Araweelo News Network.

Shirweynaha UCID  Oo La Iclaamiyay

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in uu dib-u-habayn ku samaynayo qaab dhismeedka xisbiga, isla markaana la qabsnayo shirweynihii iyo shirkii gollaha dhexe si loogu soo doorto hoggaan cusub oo mustaqbalka hoggaamiya.

Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ah xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa sidaa ka sheegay kulan ay maanta saraakiisha xisbigu ku yeesheen xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay Magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku maqan safar uu ku joogo dalka Britain, balse waxa shirka ay yeesheen xoghayayaasha Xisbigu sharaad ka bixiyay Xoghayaha Guud Cumar Jaamac oo ah xildhibaan ka tirsan gollaha wakiillada ee cusub.

‘Ujeedada kulankayagu, wuxuu ahaa sidii loogu diyaargaroobi lahaa shirweynaha xisbiga iyo shirkii gollaha dhexe oo la qabanayo Oct 2021, waxaana la doonayaa in xisbiga dib-u-habayn lagu sameeyo oo laga soo dhiso gobollada iyo degmooyinka.” Ayuu yidhi.

Xoghayaha UCID, Cumar Jaamac Faarax, wuxuu sheegay in lagu tartamayo hoggaanka u sareeya ee xisbiga oo ay u furantahay ciddii danaynay, isla markaana ay soo dhowaynayaan wixii tallooyin iyo tusaale ah ee ka imanaya bulshadda iyo sidoo kale dadka danaynaya siyaasada in ay qayb ka noqdaan iyo dhismaha qaranka.

“Waxaan ugu baaqayaa xubnaha Xisbiga iyo shacbiweynaha Somaliland in ay arrintaa gacan weyn naga siiyaan, wixii talo iyo aqoon nagu soo kordhinayana way u furan yihiin Albaabadayadu, xisbiguna waa xisbi qaran oo lama kala laha, waana lagu tartamayaa.” Ayuu yidhi, Xoghayaha UCID, Xildhibaan Cumar Jaamac, wuxuuna xusay in guddoomiyihii xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe ku maqanyahay safar dibedda ah oo hawlo xisbiga arrimihiisa ah iyo shirar ku maqanyahay.

Dhinaca kale, Xisbiga UCID, ayaa ah xisbiga ugu da’ada weyn saddexda xisbi ee Somaliland ka jira, waana xisbiga ugu yar marka laga eego taageerada iyo taqwada uu ku leeyahay saaxada Siyaasada Somaliland, waxaana tan iyo markii la aasaasay xisbiga Guddoomiye u ahaa Eng. Faysal Cali Waraabe oo saddex jeer u tartamay doorashada Madaxtooyadda, wallow aannu marna ku guulaysan, ama  kasoo gudbin kaalinta uu kaga jiro miisaanka saaxada siyaasada sagaal iyo tobankii sannadood ee u danbeeyay tan iyo markii ay Somaliland qaadatay nidaamka geedisocodka dimuqraadiyada iyo tartanka Ururada 2002.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com