Araweelo News Network

 

Bilawgii Falalka koxoda Jaamac Kuutiye Iyo Indhacade loo haystay iyo hawgalkii fashiliyay silsilada shirqooladii Dilalka Iyo Afduubka

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Xabsiga kasii deysay  koox loo haystay falal dilal,afduubyo iyo dhac ka dhacay Somaliland oo lagu fuliyay dad ajaanib ah intii u dhaxaysay Desember 2002 ilaa 2005, kuwaas oo uu hoggaaminayeen Jaamac Kuutiye iyo Cabdiraxmaan Indhacade oo lala xidhiidhyay Al-shabaab.

Kooxda oo xilliyo kala duwan iyo hawgalo kala duwan lagu qabtay, ayaa xukuno kala duwan ay hore ugu rideen Maxkamaddaha Somaliland,  balse waxa maanta laga sii daayay shan maxbuus oo muddo ku dhaw 20 sanno u xidhnaa falalkaa isugu jiray Afduubka, dilalka iyo Jidgooyada, iyadoo qaar ka mid ah kooxdaa oo lala xidhidhiyay  Al-shabaab lasii daayay muddo yar ka hor qaraxii lala beegsaday Madaxtooyadda Somaliland 2009, kaas oo ahaa fal argagixiso oo ay ku nafwaayeen in ka badan labaatan qof oo isugu jira shaqaale, saraakiil, Odayaal, xildhibaano iyo dad kale oo shacab ah.

Hase yeeshee kooxda maxaabiista ee lasii daayay ayaa ku baxay  kaddib markii uu cafis u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna kooxdaa oo qaarkood k maxkamaddu ku riday xukun  dil toogasho ah, halka kuwa kale dhamaysteen xukunka maxkamadda, balse  saaka six or ah baxeen xabsiga, waxayna ka cudur daarteen Jaamac Kuutiye iyo kooxdiisu in ay warbaahinta la hadlaan markii ay xabsiga kasoo baxeen.

Abaanduulaha kooxda lasii daayay oo ah Jaamac Kuutiye iyo  Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo lagu naanayso(Indhacade), ayaa ahaa labada nin ee ugu tunka weyn kooxda lasii daayay, kuwaas oo xilliyo kala duwan la xidhay, isla markaana hawlgalo kala duwan lagu qabtay.

Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Indhacadde), ayaa ahaa hoggaamiyihii koox dablay ah oo 2005 goor habeen ah ay ciidamadda amaanku isu waajaheen guri ku yaal xaafadda New Hargeysa ee bariga Magaaladda, halkaas oo ay doonayeen in ugu diyaargaroobaan sidii ay xabsiga ugala bixi lahaayeen saaxiibadood oo hore loo qabtay oo uu hoggaaminayay Jaamac Kuutiye, waxayna hawgalkooda kusoo beegeen xilli xukun maxkamaddeed lagu riday kooxda saaxiibadood oo ay Somaliland ku mashquulsanayd arrimaha doorashooyinkii ugu horreeyay ee gollaha wakiillada oo toos loo soo doorto dhammaadkii 2005.

 

Hawlgalka uu hoggaminayay Cabdiraxmaan Indhacade, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxayna ka baxsadeen goobta, wallow lasoo qabtay markaa kaddib ay Boolisku gacanta ku dhigeen, isagoo baxsad ah, halka saaxiibadii kale baadigoob iyo dabagal ay ciidamadda amaanku kusoo qabteen, waxayna xabsiga ugu tageen kooxdii uu hoggaaminayay saaxiibkood Jaamac Kuutiye, wallow isku day ay ku doonayeen in ay xabsiga kaga baxsadaan aanay ku guulaysan oo shacbiga ka ag dhowaa xabsigu ka caawiyeen ciidanka in lasoo qabto qaar ka mid ah kooxda oo fursad u helay in ay ka baxaan xayndaabka xabsiga.

Bilawgii Falalka koxoda loo haystay iyo hawgalkii fashiliyay silsilada shirqooladii Dilalka

Dhacadadii March 2004, koox dablay ah oo uu higaaminayay Jaamac Kuutiye maalin Jimce ah Tuuladda Dhubbato oo dhinaca Bariga magaalada Hargeysa kaga beegan qiyaastii 40km weerar Jidgooyo ay u galeen gaadhi ay lahayd Hay’adda GTZ ee laga laayahay dalka jarmalku, iyagoo xidhan dharka Lebiska Dumarka ee jalaabiibka, isla markaana isu muujiyay Haween Somali ah oo gaadhi ka cadilmay oo gurmad u baahan, balse goobtaa ku toogtay Ms. Flora Chepkemol, oo ka tirsanayd Hawlwadeenada hay’adda Samofalka Caalamiga ah ee GTZ, isla markaana haysatay dhalashada Kenya, iyagoo kooxdaasi afduubtay gaadhigii, balse uu ka baxsaday MR. Helkin, oo ahaa Madaxa Barnaamijyada Mashaariicda GTZ ee Somaliland.

Dhacdadaa oo si weyn u ruxday xaaladda amaanka Somaliland, isla markaana daba socotay falal ilaa December 2002 ,  soo taxnaa oo lagu khaarajiyay  5 Oct, 2003,  Haweenaydii Boorama lagu dilay  oo gacanta ku haysay Cusbitaalka halkaa, iyadoo laba todobaad kadibna Dugsiga Sheekh lagu khaarajiyay Macalimii u dhashay Dalka Britain oo ahaa lamaane horseed u ahaa Dugsigaa oo ay maamusho Hay’adda SOS, balse sheekooyinkaa dhagaraha iyo dhiilada ahaa oo dhamaantood aanay Hay’addaha amaanku wax raad ah u hayn waqtigaa uu fashilyay hawlgalka afduubka iyo dilka ee ka dhacay lix bilood ka dib Tuullada Dhubbato, kaas oo fure u noqday dhamaan dhacdooyinkaa shirqoolka ahaa ee Somaliland xiliyadaa  sida isadaba jooga ah ay uga fuliyeen kooxda uu hogaaminayay Jaamac Kuutiye, kuwaas shacbiga Magaalada Dhoqoshey oo dhinaca koonfur galbeed kaga beegan xarunta gobolka Togdheer ee Burco 260km ay gacanta ku dhigeen Kooxda dagaal saacado socday oo dhexmaray kaddib, waxay ku guulsteen in ay gacanta ku dhigaan gaadhigii iyo  MR. Helkin, oo ahaa Madaxa Barnaamijyada Mashaariicda GTZ ee Somaliland oo ay afduub aahan u kaxaysteen, kuwaas oo daqiiqado kaddib u talaabi lahaa dhinaca xadka Somalia, taas oo fure u noqtay dhacdootyinkii dilalka ahaa ee sida taxanaha ah uga socday xilliyadaa Somaliland, isla markaana waxay qabashada kooxda ee dadka deegaanka dhoqoshay noqotay mid si weyn ay ugu farxaan shacbiga iyo xukuumadda Somaliland.

Nin Gacanta Lagu Dhigay Oo Xidhnaa Lebiska Dumarka Iyo Dhacdooyinka Sheekooyinkani Xusuusta Bulshada Kaga Jiraan

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com