Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa canbaareeyay fal tacadi ah oo Askari ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafiga dhaawacyo ku gaadhsiiyay Weriye Niciima Cabdiraxmaan oo ka mid ah hablaha warbaahinta Somaliland ee ka hawlgala Telefishanada maxaliga ah.

Sida ay sheegeen Ururka Suxuyiinta ee SOLJA,  Askariga ayaa soo gaadhsiiyay Niciima Cabdiraxmaan dhaawacyo labada gamcood  kasoo gaadhay, xilli ay Isniintii 11 Oct, 2021, muuqaal ka duubaysay shil gaadhi oo ka dhacay meel aan ka fogayn Saldhiga Koodbuur ee Magaaladda Hargeysa.

 

Guddoomiyaha Guddida Difaaca ee SOLJA, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, ayaa ka hadlay arrintaa, wuxuuna ku tilmaamay in ay nasiibdaro tahay in Askarigaasi dhaawacyada ka muuqda Niciima, soo gaadhsiiyo, iyadoo gudanaysa waajibkeeda shaqo ee saxaafadeed.

Muqaalkan ka Daawo SOLJA Oo Canbaaraysay Arrintaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.