Araweelo News Network.

Go’aamo Kasoo Baxay Shirka Gollaha Wasiirrada oo La Xidhiidha Arrimaha Dhulka Iyo Baraha Isticmaalka Baraha Bulshada

 

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa wada qorshe la doonayo in lagu xakameeyo Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ee loo yaqaan (Social Media), sidoo kale qorshe ;la xidhiidha arrimaha dhulka iyo seerayaasha, ayaa dib loogu celiyay guddi ka tirsan xukuumadda ooh ore loogu saaray.

 

Arrimahaa iyo kuwo saamayn ku leh nollosha Bulshada, waxa lagaga dooday shirkii gollaha Wasiirrada Khamiistii oo laga soo saaray dhawr qodob oo la xidhiidha, sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo xanbaarsan nuxurka shirka gollaha Wasiirtada oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network.

 

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Sonmaliland oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Golluhu war-biximo kaga dhegaystay wasiirrada wasaaraddaha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Horumarinta Caafimaadka iyo Hawlaha guud dhulka iyo guryeynta, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

 

 

Kulanka, ayaa sida lagu xusay qoraalka,waxa warbiximo lagaga dhegeystay Guddi hore loogu xilsaaray ka soo talo bixinta xal-u-helidda mushkiladdaha soo noq-noqday ee dhulka iyo sidoo kale caqabado la sheegay in ay la xidhiidhaan Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ee loo yaqaan (Social Media), waxaana dood iyo falanqayn dheer kaddib kasoo baxay shirkii gollaha wasiirrada qodobbadan.

 

  1. In bulshada lagu wacyi-geliyo in aan xoolaha laga xidhan daaqa, maadaama xooluhu ay kaalin weyn kaga jiraan dhaqaalaha dalka, isla markaana aan laga maarmi karin faa’iidooyinka laga helo xoolaha. Dedaalka loogu jiro in la tirtiro seerayaasha daaqa ee cid gaar ahi xidhatay, ayaa soo taxnaa muddo dheer oo ka soo bilaabantay ilaa xukuumadihii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Siilaanyo oo in badan bulshada laga waaniyey in aan cidina si gaar ah daaq u xidhan karin, waxaana muuqata in dadka qaarkii aanay tix-gelin danta guud oo ah in daaqa la wada yeesho xooluhuna u sinnaadaan.

Sidaa darteed, cidda ka dhego-adaygta wacyi-gelintan cusub, dawladdu waxa ay ka qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan, “ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka.

 

Sidoo kale, waxa si cad loogu xusay qoraalka in  gacanta dawladda dib loogu soo celin doonaa Sareeyaasha hadda u xidhan cid gaar ah.

 

Guddida loo xilsaaray in ay dib u eegista iyo dib u habaynta kusoo sameeyaan Siyaasadda dhulka Qaranka, waxa la faray in ay gollaha dib ugu soo celiyaan muddo gaaban, si markaa kaddib, loo ansixiyo.

 

In ay soo diyaariyaan Qabyo-qoraalkii Xeerka Maamulka Dhulka, gollahana  kusoo celiyaan, si loo dhammaystiro looguna gudbiyo Baarlamaanka.

 

In Guddidu sahan dheer iyo cilmi-baadhis kaddib in ay muddo 30-maalmood gudahood ah talo urursan kaga keennaan kala-xadaynta Beeraha iyo Dhulka Degsiimooyinka ah.

 

Sidoo kale, waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeedka in golluhu warbixin ka dhegeystay Guddi hore loogu xilsaaray kasoo talo bixinta Isticmaalka Baraha Bulshada (Social Media).

 

Guddidaa, ayaa Gollaha ka siiyay warbixin caqabadaha ka jira isticmaalka Baraha Bulshada iyo tallaabooyinka loo baahan yahay ee xal u noqon kara caqabadahaas,wallow aan qoraalka lagu xusin waxa ay yihiin caqabadahaasi.

 

Waxaase lagu xusay qoraalka in Guddidaa la siiyay inay muddo 30 maalmood ah ku keenaan tallooyin la xidhiidha sidii loo fulin lahaa qodobbada ay ku taliyeen in la fuliyo, kuwaas oo aan meelna lagaga xusin qoraalka, balse xoggaha shebekaddaha Araweelo News Network, ka heshay ila wareedyo u dhuun daloollaa arrimahaa ay u sheegeen in xukuumaddu wado qorshe muddo dheer soo socday oo la doonayo in lagu xakameeyo Isticmaalka Baraha Bulshada oo aannay xukuumadda Madaxweyne Biixi jeclaysan dareenka fal celinta ee kaga yimaada ficilada ay qaado iyo sidoo kale arraada ay bulshadu kusoo bandhigto ee xanbaarsan dhaliisha xukuumadda.

 

 

Dhinaca kale, qoraalka ayaa lagu xusay shirka gollaha Wasiirrada  warbixin la xidhiidha arrimaha caafimaadka iyo xannuunka Coronavirus, lagaga dhegeystay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, isagoo u sheegay inuu socdo dedaalka ka hortagga iyo wacyi-gelinta Covid-19, isagoo sidoo kale xusay in Wasaaraddu ay xil weyn iska saartay in aan Cusbitaallada waaweyn laga waayin Ogsajiinta, si loo daryeelo bukaanka uu halleelo Covid-19, maadaama sida lagu xusay warbixinta laga soo weriyay dadka uu asiibo xannuunka Coronavirus baahi weyn u qabaan helitaanka Ogsajiinta.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.