Damaca Ethiopia ee Dekedda Saylac

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filaaya inuu maalinta beri u baxo dalka Magaalada Addis Ababa ee Caasiamdda Dalka Ethiopia.

Lama ogga ujeedada safarka Madaxweyne Biixi ee xilligan, wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo maanta warbaahinta la hadlay, isagoo sheegaya in xukuumaddu soo dhowaynay go’aanka maxakamadda dastuuriga ahi Axadii, ayaa xaqiijiyay safarka Madaxweyne Biixi ee Addis Ababa.

Wasiir Koore wax tafaasiil ah kama bixin ujeedada safarka ee xilligan oo si weyn bulshada Somaliland isu weydiinaysay warar laga soo xigtay warbaahinta caalamiga ah oo lagu daabacay January 5, 2022, (The National Interest org.) oo yaalaa lagag hadlo Danta Qaranka Maraykanka ee ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda.

warbixintaa oo uu qoray Michael Rubin oo ah aqoonyahan ka tirsan Machadka American Enterprise Institute oo inta baddan ka faalooda qalalaasaha Bariga Dhexe, Bariga Afrika, isla markaana ka mid ah khuburada ka tala bixisa siyaasada Maraykanka ee ku waajahan dunida, wuxuu warbixintaa ku sheegay in Xukuumadda Ethiopia ee uu ra’iisal wasaaraha ka yahay Abiy Ahmed qorshaynay in ay la wareegto Dekedda Saylac ee galbeedka Somaliland, isla markaana wuxuu ka digay khatarta ka dhalankarta damaca Abiy ee ku waajahan Saylac, isagoo tusaale usoo qaatay qarniyo hore oo ay Saylac u ahayd Deked waraabisa Magaalada Herer iyo meelo kale.

Qoraaga Michael Rubin, wuxuu warbixinta ku sheegay in Abiy raacayo raadka taariikhdaa hore, isla markaana ay damaca ku jira ee Saylac tusaale fiican u tahay Ciidamadda Badda ee ay Ethiopia samaysay.

Damaca Ethiopia ee ku waajahan Saylac maaha mid qariib ah, balse waxay sheekadaasi ahayd mid tan iyo markii uu Ra’iisal wasaare Abiy la heshiiyay dalka Ereteria ee collaada weyni ka dhaxaysay muddo yar markii uu xilka hayay, waxayna booqashooyin ay is weydaarsadeen iyo kulamo xidhiidha 16 Juunyo 2018 shaaciyeen heshiis iskaashi, kaas oo Qodobka 7aad lagu qeexay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal.

Xilligaa, waxa soo baxday in dekeddahaa ay midkood tahay Saylac, wallow aan la shaacin, laakiin qorshihii dhanka Millateriga ee Ciidamadda, wuxuu ku murkucday maamulka gobolka Tigray oo la doonayay in marka hore si fudud awoodda ciiddan looga wareejiyo, maadaama ay Tigray oo muddo dheer dalka xukumayay arkayeen qorshahaa, balse arrinta ayaa isu beddeshay dagaal daba dheeraaday oo si fudud u dhexmaray Ciidamadda Federaalka ee Ethiopia oo ay taageerayaan kuwa Ereria iyo ciidamadda TPLF.oo dhinac ah.

Hase yeeshee damacii qorshaha Ethiopia iyo xulufada maqaar-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo hoggaamiyha shabeelka ah ee Maskaxda u ah labadooda Isaias Afwerki, isla markaana ay dhaqaale ku bixiyeen qaar ka mid dalalka Khaliijka iyo kuwa reer galbeedka maaha mid meesha ka baxay, waxaana la rumaysan yahay in heshiiskaasi yahay midka hanqalka usoo kiciyay damaca Ethiopia ee xilligan ra’iisal wasaare Abiy ku hamiyayo dekedda Saylac ee ay ka digayaan khubarada Maraykanku.

Waxa xusid muddan Ra’iisal wasaare Abiy intii ay ku jireen qorshaha xulufada, wuxuu kulan isugu keenay Addis Ababa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Faramajo, iyadoo xilligaa kulanka kaddib ay soo baxday in ra’iisal wasaare Abiy oo uu weheliyo Madaxweyne Farmaajo kasoo degayaan Madaarka Hargeysa, taas oo si weyn shacbiga Somalilandcadho uga muujiyeen, isla markaana sababtay in qorshaha booqashadaasi fashilmay oo aannu gulaysan.

Sidaa awgeed ujeedada socdaalka xilligan ee Safarka Madaxweyne Biixi, ayaa kusoo beegmaya, iyadoo sheekada la xidhidiha arrinta dekedda Saylac si weyn Buslshada Somaliland u hadal hayso, waxaana su’aalaha ka dhashay qaarkood leeyihiin, “Madaxweynuhu ma wuxuu kala hadli doonaa arrintaa ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, mise arrinta ayuuba Madaxweyne Biixi qayb ka yahay.?” su’aalahaa iyo kuow kale ayay is weydiinayaan bulshada Somaliland markii ay maqleen safarka Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi ku tegayo dalka Ethiopia maalinta Salaasada 18 Jan 2022.

Wallow aan si dhab ah loo ogayn ujeedada safarka Madaxweynaha, balse wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore oo warbaahinta u xaqiiyay, ayaa si weyn uga cadhooday markii uu weriyayaasha la hadlayay oo su;’aal laga weydiiyay in Madaxweyne Biixi arrinta uu dalka Ethiopia u tegayo ay tahay sheekadda dekedda Sayla, waaxamyse mawqifka xukuumadda,? , wuxuuna Wasiir Koore si cadha ah oo hanjabadi ku jirto u diiday inuu jawaab ka bixiyo arrintaa, iyadoo sidoo kale ay jirtay in saamigii ay Ethiopia ay ku lahayd maalgelinta dekedda Berbera ay la baxday,, mana caddda sababta ay go’aankaa u qaadatay.

Si kastaba ha ahaate wararkii labadii todobaad ee danbeeyay ee damaca laga soo weriyay Ethiopia ee xukuumadda Abiy oo shacbiga Somaliland maankooda ka guuxaya ayuu kusoo beegmay safarka xilligan ee Madaxweyne ku tegayo Addis Ababa, taas oo saabbtay in ay Bulshadu su’aalo aannay weli jawaab u helin isla weydiiyaan, balse jawaabahooda looga fadhiyo Maadxweyne Biixi, waxaynuse dhawraynaa waxa kasoo baxa safarka Madaxweynaha iyo qaabka uu uga fal celiyo damaca Ethiopia ee indha la’aanta ah.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com