Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xoghayaha Gollaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa beeniyay warar sheegaya inuu durba khilaaf soo kala dhexgalay gollaha wakiillada ee cusub, gaar ahaan shir-gudoonka gollaha.

Wararkaa oo ay baahiyeen warbaahinta qaarkood oo aan looga baran warar sugan oo xaqiiq ah, waxaa lagu sheegay in khilaaf u dhaxeeyo Shir-guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada.

 

 

 

Hase yeeshee Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ah xoghayaha gollaha ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararkaas oo  lagu qoray Shabakaddaha qaarkood iyo boggaga Social  Media ee Bulshadda.

 

 

 

 

 

“War been ah oo ay qortay Hadhwanaag news iyo qaar kaleba waxba kama jiraan, waa dhaqanka Saxaafadeena qaar ka mid ah oo had iyo jeer caaddaysata in ay bulshadda u soo bandhigaan warar aan jirin, warkaasi maaha war jira, mana jiro khilaaf u dhaxeeyaa shir-guddoonka hab yaraatee, waa been xaqiiqada ka fog, qolyaha facebook wax ku qoraya fadlan warkaasi waa been ee iska hubiya.“ ayuu yidhi, Xoghayaha Gollaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Dhinaca kale, wararka noocan ah, ayaa loo arkaa kuwo la doonayo in lagu manaja-xaabiyo gollaha cusub ee wakiillada, kuwaas oo u muuqda kuwo looga gol leeyahay in bulshadda loo tuso gollaha mid durba muran iyo khilaaf soo dhexgalay, si loogu muujiyo golle aan waxba ugu jilayn bulshadda.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com