhiga muddadaa, ayaa ka sheekeeyay sida ay uga suurta gashay in gaadhiga oo nadiif ah oo dhalaalaya oo ka cusub gaadiidka dawladda xataa kuwii labadii sannadood ee u danbeeyay soo galay gacanta dawladda, ayaa ka haday qaabka uu u xafiday.

Bedri, wuxuu sheegay in uu yahay xaas Aabe dhalay dhawr iyo tobban caruur ah, balse aannu gaadhiga weligii gurigiisa ugu qaadin Sonkor iyo dhuxul midna, isla markaana xilliga laga baxo shaqda dawladda ee xafiiska uu gaadhiga ku xerayn jiray Saldhiga Booliska, taas oo damiirkiisu siiyay ee aannay cidna ku ajburin.

“Gaadhiga, marka aan subaxdii shaqaallaha kusoo qaado ma kaxaysan jirjn, kaddibna marka shaqada laga baxo waxaan ku xerayn jiray Saldhiga Daalo, gurigayna dhuxul iyo raashin uguma qaadin, weligaynta dan aan leeyahay kuma qabsan, gacantayda ayaan wixii Saliid iyo kamaajik ah kaga qaban jiray, waana ku faraxsanahay in muddada shan iyo tobbanka sannadood ah gaadhigu noqdo mid cusub, marka loo eeggo gaadiidkii xataa ka danbeeyay.” Ayuu yidhi, Bedri.

Arrintan, ayaa noqotay mid soo jiidatay insha bulshadda, waxayna dad baddan arkaan gaadiidka dawladda oo dano gaar ah lagu qabsanayo, ama xaafaddo loogu adeegayo oo subaxdii lagu arkayo sariibaddaha laga adeegto iyo habeenkii oo ay dareewaliin baddan ku wareegaan suuqyada, ama masuuliyiin inta baddan gaadiidka wasaaraddaha ay masuulka ka yihiin qaarkood u asteeya in loogu adeego xaafadooda, halka dhaqanka noocan ah sababay in masuuliyiinta qaarkood caruurtooda siiyaan gaadiidka dawladda ee ka dhexeeya ummadda, iyagoo aan u arkin hanti ummadeed ee u haysta hanti gaar ah oo sida ay doodaan ugu tagrifalaan.

Si kastaba ha ahaatee gaadhiga muwaadinka dareewalka ah soo bandhigay ee lagu maamusuay iyo qaabka uu uga hadlay masuuliyadda ka saarnay, waxay xujo iyo fallaadh ku tahay hab-dhaqanka khaldan ee loogu tagrifalo hantida ummadda, waana arrin xujo ku ah masuul walba Madaxweyne ilaa Agaasime iyo Dareewal.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.