Araweelo News Network.

Taliyayaasha Ciidamadda Oo Ka Hadlay Xaaladda

Laascaanood(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay markii u horaysay boqolaal shacab ah oo Sabtidiilaga masaafuriyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dadkaa ayaa ahaa kuwo  ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isla markaana muddo dheer ku noollaa deegaankaa.

Labada Taliye ee Ciidamadda Qaranka ee Millateriga, Booliska iyo Ciidanka Ilaalada xeebaha oo ka mid ah wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale oo gobolka u jooga arrimo la xidhidiha dhinaca amaanka, ayaa weli ku sugan xarunta gobolka Sool, waxayna ka hadleen xaaladda iyo sababta dadkaa looga masaafuriyay Sool.

Saddexda Taliye ee Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Sanqadhi, iyo Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo maanta warbaahinta kula hadlay dhismaha qasriga Madaxtooyadda Laascaanood, ayaa sheegay in aannay Somaliland wax ka qabashada amaanka magaalada Laascaanod cidna u daba fadhiisanayn.

Saraakiisha oo daba socday dareenka ka dhashay tallaabada masaafurinta ah iyo dhawaaqyada ka imanaya masuuliyiinta dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo meelo kale, waxay sheegeen in wixii dhibaato ku ah ammaanka Somaliland laga suulin doono dalka.

Hawlgalka lagu masaafuriyay dadkaa u dhashay Koonfur galbeed Soomaaliya iyo kuwo kale oo la qaadayo ayay ku tilmaameen in ujeedada laga leeyahay ay tahay mid la xidhiidha arrimaha amniga, sidoo kale waxay in weli magaalada Laascaanod ay ka wadaan dedaalo dadka aan u dhalan Somaliland si nabadgelyo ah lagaga saarayo, iyadoo si nabadgelyo ah loogu celinayo degaanada ay u dhasheen, waxayna fariin u direen madaxda dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo dadka ka soo horjeeda tallaabadaa oo ku tilmaameen kuwo kasoo horjeeda nabada Somaliland.

“Waxa jirtay in muddo tobbanaan sanno laga joogo magaaladda Laascaanod ay ka dhici jireen dilal qorshaysan oo dalka aan meel kale ka dhici, taas oo la mid ahayd mashruuca dilalka ee Soomaaliya ka dhaca, laakiin Somaliland ka nabadqabtay. Annagoo amaanka dalka u xilsaaran, oo  Allah SW la kaashanayna waxaan go’aansannay inaan kansarkaa (Dilalka ee dhexfadhiya Sool) ka suulino Somaliland, gaar ahaan Laascaanod, waana dilalkii dadkii haldoorka ahaa ee dalka iyo Laascaanood u dhashay rag iyo dumar lagu dilayey, waana in Laascaanod amnigeedu noqdo sida caasimaddaha kale ee dalka.” Ayuu yidhi, Taliyaha Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Maxamed Aadan Sanqadhi (Daba-gale).

Sidoo kale, Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in guddida amnigu go’aansadeen in dadka ajaanibka laga saaro magaalada Laascaanood, si arrinka nadabgelyada looga gun gaadho, iyagoo nabadqabana dalalkooda ku noqdaan.

“Markaan tallaabooyinka amaanka qaadnay dad badan ayaa hadlay, oo fikrado kala duwan ka bixiyay, waxaan u sheegayaa dadkaa oo Madaxda Soomaaliya u horayso, amaanka Somaliland annaga ayaa masuul ka ah, cid aan u daba fadhino oo wax ka weydiinayno ma jirto. Waxaan leeyahay dadka qeylinaya magaalooyinka aad joogtaan iyo caasimada Soomaaliya nabadgelyadeeda ka adkaada, mashruuca (dilalka) Xamar ka socda, Somaliland kama soconayo, waanu ka suulinaynaa, kana tirtiraynaa.” Ayuu yidhi.

Taliye Saqadhi ayaa sheegay inay si ixtiraam iyo asluub ah dadka bixitaankooda loo qorsheeyey,inta cunto iyo biyo la siiyey, oo la tirakoobay gawaadhi dalkoodii loogu qaaday.

“Shacabka, madaxda magaalada Laascaanood waan amaanayaa, codsiga iyagaa keenay, markii dambe-na garab ayay nagu siiyeen, shaqadiina si fiican ayaa loo qabtay. Madaxda Soomaaliya waxaan odhan lahaa nabaradii aad shacabka Somaliland hore ugu geysateen ha xoqxoqina, oo dib dadka ha u xusuusininna,”ayuu raaciyay hadalkiisa Taliye Daba-gale.

Waxa kale oo arrintaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo sheegay in shacabka Somaliland ku caan baxeen inay dadka ajaanibku la noolaan karaan oo dhexgali karaan.
“Shacabka Somaliland waxay taariikh u leeyahiin ummada dadka ajaanibku la noolaan karo, dhexgali karo oo la ceeshi karo, inkasta oo dawladda Soomaaliya siyaasiyan ku kala tagnay oo is-hayno, haddana shacabka soomaaliya waanu jecel nahay,”ayuu yidhi, Taani.

Taliye Nuux oo ka hadlayey sababaha keenay in shacabka ka soo jeeda Soomaaliya looga saaro deegaanka Laascaanod ayaa yidhi, “Dilal badan oo gaadhaya 86 oo ragii iyo dumarkii haldoorka lagu laayey ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood, si haddaba amaanka magaalada loo sugo, annagoo aan cidna waxba yeelin, xiushmad iyo ixtiraam u hayna dadka reer Baydhabo iyo kuwa kaleba, ayaan go’aan ku gaadhnay annagoo amaanka Somaliland sugayna inay si sharaf leh uga baxaan”.

“Qofkii marti ah ee dhibaato wada waanu ka saaraynaa Somaliland” ayuu raaciyay hadalkiisa Taliyaha Ciiddanka Qaranka Nuux Taani.

Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland, Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa dhankiisa sheegay inay u socdeen hawlaha nabada iyo in la ogaado dilalku halka ay salka ku hayaan, sida uu xusayna ay ahayd waajibaadka la soo faray.

“Dadku inay nabad ku seexdaan, oo ganacsigooda ku wataan si nabad ah, gaadiidkooduna habeenkii socdo ayaan u nimi, dadweynaha waxaan u soo jeedinayaa inay kala shaqeeyaan masuuliyiinta amaankooda hagaajinaya, nabada bulshada ayaa u baahan, meel aan nabad lahayn nolol ma yeelanayso, ee amaanka aynu ka wada shaqeyno.” ayuu yidhi, Taliye Xiirane.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.